Infekshanka Ku Dhaca Dhegta: Khataraha La Xiriira Iyo Sida Looga Hortago

Infekshanka ku dhaca dhegta wuxuu yimaadaa marka fayrus ama bakteeriya ay sababto in uu caabuqo durbaanka maqalka. xaaladaan waa mid inta badan ku dhacda caruurta, sidoo kale xaaladaan waxay inta badan dhacdaa xiliyada qabowga uu jiro, infekshankaan waa mid iskiisa isaga tago dawo la’aan, hasa yeeshee hadii xanuunka uu bato ama qandho ay timaado, waa muhiim in la raadiyo daryeel caafimaad

Noocyada infekshanada ku dhaca qeybta dhexe ee dhegta

Waxaa jira laba nuuc oo kala ah AOM iyo OME

  1. Acute Otitis Media: Noocaan waa infekshan degdeg ku yimaado oo ay la socdaan barar iyo casaan gudaha dhegta ah, sidoo kale qandho, dhegta oo xanuunta iyo maqalka oo daciifa
  2. Otitis Media with Effusion: Tani waa marka infekshanka uu baxo, mararka qaar waxaa dhici karta in dareere iyo dheecaan ay ka sii buuxsamaana gudaha qeybta dhexe ee dhegta, waxay sababeysaa dareen ah in dhegta ay buuxdo, waa arin saameyneysa in si waafi ah wax loo maqlo

Maxaa sababo infekshanka ku dhaca dhegta?

Waxaa jiro waxyaaba badan oo horseedi kara in ilmaha uu haleelo infekshankaan, inta badan waxaa sababo infekshan ku dhaca habka hawo mareenka oo ku sii faafa dhegaha. marka ay xiranto tuubada isku xirta qeybta dhexe ee dhegta iyo qeybta hore ee cunaha waxaa gudaha dhegta ku soo uruura dareere, waana mid sahleysa in bakteeriya ay ku dhalato oo sababi karta xanuun iyo infekshan.

Waa maxay astaamaha infekshanka ku dhaca dhegta

Waxaa jira astaamo badan oo la xiriira infekshankaan, waxaana ka mid ah

  • Dheg xanuun
  • Hurdada oo dhib noqota
  • Dhegta oo la soo jiido
  • Qandho
  • Walax jaala/huruud ah ama dhiig oo ka soo baxa dhegta
  • Balansiga oo luma
  • Maqalka oo dhib noqda
  • Lalabo iyo matag
  • Shuban
  • Abataytka oo xirma
  • Caburnaan
  • Dabeecad xumo

Sida ugu wanaagsan ee loo daweeyo

Waxaa jiraa qaabab loo daweyn karo, dhaqtarka wuxuu ku saleynaa dawada da’da cunuga, caafimaadkiisa, iyo taarikhdiisi hore ee caafimaad, sidoo kale dhaqtarka wuxuu ka fikirayaa

  • Dhibka infekshanka inta uu gaarsii san yahay
  • Awooda cunuga uu ugu dulqaadan karo qalajiyaasha
  • In uu la tashto waalidka

Hadii astaamaha ay jiraan in kabadan 3 maalmood, waxaa inta badan muhiim ah qalajiyaasha, hasayeesha hadii infekshanka uu ka dhashay fayrus, qalajiyaasha waxba kama tarayaan

Khataraha la xiriira

Dhibka la xiriira infekshan dhegta waa kuwo dhif ah, laakin wey dhici karaan, waxaana ka mid ah

  • Infekshanka oo ugudba lafaha dhegta
  • Infekshanka oo ugudba dareeraha ku jira maskaxda iyo xangullaha
  • Maqalka oo gebi ahaanba luma
  • Xuubka maqalka oo dilaaca

Sidee baa looga hortagi karaa

Wadooyinka looga hortagi karo infekshankaan waxaa ka mid ah

  • In gacmaha ubadka iyo waalidka la dhaqo si joogta ah
  • In caruurta laga ilaaliyo waxyaabaha aan nadiifka ahay iney udhawaadan afkooda
  • In caruurta laga fogeeyo meelaha qiiqa badan ama lagu cabay sigaarka
  • Ilmaha oo tallaalookudu casriyeeysan yahay
  • Masaasada caruurta ay ku cabaan caanaha oo la nadiifiyo ama la bedelo

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *