Sidee Looga Hortagi Karaa Xanuunada Wadnaha?

Xanuunada wadnuhu waxay hogaaminayaan ama ugu horeeyaan dhamaan xanuunada loo dhinto, waxayna kaalinta koowaad uga jiraan xanuunada sababa geerida caalamka oo idil. Taas macnaheedu maahan inaan waxba laga qaban karin, ama la aqbalo inay sii hogaamiyaan kaalinta koowaad ee geerida.

Waxaa jira qodobo ama siyaabo badan oo wax looga qaban karo laguna yarayn karo xanuunada wadnaha, qaababkaasina waxay u badanyihiin habab aan daawo ahayn. Waxaana ka mida kuwaan hoos ku qoran

Ha cabin sigaar ama tubaako:

Cabida sigaarku ama tubaakadu waxay siyaadiyaan halista caafimaad darro soo wajahda wadnaha, tusaale maadada loo yaqaano ”Carbon Monoxide”ee ku jirta sigaarka waxay badashaa qaar ka mid ah ogsijiinta dhiiga ku jirta taaso sababaysa in wadnuhu u shaqeeyo si xawli ah si uu ogsijiin u siiyo unugyada jirka, waxayna taasi kalifaysaa in xididada yaryaraadaan cadaadiska ay la kulmayaan dartood, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in gabi ahaanba la joojiyo sigaarka ama tubaakada,

Samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo:

Jimicsigu waxuu daawo aan la dhayalsan karin u yahay xanuuno badan oo kuwa wadnuhu kow ka yihiin, waxaa quman in ugu yaraan la jimicsado 30 daqiiqo badanaa maalmaha isbuuca. Aan dhahno 4 maalmood isbuucii. Waxuu yaraynayaa culayska jirka taaso aad ugu muhiim ah caafimaadka wadnaheena iyo guud ahaanba jirka intiisa kale.

Cun cunnooyin u badan qudaar:

Cunnooyinka ubadan hilibka ama dufanku waxay waxyeelo balaaran u gaystaan caafimaadka wadnaha waxaana muhiim ah in la quuto cunnooyin ubadan qudaar ama fawaakihaad sababtoo ah kuma jiraan wax dufan ah oo wax yeelaynaya wadnaha, waxaana ka buuxa macdan oo wadnahu iyo jirkuba u baahanyahay.

La soco culayska jirkaaga:

Waxaa wanaagsan in mar walba aad la socoto culayska jirkaaga adoo isticmaalaya cabirka loo yaqaan BMI. si aad u cabirtid culeyska jirkaaga oo aad wax uga ogaatid. Waayo cayilku waxuu saamayn ku leeyahay caafimaadka wadnaha.

Seexo hurdo kugu filan:

Hurdada oo aad uyar waxay sababtaa xanuuno badan sida, dhiigkar, sonkorow, wadna istaag iyo niyad jab. Waxaana lagama maarmaan ah in qofku seexdo ugu yaraan 8 saac, 24 saac walba. Xiliga hurdada jirku wuu is nadiifiyaa, waana muhiim inaad seexato hurdo kugu filan.

Akhriso: Sida loo helo hurdo macaan habeen kasta

Si dhaw ula soco xaalkaaga caafimaad:

Waxaa wanaagsan in marwalba aad la socoto xaaladada caafimaad, waayo waxaa macquul ah in aad ka warhesho xili aan waxba laga qaban karin. Tusaale inaad bishiiba ama labadii isbuuc mar aad iska cabirto dhiiga waxay sahlaysaa inaad ka hortagto dhiigkar, cadadka kolesterolka jirka oo aad cabirto ayadana waa muhiim sidoo kale inaad iska cabirto sonkorta dhiigaaga ku jirta.

Talo:

Si aad u gaarto heer caafimaad oo aad ku najaxdo waxaa wanaagsan inaad qaadato talooyinka aan kor kusoo sheegnay, marwalba ogow in caafimaadkaagu ka wanaagsanyahay wax walba ood hayso, ayna lama huraan tahay inaad ka warqabto.

Akhriso: 9 Arrimood oo lagu xoojiya caafimaadka wadnaha

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *