Hab-Fekerka Ballaaran Waa Jidkaaga Guusha!.

Hab-fekerka

Dadku waxay u qaybsamaan labo jaad, mid kastii wuxuu leeyahay hab-fikirkiisa gaarka ah. Sidaas darteed ayaan arkaynaa in qaybta hore ay u fekerayaan hab ab-looga-har ah [taqliidi], halka qaybta kale ay u fekerayaan hab-fekerka ballaaran.

Fekerka kaliya meelna kuma gaarsiinkaro, dadka badankiis waxay u malaynayaan kaliya in ay fekeraan in ay ku noqonayaan qofka ugu hodansan adduunka ama in uu ku xoojinayo samaynta wax aan suurtagal ahayn, sixirka fekerku keligiis ma awoodo fulinta “waxa suurtagalka ah” dadaal la’aan, macnaha dhabta ah ee fekerka ballaarani waa in aad yeelato yool aad u weyn, wax kasta uu ahaadoba (Mashruucaaga weyn, warshad kuu gaar ah, in aad noqoto qof caan ah … wax kasta uu ahaado yoolalkaagu). Markasta oo uu bartilmaameedkaagu weynaado, daaficaaguna wuu sii ballaaran, si aad dadaal dheeri ah u bixiso adigoo rajaynaya gaaridda guusha.

Bal ka feker haddii aan kuu sheego in aad shaqadaada sannad kadib helayso 500 oo doollar ama sannad kadib aad samayn doonto 100 kun oo doollar, kee ayaad door bidaysaa?. Waxaan aaminsanahay in aad dooranayso shaqada ay kaasoo gelidoonto 100ka kun ee doollar, dadka doorta tirada yar waxay naftooda u dejiyeen xad jaan go’an iyo “yoolal” yar yar, mana ay gaari karaan riyooyinkooda maxaa yeelay waxay ku qanceen meel hoosaysa.

Dadka qaybo badan oo kamid ah waxay wajahaan 4-dhibaato oo waaweyn: “Cabsida, Duruufta, Deegaanka iyo Waxyaabaha yaryar”.

Cabsida: waxay kugu khasbeysaa in aad ku fekerto habka asal-raaca ah oo waxay kaa horjoogsan in aad abuurto mashrucaaga gaarka ah ama aad beddelatid majaalka/ dhinaca shaqadaada, haddaba si aad uga adkaato cabsida shaqada ayaa dhabbadaada ah, maxaa yeelay shaqadu waa waddada ugu wanaagsan ee looga gudbi karo cabsida [Haddii aad ka baqeysay in aad bilowdo mashruucaaga, hadda bilow. Haddii aad ka baqeysay in aad beddesho majaalkaaga, beddel hadda oo jebi cabsidaada]. Wakaaladda [NASA], tusaale ahaan, si looga gudbo cabsida hormuudka fagaaga, ayay ka samaysay tijaabooyin shilalka ku dhici kara fagaaga, si markaas ay u xakameeyaan cabsidooda haddii ay taasi ku dhacdo inta ay fagaaga kujiraan, maxaa yeelay horay ayey ugu soo tababarteen oo wey jebiyeen ooddii cabsida.

Duruufta: ama [Cudurka Cudurdaarka] cudurkaani wuxuu ku dhacaa dadka u fekera habka ab-looga-harka ah. Mid kasta oo innaga mid ah waxaa ku xayndaaban tusaalayaal badan kuwaas oo inna tusinaya dadyow isu dhiibay waaqacooda, ama ku haftay duruuftooda halka qaarna diideen in ay is-dhiibaan iyagoo socda “bareeg” la’aan, kadibna ku guuleysta waxay doonayeen. Sidoo kale, waxaa jira tusaalooyin badan oo caddaynaya dadyow halgan kula jira caqabadaha ku xeeran kuna beddelay jihadoodii nololeed jid kale oo ka duwan kuwii ay ku socdeen.

Deegaanka: dadka kugu hareeraysan way ku saamayn karaan si taban iyo si toganba, si aad uga faa’iideysato deegaanka kugu xeeran sida ugu macquulsan, waa in aad talo ka raadsato dadka ku guuleystay majaalkaaga, kana faa’iideyso waayo-aragnimadooda, kana qeybgal shirarka, aqoon-isweydaarsiyada iyo waxqabadyada la xiriira dhinaca shaqadaada, iskuday in aad barato dadka ugu guusha badan ee kujira majaalkaaga, kana qaado fikradaha hormarinaaya xirfadahaaga, sidoo kale ka sahay qaado waaya-aragnimadooda. Dhanka kale, waa in aad ka soo qeyb gasho shirarka iyo waxqabadyada ka baxsan majaalkaaga takhasuska si aad u horumariso fikradahaaga hal-abuur, taasina waxay kaa caawin doontaa in aad si ballaaran u fekerto.

Waxyaabaha yar yar: haddii aad ka mid tahay dadka ku murma ama daneeya waxyaabaha aadka u yaryar, markaas adigu uma fekeraysid hab weyn, balse waxaad ku lumineysaa waqtigaaga waxyaabo aan micno lahayn, si aad ugu fekerto si ballaaran, waa in aad iska illowdaa waxyaabaha yar yar, waxa ugu mudani waa in aad noqotaa qof dhageyste wanaagsan ah, taasina waxey kaa caawinaysaa in aad fikradaha iyo khibradaha dadka kale si aad u ballaaran u qaadatid. Haddii aad eegto, tusaale ahaan, maamule kasta oo guuleystay, waxaad arki doontaa in uu dadka dhagaysto ??in kabadan inta uu isagu hadlo, had iyo jeerna xasuusnow oraahda dhahaysa “Dadka waaweyni waxay kaligood isa siiyaan dhegeysiga, halka kuwa yar-yarna ay leeyihiin hadalka.”

Sidaas darteed, waxeynu dadka u kala qaybin karnaa laba nooc oo ah; dadka fekerka ballaaran leh iyo dadka leh fekerka asal-raaca ah kaas oo ay ka adkaato hab-fekerkooda [Cabsida, Duruufta, Deegaanka iyo Waxyaabaha yaryari].

Markaad akhrido maqaalkan, ii oggolow inaan ku waydiiyo: miyaad ka mid tahay dadka sida ballaaran u fekera?


WQ: Mustafe Caamir.
WT: Madasha Hoobaan.


Tixraaca Maqaalka:
https://maktaba-amma.com/?p=18044

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *