Biyo Intee Le’eg Ayuu Jidhkaagu U Baahan Yahay Maalin Kasta?

Jidhkeenna boqolkiiba 60 illaa 70 ayaa biyo ah; waxaa u baahan dhammaan unugyada jidhkeenna, waxa ay caawiyaan in neefta Ogsajiinta iyo curiyeyaasha nafaqo ee cuntada laga helaa ay jidhka wada gaadhaan, waxa ay xoojiyaan awoodda uu jidhku iskaga saaro sunta inta badan ka dhalata dheefsiga cuntada, sida oo kale waxa ay nidaamiyaan heerkulka jidhkeenna.

Jidhku waxa uu maalin kasta qashin ahaan isaga saaraa qiyaas ah hal litir iyo badh dhidid ah, sida oo kale waxa uu hal litir iskaga saaraa Kaadi ahaan. Sidaas awgeed biyaha aynu cabnaa waxa ay buuxiyaan kaalinta biyaha jidhka ka baxay.

Waxaa xusid mudan in xaddiga qashin saar ee aynu xusnay ay ku xidhantahay hadba Nooca shaqo ee maalinlaha uu qofku u qabto iyo cimilada.

BIYO INTEE LE’EG AYAA AAD MAALINTII U BAAHANTAHAY?

Maadaama oo uu jdhku baahidaas u qabo biyaha, waxaa laga yaabaa in qofku uu is weydiiyo xaddiga biyo ee uu u baahan yahay in uu maalin kasta cabbo, taas oo ku xidhan hadba miisaanka jidhka.

Xeeladda xisaabeed ee hoos ku xusan ayaa ah hab fudud oo uu qofku ku garan karo xaddiga biyaha uu u baahan yahay Maalintii.

– Miisaankaaga oo laga jaray 20kg, kaddib lagu dhuftay 15 loona geeyey 1500.

Tusaale ahaan haddii miisaankaagu uu 80 kg yahay waxa aad odhanaysaa

80kg – 20kg = 60

60 x 15 = 900

900 + 1500 = 2400

Sida aynnu la soconno halka liti waa 1000 sidaas awgeed 2400 waa laba litir iyo ku dhowaad badh.

Talooyin muhiim ah:

  • Caado ka dhigo biyaha in aad cabto, xitaa adiga oo aan harraad qabin.
  • Biyaha si tartiib ah kabbasho ugu cab, iskana jir in aad biyo badan mar keliya qudhqudhiso.
  • Koob biyo ah cab roorta hore marka aad hurdada ka kacdo.
  • Biyaha aad cabbaysaa yaanay ka qaboobaan heerkula dabiiciga ah ee qolka, taas oo u dhiganta qiyaas ahaan 25 digrii. Biyaha qabowga lagu cabbaa waxa ay keenaan madax xanuun iyo dheefshiidka oo cilladooba.
  • Cun Khudaarta leh biyaha, sida khayaarka, xabxabka, shamaamka … iwm. Waxa ay kaalin ka qaadan kartaa in jidhkaagu biyo fiican helo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *