Maxaa Ku Dhacaya Jidhkaaga Haddii Maalin Walba Cabtid 8 Koob Oo Biyo Ah?

Haddii uu jidhku helo biyo ku filan waxa uu ka helaa faa’idooyin kala duwan oo caafimaad, waxaa ka mid ah;

XAKAMAYNTA MIISAANKA:

Sida ay sheegayso Warbixin caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda Internet ka ee ‘EAT THIS, NOT THAT’ Qofku marka uu gaajada dareemayo waxaa marar ka qaarkood suurtagal ah in aanay gaajo haynin ee waxa uu dareemayaa ay biyo la’aan tahay. Sidaas awgeed marka uu Qofku gaajo dareemo waxaa fiican in uu marka hore koob biyo ah cabbo. Cilmibaadhiso arrintan lagu sameeyey ayaa muujiyey in maskaxdu ay mararka qaarkood isku qaladdo gudbinta gaajada iyo harraadka.
Dhinaca kalana in Qofku uu biyo cabbo cuntada ka hor, waa hab uu ku xakamayn karo doonistiisa cuntada, maadaama oo aanu gaajo dareemayna waxa uu iska yarayn karaa cuntadaas.

XOOJINTA DHEEFSIGA CUNTADA:

Dheefsigu waa awoodda uu jidhku u leeyahay in cuntada uu kala baxo ama ma muudsado macdanaha, nafaqooyinka iyo kalooriyada uu u baahan yahay si uu shaqadiisa u qabsado. Haddii habkaas dheefsigu hoos u dhacana waxaa adkaata qofka in uu miisaanka iska rido.
Cilmibaadhis ay faafisay majaladda ka faalloota qanjidhada hunguriga (Thayroid) iyo dheefsiga, ‘Journal of Clinical Endocrinology and Metabolism’ Qofku marka uu cabbo litir badhkii oo biyo ahba waxaa boqolkiiba 30 kordha heerka dheefsiga cuntada ee jidhkiisa, waxa aanay cilmibaadhayaashu qiyaasaan haddii biyaha uu Qofku cabbayaa ka bataan litir iyo badh Maalintii in ay awood u leeyihiin in ay gubaan 17 kun iyo 400 oo kalooriya ah sannad kasta, taasina waxa ay u dhigantaa ku dhowaad 2.5 kiiloogaraam sannad kasta.

WANAAJINTA JIMICSIGA JIDHKA:

In qofku uu cabbo biyo ku filani waxa ay lagama maarmaan u tahay jimicsiga iyo Isboortiga uu sameynayo. Biyo ku filan oo uu jidhku helaa waxa ay ka caawisaa in kaarbohaydaraytka uu u beddelo tamar, iyo in asiidhka Amino ee lagama maarmaanka ah uu gaadhsiiyo nudaha muruqyada. Sida oo kale biyuhu waxa ay lagama maarmaan u yihiin in jidhku dib u soo ceshado dareerihii uu ku waayey dhididka.

MAQAARKA:

Haddii aanu qofku helin biyo ku filan waxa maqaarkiisa ku dhaca engag badan oo khatar ku ah caafimaadka jidhka, meelaha sida gaarka ah uga muuqatana waxaa ka mid ah wejiga oo ay coodhcoodh ku keento. Dhinaca kalana biyuhu waxa ay maqaarka u ilaaliyaan dhalaalka iyo xariirnimada Dabiiciga ah, la’aantoodna waxa ay keentaa khataro badan oo caafimaad.

DHUGMO YEELASHO:

Maskaxda bani’aadamka samayskeedu boqolkiiba 80 waa biyo, sidaas awgeed biyo badan oo uu qofku cabbaa waxa ay maskaxda u ilaalisaa qoyaanka ku habboon in ay shaqadeeda si habsami ah.

JIDHKA AYAA AY SUNTA KA SAARAAN:

Mar kasta oo uu kordho xaddiga biyaha ee uu qofku cabbayaa waxaa sii wanaagsanaada shaqada ay kelyuhu qabanayaan. Waayo, shaqada keliyaha waxaa ka mid ah in ay nadiifiyaan qashinka ka imanaya maskaxda, mar kasta oo ay shaqada keliyuhu sii fiicnaatana waxaa sii badanaya xaddiga suntan / mariidka ay jidhka ka soo saarayaan ee soo raacaya tusaale ahaan kaadida.

KAAR JEBIN:

Dadka madax xanuunka iyo dhanjafka qaba ayaa la ogaaday in uu xanuunku ka yaraado haddii ay Maalintii cabbaan 6 koob oo biyo ah. cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Holand ayaa lagu ogaaday in qofka oo Maalintii cabba lix koob oo biyo ah, ay ka yarayso Xaaladaha aynu soo xusnay. Dhibaatooyinka kale ee ay biyo la’aantu jidhka ku keentana waxaa ka mid ah muruyqada oo isku urura.

FARXAD:

Jidhku marka uu engag badan dareemo waxa uu saamayn taban ku yeeshaa dabeecadda qofka oo cadhadu ku badato. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa ka marag kacay in cabbista biyuhu ay saamayn ku yeelato dabeecadda qofka, xitaa haddii engag yari qofka ku yimaaddo waxaa ku dhaca kulayl iyo cadho badnaan iyo dulqaadka oo ku yaraada. Ku dadaal in aad biyo badan cabto si dabeecaddaadu u wanaagsanaato.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *