Faa’idada Bunka (Kafeega), Khasaarihiisa Iyo Inta Koob Ee Laga Cabbi Karo Maalintii

Bunka, qaxwada, kafeega,

Bunku oo ka mid ah cabitannada dunida loogu isticmaalka badan yahay, ayaa ka mid yahay cabitaannada dunida loogu khilaafka badan yahay waxtarkooda iyo dhibtooda, daraasado badan ayaa iftiimiyey in uu sababo dhibaatooyin caafimaad oo u badan dhinaca wadnaha. Sababta ugu badanina waa maadadda Caffien oo ku badan, taas oo aan u fiicnayn dadka qaba xanuunnada wadnaha, dhiigkarka, keliya xanuunka iwm. Laakiin sidaas oo ay tahay haddana waxa ay xeeldheereyaal badani ku taliyaan in aan la joojin cabbista bunka oo ay sheegaan in sababta isla maadadda Caffiene ta iyo sida oo kale maaddooyin lidka mariidka ah oo ku jira in uu qofka u leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aan la soo koobi Karin. Waxaa ka mid ah in uu u fiican yahay caafimaadka beerka, maskaxda iyo ganaca. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Maadadda Caffeine waxa ay awood u leedahay in ay xoojiso heerka dheefsiga cuntada. Sidaas awgeed waxa uu bunku caawiyaa gubista xaydha iyo dufanka, sidaas awgeedw axa uu la dagaalamaa caloosha. Cilmibaadhiso lagu sameeyey maadadda Caffeine ayaa lagu ogaaday in ay awoood u leedahay gbista boqolkiiba 10 xaydha dadka buurnidu ku badan tahay.
  2. Xarunta caafimaadka ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet ka ku baahisay warbixin sheegaysa in bunku uu yareeyo khatarta dhimashada kadiska ah.
  3. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka macaanka noociisa labaad. Cilmibaadhis lagu sameeyey arrintanina waxa ay iftiimisay in qofka sida joogtada ah bunka u cabba ay ku yar tahay cabsida ah in uu ku dhaco xanuunka macaanku. Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in koob bun ah oo la cabbaa ay boqolkiiba 7 hoos u dhigayso khatarta ah in macaan uu qofka ku dhaco.
  4. Bunku waxa uu kordhiyaa tamarta qofka, waxa aanu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka jidhka, taas oo ay sababteedu tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Marka uu qofku bunka cabbo jidhka ayaa nuuga kaddibna waxa uu raacaa dhiigga isaga oo sidaas ku gaadha maskaxda. Caffeine tu marka ay maskaxda gaadho waxa saamayn ku yeelataa shaqada qaybo ka mid ah dareen-sideyaasha taas oo sababta in ay xoogeysato shaqada unugyo neerfeedku.
  5. Bunku waxa uu xoojiyaa xusuusta waxa kale oo uu wanaajiyaa dabeecadda iyo xaaladda nafsadeed ee qofka.
  6. Bunku waxa uu kordhiyaa heerka hormoonka Adrenaline ka, oo ah hormoon jidhka u diyaariya shaqada culus. Sidaas awgeed bunku waxa uu wanaajiyaa shaqada jidha oo uu ka saaro wahsiga iyo daalka.
  7. Bunku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka beerka oo la aaminsan yahay in uu ka hortago beerka oo burbura ama shaqadiisa gaabiya. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka Kansarku.
  8. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka u uku dhaco kansarka gacanta iyo malawadka.
  9. Bunku waxa uu ka hortagaa khatarta ah in qofka u uku dhaco wadne xanuunku. Koob ama laba bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa ay caawisaa ka hortagga wadne xanuunka iyo in wadnuhu uu ka gaabiyo xaaladda dadka qaar ku dhacda ee ah in wadnuhu uu awoodi kari waayo in uu jidhka gaadhsiiyo xaddi ku filan oo dhiig ah.
  10. Waxa uu yareeyaa khatarta xanuunka qallalka gariirka wata keena ee Parkinson’s oo burburiya habdhiska neerfaha qofka. Unugyada maskaxda ayaa ku guuldarraysta in ay soo daayaan xaddiga loo baahan yahay ee maadadda kiimikaad ee Dopamine. Xaaladaha uu xanuunka Parkinson’s keeno waxaa ka mid ah dhibaato dhinaca dhaqaaqaaqa jidhka ah, gariir xoog badan, iyo maskaxda oo awoodi kari weyda in ay isku xidho xarakaadka ay xubnaha jidhku samaynayaan.
  11. Bunku waxa uu ka hortagaa in hidde sidaha DNA uu qaybo u jajabo. Waa arrin dabiici ah in DNA uu jajabo, laakiin haddii uu jidhku awoodi waayo in uu dib u kabo waxaa ka dhasha xanuunka Kansarka.
  1. Xarunta caafimaadka ee caanka ah ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet warbixin ay ku baahisay waxa ay ku sheegtay in cabbista Bunku ay yarayso xanuunka Alzheimer. Cilmibaadhayaal arrintan daraaseeyey ayaa ogaaday in dumarka da’doodu 65 jir iyo ka weyn tahay ee bunka maain kasta cabba in ay yartahay khatarta ah in uu asaasaq ku dhaco.
  2. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in maskaxda uu dhiig ku furmo ama ka xidhmo.

Dhibaatooyinka caafimaad ee bunka

Inkasta oo uu bunku leeyahay faa’iidooyinkaas tirada badan ee aynu badankooda qaybtii hore ee qormadan ku soo aragnay, haddana waxa uu cilmigu ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo bunku uu qofka ku keeni karo, gaar ahaan marka uu qofku isku badiyo cabbista bunka ama markiisa hore uu leeyahay xaalado caafimaad darro oo bunku uga sii dari karo. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Bunku waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha.
  2. Bunka oo la isku badiyaa waxa uu qofka ku keenaa xaalado nafsadeed ay ka mid yihiin walaac iyo cadho badan.
  3. Bunku waxa uu raad xun ku yeeshaa hurdada oo uu dadka qaar ka yareeyo.
  4. Bunku waxa uu keenaa calool olol.
  5. Bunku waxa uu si ku meelgaadh ah u kiciyaa dhiigga, laakiin isagu ma keeno dhiigkar. Sidaas awgeed waxa fiican in qofka dhiigkarka lihi uu ka taxaddaro cabbista bunka.

Intee ay tahay in bunka laga cabbo?

Maadaama oo aynu xusnay in bunku uu faa’iidooyin caafimaad iyo dhibaatooyin caafimaad darro leeyahay, waxaa muhiim ah in la is weydiiyo sida ugu habboon ee bunka loo cabbi karo iyada oo dhibta ka iman kartana laga taxaddarayo. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ya ku talinayaan in qofku aanu maalintii ka badsan 3 koob oo bun ah, laakiin dhibaato kuma ay sheegin in uu illaa shan koob gaadho. Inkasta oo ay tahay in loo eego hadba xaaladda caafimaad ee qofka.

Caadi ahaan ma fiicna in jidhka uu galo xaddi ka badan 400 oo miligraam oo maadadda Caffeine ahi maalin kasta.

Waxaa xusid mudan in tirada koobabka bunka laga cabbayaa ay aad ugu xidhan tahay xaddiga Caffeine ta ee koob kasta ku jirta, taas oo ku xidhan hadba sida loo diyaariyey bunka iyo nooca uu marka horeba yahay bunku. Tusaale ahaan koobka bunka aadka u culus ah, iyo bunka la kariyaa ee iyo bukna nooca ka baxa dalka Turkiga koobkiisa waxaa inta badan la qiyaasaa in ay ku jirto 30 mililitir oo maadadda Caffeine ah, laakiin bunka u samaysan nooca Isbareesada loo yaqaanno waxaa la qiyaasaa in koobkiiba ay ku jirto Caffeine qiyaasteedu dhan tahay 40 illaa 74 miligraam ama ka badan.

Digniin:

  1. Dumarka uurla leh iyo qofka bukaanka ah guud ahaan xanuun kasta oo uu qabo, waxaa muhiim ah inta aanu bun cabbista bilaabin in uu la tashado dhakhtar xaaladdiisa ka war haya ama takhasuuska ah.
  2. 400 mililitir oo Caffeine ah ayaa uu jidhku maalintii u baahan yahay, laakiin ogow in maadaddan Caffeine ta ana laga helin bunka oo keliya, balse ay sida oo kale ku jirto shaaha iyo cabbitaaka Cola.
  3. Iska jir in aad bunka sonkor ku darto.
  4. Iska jir bunka ama cabbitaan kastaba in aad ku cabto kulaylka aadka ah, waayo daraasado kala duwan ayaa ka marag kacaya in Kansarka hunguriga ku dhacaa uu xidhiidh la leeyahay kulayla cabbitaanka oo dhaawaca dhuunta, sida oo kale waxa uu sababi karaan nabarro gubasho oo ku smaaysma hunguriga.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *