Faa’iidooyinka Liin Baydariinta & Xanuunnada Ay Hortaga U Tahay

Haweenay khabiir ku xeeldheer nafaqada ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa sheegay in liinta baydariinta loo yaqaannaa ay fure u tahay caafimaadka iyo quruxda jidheed ee qofka.

Emke Rize waxa ay sheegtay in liintani ay hodan ku tahay Faytamiinka ‘C’ oo la ogyahay in uu kaalin mug leh ka qaato xoojinta habdhiska difaaca aadamaha, taas oo ka hortag u ah xanuunno badan oo gudba iyo hargabka xilliga jiilaalkii bata. Iyada oo intaas ku dartay in Faytamiin ‘C’ uu caawiyo dhismaha maadadda barootiinka ah ee Collagen oo keenta in jidhku uu giijismo, sida uu awgeed uu jidhka qofku quruxaysto.

Waxa kale oo liin baydariinta ku jira ‘Provitamin’ loo yaqaanno  Beta carotene oo marka uu jidhka galo isu beddela Faytamiin ‘A’ sidaa awgeed caawiya awoodda uu jidhku u leeyahay dub u cusboonaysiinta unugyadiisa.

Liin Baydariinta oo leh asiidho kala duwan iyo maaddooyin muhiim u ah jidhka oo la dagaalama hargabka ama nuucyada durayga ee kala duwan, gaar ahaan xilliga qaboobaha ayaa sida oo kale jidhka siisa maadadda ‘Selenium’ oo haddii uu jidhku waayo ama ay ku yaraato keenaya khatar ah in kansar bilowdo.

Marka intaas oo dhan laga yimaaddo daraasad lagu sameeyey dalka Kanada ayaa lagu ogaaday in liinta Baydariintu ay caawiso la dagaalanka buurnida, iyo ka hortagga xanuunno ay ka mid yihiin macaanka iyo adkaanta xididdada dhiigga oo ah sababta ugu badan ee keenta wadne xanuunka iyo dhiigga oo ka xidhma maskaxda. Tijaabooyin ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujiyey in liintani ay awood u leedahay in ay burburiso dufanka jidhka ku ururi lahaa ee keena Kalastaroolka iyo xanuunnada ku sii lammaan ee ay ka mid yihiin Insulinta iyo sonkorta oo dhiigga ku badata, beerka oo xaydh yeesha iyo wadne xanuunka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *