Erayo Xikmad Badan Iyo Xaqiiqo Nolosha Ah

Waa erayo xikmad badan ay ku duugan tahay oo aynu ka soo xiganay bogga saxafiga caanka ah ee Zaami Al-Xaaj oo ka hawlgala Talefishanka Al-Jazeera uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee facebook.

Waxa aan murugoodaa marka aan:

– Waxa aan murugoodaa marka aan xiiseeyo waqti fiican oo i dhaafay in uu soo noqdo.

– Waxa aan murugoodaa marka aan xasuusto qof wanaagsanaa oo adduunyada kaga ambabaxay safar aan soo noqosho lahayn.

– Waxa aan murugoodaa marka aan muraayadda hor istaago ee aan ku sigto in aan muuqayga garan waayo (In aan is garan waayo is-beddelka igu dhacay dartii)

– Waxa aan murugoodaa marka aan cod dheer oo qaylo dhaan ah dirto, ee cid i jawaabta aan waayo.

– Waxa aan murugoodaa marka aan dareemo dulmi la igu hayo oo aanan taag u haynin in aan naftayda ka difaaco.

– Waxa aan murugoodaa marka aan jacaylka dartii uga tanaasulo wax yaabo badan oo ay naftaydu u baahnayd.

– Waxa aan murugoodaa marka ay duruufuhu igu qasbaan in aan mabaadii’dayda qaarkood beddelo si ay noloshu u socoto.

– Waxa aan murugoodaa marka ay waayuhu i badaan in aan jilo kaalin aan igu habboonayn.

– Waxa aan murugoodaa marka aan ku qasbanaado in aan cagtayda hoos dhigo shay kasta iyo ruux kasta oo aan jeclaa si aan uga dhigto kaabad aan ku gaadho meel sare oo aan hiigsanayo.

– Marka aan si diirran u gacan qaado gacan aan ogahay illaa xadka ay wasakhaysan tahay.

– Marka aan isu qalloociyo dhinaca duufaanku u dhacayo aniga oo ka baqa qaba in aan isu adkeeyo oo kadibna ay qasab igaga riixdo meesha aan taaganahay oo aan doonayo in aanan ka dhaqaaqin.

– Marka aan dareemo in ay igu hareeraysan yihiin dad ay duruufuhu igu qasbayaan in aan la joogo.

– Marka aan arko duruufaha iyo waayaha adduun ee gedisan oo igu riixaya in aan mid mid uga tanaasulo himilooyinkii aan muddo dheer ku riyoonayey.

– Marka aan cod dheer ku qoslo aniga oo doonaya keliya in aan codkaa dheer ku qariyo reenka oohintayda.

– Marka aan dareemo in aan sabab u ahaa/ahay murugada dhibta ruux kale la silcayo.

Diuaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *