Faaidooyinka Soonku U Leeyahay Xanuunada Ku Dhaca Wadnaha Iyo Xididada Dhiiga

Wadne Xanuunka iyo guud ahaan xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiiggu waxa ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee dunida maanta loogu dhinto, sida la ogyahayna Soonku waxa uu beddelaa hab-nololeedkii maalinlaha ahaa ee qofka, taasina waxa ay qasab ka dhigaysaa in qofku is weydiiyo raadaynta uu soonku ku yeelan karo xaaladda caafimaad ee bukaanka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Haddaba cilmibaadhis dhowaan lagu ogaanayey xidhiidhka ka dhaxayn kara soonka iyo wadne xanuunka ayaa lagu ogaaday in soonku uu faa’iidooyin waaweyn u leeyahay caafimaadka jidhka, gaar ahaan xanuunnada ku dhaca wadnaha. Daraasaddan oo ay faafisay majaladda Nutrition Journal ayaa tijaabooyin ay khubaradu sameeyeen kadib ay ogaadeen in xaaladda caafimaad ee dadka xanuunnada wadnaha qabaa ay aad uga soo raysay markii ay soomeen. Intaas oo keliya ma’aha ee waxaa sidoo kale si aad ah hoos ugu dhacay, miisaanka, heerka dufanka loo yaqaanno dufanka saddexan (Triglycerides), dufanka (Kalastaroolka), iyo weliba dhiig karka oo yaraada, arrimahan oo ah kuwa ugu waaweyn ee keena wadne xanuunka iyo in xididdada dhiiggu xidhmaan.

Cilmibaadhistan oo aynu Afsoomaaliga usoo rognay ayaa cilmibaadhayaashu ay ku xuseen saddex faa’iido oo waaweyn oo soonku ku soo kordhiyo jidhka, waxa aanay kala yihiin:

1. Marka uu qofku maalintii af-xidhnaado waxaa dhacda in jidhku uu u baahdo dufan iyo maaddooyinka kale ee uu tamar iyo barootiin ka helayo, taas oo marka uu caloosha ka waayo uu dib ugu noqdo kaydka hore ee jidhka ku jiray, illaa uu xitaa dib u soo dhalaaliyo dufankii hore ugu dhegey derbiyada xididdada dhiigga qaada, dufankaas oo marka u dhalaalo ee uu sida barafka dib ugu milmo jidhka iyo dhiigga sabab u noqda in dhiiggu uu sidii hore si ka xawaare badan u socdo.

Marka uu dhiiggu si dabiici ah u socdana waxaa ka dhalanaya in ay korodho neefta Ogsijiinta iyo nafaqada ku ladhan dhiigga ee gaadhaysa unugyada kala duwan. Marka la soo koobo qofka sooman waxaa ku yaraada sababaha keena in xididdada dhiiggu xidhmaan, wadne xanuunka iyo xitaa calaamadaha gabowga keena.

2. Soonku waxa uu keenaa in ay burburaan unugyada hawlgabka ah ee jidhku, kuna soo beddelmaan unugyo cusub oo firfircoon, taas oo kor u qaadaysa shaqada iyo awoodda shaqooyinka jidhka. Waana sababta keenta in bisha soon kadib uu qofku dareemo in jidhkiisu nadiif yahay, tamartiisu intii hore ka badan tahay, nafsiyanna uu u nadiifoobay.

3. Sida caadiga ah wadnuhu waxa uu dhiigga ku bufiyaa xubnaha kala duwan ee jidhka, boqolkiiba 10 dhiigga uu tuurayana waxaa ka faa’idaysta hab-dhiska dheefshiidka. Haddaba xilliga soonka, waxaa nasta hab-dhiska dheefshiidka oo aan shaqo haynin, sidaa awgeed waxaa istaaga dhiiggii uu wadnuhu soo gaadhsiinayey dheefshiidka, taasina waxa ay caawisaa dadka wadne xanuunka leh, oo xilliga soonka caafimaadkoodu uu u aad u fiicnaadaa.

Faa’idooyinka kale ee soonku leeyahayna waxaa ka mid ah, wareegga dhiigga oo dabiici noqda, taasina ay dejiso dhiig karka, sababaha keena in dhiiggu guntamo oo jidhka ka baxa, taasina ay ka hortag u noqoto faaligga iyo in maskaxda uu dhiig ku furmo.

Diyaariye: 

Kamaal Axmed Cali

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *