Maxaa Ka Dhalan Kara Hadii Dhegta Dhukayga Laga Nadiifiyo?

Dadka qaar ayaa maalin kasta dhegahooda ka saara dhukayga (ear wax)  iyagoo u arkaya inay nadaafadda ka mid tahay. Dhukaygu ma ahan wax nadaafad darro ku yimaada mana ahan jeermis.

Dhukayga waxaa sameeya qanjirrada dibada ee dhegta.

Faa’iidooyinka dhukaygu u leehay dhegta waxaa ka mid ah:

  • Boorka, cayayaanka, bakteeriyada iyo jeermisyada kale ayuu ka hor istaagaa inay gudaha u galaan ama dhaawac gaarsiiyaan dhegta.
  • Waxa uu yareeyaa bakteeriyada iyo koritaanka wasakhda
  • Dhegta ayuu qooyaa waxaana uu ka ilaaliya qalaylka iyo cuncunka.

Dhukayga oo dhegta ku yaraada waxay kordhiisaa khatarta infekshannada ku dhaca dhegaha.

khubaradu waxay ku taliyaan inaan dhegta laga saarin dhukaygaa hadii aysan jirin cillad gooni ah mana ahan inan dhegaha caruurta laga dadiifiyo haduusan dhakhtar ku talin.

Akhriso: Infekshanka Ku Dhaca Dhegta (Otitis Media)

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *