Noloshu waa Imtixaan!

Xaqiiqdii, Noloshu waa Imtixaan. Waxaa nalaku imtixaanayaa Cabsi, Gaajo, inaan weyno Naf & Maal. Alle SWT wuxuu doonayaa inuu eego in Iimaankeenu dhab yahay. Ilaa xadka saburkeenu gaarsiisan yahay. Ilaa inta aan adkeysi leenahay. ama in aan is dhiibno haddii waswaas yar Sheydaan xagiisa nooga yimaado. Ogow Imtixaan kasta oo Alle xagiisa ka ahaada waa mid kheyr inoo ah.

In badan oo naga mid ah waxaynu ognahay in markaan Schoolada dhiganeyno ay tahay inaan marno Imtixaano, waxaan sameynaa dadaal aad u badan si aan u gudubno imtixaankaa, iyadoo haddii aan pass-no aan faraxno, haddii la dhaco la murugoodo, dibna loo noqdo. Waxaa kale oo fahansanahay in waxa nalaku imtixaanayo aynaan annagu soo xulan oo ay tahay in Macallinku soo xulo, marka naloo keeno ma jiro arday ka dooda ee waan aqbalnaa, waxaana ku dadaalnaa sidaan uga shaqeyn lahayn.

Haddaba, ka waran Imtixaanka Alle ee Aduunkan si la inagu kala saaro, iyadoo aan ognahay in Imtixaanka Noloshu ka duwan yahay kan School-ka: School-ka waxaa lagu baraa cashar ka dibna waxaa lagu siiyaa imtixaan. Nolosha, waxaa lagu siiyaa oo soo hormara Imtixaanka si uu kuu baro Cashar.

Imtixaanka nolosha wuxuu kuu noqon karaa musiibo ama guuleysasho, waxay ku xiran tahay sidaad wax uga qabato. Guushu ma timaado hadaan loo dhibtoon, waxaa lagu gaaraa dadaal iyo shaqo adag.

Eebe ha noo fududeeyo imtixaanka Aduun & kan Aakhiro. Alle ha naga yeelo kuwa ku sabura Qadarta Alle. Kuwi marki ay musiibo ku dhacdo yiraahda; Ilaahay baa na leh xaggiisa ayaana u noqoneynaa.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *