Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro caalami ah

Ha ku ciyaarin shucuurta dadka kale, waa suurtogal in aad ciyaartaa ku guulaysato (Ka gaadhay danta aad ka lahayd ) laakiin khatarta ka dhalanaysaa waa in aad qofkaas weydo. (William Shakespeare)

Qofka doonistiisa sharci ka dhigaa, sharci la’aan ayaa uu dhacaa. (Shakespeare)

Haddii aad doonayso in aad goyso qof aad jeceshay ama saaxiibkaa, dhaawac ha kaga tegin.. Qofka qalbigiisa ina siiyey, innagama mudna in aynu waran ku taagno ama ilbidhiqsi uu murugoodo sabab u noqonno.. Maxaa ka fiican in qof aad kala tagteen in xusuustiinna uu ku hadho waqtigii fiicnaa ee aad soo wadaagteen. (Shakespeare)

Toban hab oo aad jacayl ku kasban karto: Dhegeyso, Hadal, bixi, Xidhiidhi, jawaab, Wadaag, raaxayso, Ku kalsoonoow, Cafi, ballan-qaad. (William Smith, jilaa ka tirsan Hollywood)

Cadowga Xorriyaddu ma murmaan, balse waa ay qayliyaan oo ay rasaas ridaan (Dagaalamaan) William Ralph Inge.

Dadka oo dhan jecloow, dad yarna ku kalsoonoow, cidna xaqa ay kugu leedahay ha ku xad-gudbin. (William Shakespeare).

Qofka wanaagsani waa ka mar kasta garanaya qiimaha waxa aad siisay leeyahay, xitaa haddii uu wax yar yahay. (William Shakespeare)

Haddii laba ruux faras keliya wada fuulaan, waa qasab in midkood uu dambeeyo. (William Shakespeare)

Marka ay baddu deggen tahay bad-maaxyadu waa wada xariifiin (William Shakespeare)

Marka aad go’aan gaadho, ee aad bilowdo fulintiisa, waxa keliya ee kuu muuqdaa ha noqdo in aad natiijo ka gaadho, wax kasta oo taas ka sokeeyana dan ha ka gelin. (William James)
Inta aad muujisato wax badan oo kale ha kaaga hooseeyaan, inta aad og tahay in ka yarna sheeg. (Shakespeare)

– Geesinimadu ma’aha in aad aargoosato, balse waa inta aad dulqaad iyo Samir leedahay. (Shakespeare)

– Si aynu dadka ugu qancinno sida aynu u fikirayno, marka hore waa in aynu fahamno sida ay iyagu u fikirayaan. Haddii aad doonayso in aad adigu wax hoggaamisana waxaa lama huraan ah in aad ogolaato in adiga lagu hoggaamiyo. (William Hazlitt)

– Qof aan fikirini waa dameeri-dhaan-raacday… qof in uu fikiraba aan awoodi karinina waa doqon, laakiin qofka aan kuba dhiirranayn in uu fikiro, kaasi waa addoon. (Sir William Drummond)

– Waa ay adag tahay in ruux jaahil ah aad dood kaga adkaataa. (Willaim McDo)

– Hiddaha iyo dhaqanku waa hanuun iyo gadhwadeen ee yey noqon xabsi (William Somerset Mugeam)

– Ujeedada cilmigu ma’aha in xaqiiqada la ogaado, balse waa in qiyamka wanaagsan la barto (Dean William Laing)

– Adduunyada waxa ugu weyn ee ku dhaqani waa aadamaha, aadamaha waxa ugu weyn ee ku jiraana waa caqliga (Sir William Hamilton).

Fariid ma’ihi, laakiin waa aan fiiro-dheerahay. Dad badan ayaa arkay tufaax geed ka soo dhacaya oo aanay macno u samayn, laakiin Newton oo keliya ayaa naftiisa weydiiyey, waa maxay sababta ay dhulka ugu soo dhacday. (William Hazlet)

Saaxiibbo dhab ah ma heli kartid inta aad ka baqanayso in aad cadow yeelato. (William Hazlet)

Xaqiiqada indhaha laguma arki karo ee qalbiga ayaa laga dareemaa. (William Hazlet)

Denbiga keliya ee aan la cafiyi karin waa munaafaqadda, waayo cudur-daarka / Cafis dalabka Munaafaqa ayaaba munaafaqad ah. (William Hazlet)

Weligaa ha ka murugoon jacayl aad soo martay, xitaa haddii xusuus xanuun badani ku jirto. Ubaxuba marka uu qallalo ee quruxda iyo uduggu ka tagaan, qodax keliyaa ka u soo hadho, ha illaawin in maalin maalmaha ka mid ah aad udug wanaagsan iyo farxad ka heshay (William Shakespeare)

Aqoonyahanku waa ruuxa maalin kasta dib u eegis ku sameeya naftiisa ee la xisaabtama, mar kasta oo noloshiisa wax iska beddelaanna dib u eega xidhiidhka uu la leeyahay dadka iyo dunida. (Shakespeare)

Fulaygu waa uu dagaallamaa, marka uu waayo meel uu u baxsado. (William Shakespeare)

Muhiim ma’aha cidda bilowga hore wanaagsani, balse waxaa muhiim ah cidda wanaaggeedu la dhammaado. (William Shakespeare)

Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *