Kafeega Iyo Waxtarka Uu U Leeyahay Wadnaha

Cilmi baaris cusub oo ay sameeyeen sanisyahano u dhashay dalka Kuuriyada koofureed ayaa muujisay in cabidda seddex ilaa shan koob oo kafee ah maalintii in laga yaabo in dadka ka baajiso in xinjiro ku sameysaan xididada wadanahooda oo la ogsoon yahay in ay ku keeni karto wadno xanuun.

Saanisyahanada ayaa daraasad ay ku sameeyeen in ka badan shan iyo labaatan kun oo qof ku ogaaday in dadka kafeega caadi ahaan u cabba ay ku yar tahay maadada kaalshiyam in ay si weyn ugu ururto wadanooda taas oo calaamad u ah in ay xeyri ku sameysantay xididada wadnaha.

Saameynta uu ku leeyahay caafimaadka wadnaha isticmaalida Kafeegu ayaa waxay dood kulul dhalisay. Cilmibaarisyada qaar ayaa muujiyay in cabbida kafeegu uu horseedo dhiig kar in uu dadka ku dhaco.

Xigasho: BBC

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *