8 Muhiimadood Oo Cabista Biyo Badan

cabista biyo badan1. Biyaha waxay kordhiyaan tamarta oo ay yareeyaan daalka – Maadaama nudayaasha maskaxdu 70% biyo ka kooban yihiin haddii jirka biyuhu ku yaraadaan waxaa yimaada daal, fahmad-daro iyo tabardaro ka yimid maskaxda oo wayday biyo ku filan.

2. Is-caataysiinta – iyadoo la cabo galaas biyo ah ka hor inta aadan cuntada cunin waxay keentaa inaad cunto yar cunto si aadan si xun ugu cayilin.

3. Dhaqida jirka – Biyuhu jirka waxay ka caawiyaan inay mayraan nudayaasha oo bannaanka u saaraan sunta, kiimikooyinka iyo wasakhda ka samaysantay jirka dhexdiisa. Qashinsaar ahaan ayaan jirkeenu isaga saaraa kaadida iyo dhiddidka. Qofka aan biyo badan cabin wuxuu u nugulyahay in dhagax kalyaha uga samaysmo.

4. Daryeelka maqaarka jirka – Biyuhu waxay waraabiyaan, jilciyaan, nuuriyaan maqaarka. Waxaa la aaminsan yahay in biyuhu ka hortagaan duuduubka maqaarka- waa daawo ka hortagta muuqaalka gabowga maqaarka.

5.Caawinta dheefshiidka – Biyuhu waxay qaybwayn ka qaataan shiidida cuntada iyo ka hortaga callool-qalaylka(Constipation).

6. Xoojinta difaaca jirka – Qofka aadka u caba biyaha inta badan jiradu kuma soo degdegto maadaama dheecaanada difaaca jirka ee dabiiciga ahi u badan yihiin dareere biyo ah.

7. Daawaynta madax-xannuunka – madax-xannuunka, goon-jabiyaha iyo dhabar-xannuunkaba cabida biyahu way caawisaa inay dawayso maadaama dhamaan xannuunadaan ay imaan karaan marka fuuq-bax jiro.

8. Biyuhu waa nolosha barkeed – Dhiiggaaga 80% wuxuu ka kooban yahay biyo lama huraan ay tahay in laga sameeyo unnugyo cusub oo dhiig ah.

Qofka caadiga ah oo qaangaarka ah oo ku nool cimil;o dhexdhexaad ah wuxuu u baahan yahay inuu maalintii cabbo siddeed galaas oo biyo ama 2 ilaa 2.5 liitar oo biyo ah.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *