Liin Dhanaantu Waxay Jirka Ka Saartaa Sunta, Waxayna Ka Qayb Qaadataa Dhimista Miisaanka

Daryeel Magazine oo aaminsan in hantida ugu muhiimsan ee qofku ay tahay caafimaadka, ayaa qormadan akhristaashiisa ugu soo gudbinaya faa’idooyinka ay liin dhanaantu u leedahay caafimaadka guud:

Liin dhanaanta:

Biyaha liin dhanaanta leh ayaa muddooyinkan dambe noqday sharaabka ay ugu jecel yihiin dadka caanka ah, ee jecel in ay miisaanka jirkooda ka ilaaliyaan, gaar ahaan dadka filimada ama fanka kale ku lug leh. Tijaabooyin kala duwan oo la sameeyey ayaa xaqiijiyey in liin dhanaanta oo uu qofku subaxda hore cabbaa ay xoojiso awoodda uu u yeelanayo in uu nuugo milixda, sababtuna waa Faytamiin C ku jira liin-dhanaanta.

Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in sharaabka liin dhanaanta ka samaysani uu si xoog badan jirka uga saaro sunta ka dhalata maaddooyinka ku jira cuntooyinka kala duwan ee aynu cunno, taasina ay si weyn uga qayb qaadato in uu qofku ka takhaluso miisaanka saa’idka ah, isla markaana ay wanaajiso caafimaadka guud ee qofka.

Intan kuma koobna ee daraasado kale oo marar hore oo kala duwan la sameeyey, qaar ka mid ahna uu hore Daryeel Magazine u baahiyey ayaa sheegaya in liin dhanaantu ay jidhka kala dagaalanto xaalado badan oo caafimaad darro, isla markaana ay si weyn uga qayb qaadato qurxinta maqaara qofka.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *