Dhibaatada Dawooyinka Dumarku Isku Cadeeyaan

Hordhac

Dawooyinka la isku cadeeyo waa qaar hoos u dhiga xadiga midab sameeyahay jidhka biniaadamka ee loo yaqaano (melanin), waxaana badi loo isticmaalaa ciladaha ku dhaca maqaarka sida  fin doobka, waji coodh coodhka, isbedelka midabka ee ay keento dheecamada sida extrogen/androgen oo marna kaca marna dhaca iyo in dadka qaar u isticmaalaan in midabkooda ay ku dhalaaliyaan.

Midabka uu yeelanayo jidhka biniaadamku waxaa saamaynta ugu badan ku leh xadiga (melaninta) ee uu jidhku soo daayo, tusaale ahaan mar kasta oo melanintu badato qofku wuu madoobaanayaa, markasta oo ay yaraatana wuu cadaanayaa.

Xubnaha jidhka biniaadamka meesha melaninta ugu badani ku jirto waa xubnaha taranka ee raga iyo dumarka iyagaana ugu madaw jidhka biniaadamka.

Dawooyinka la isku cadeeyo waxay leeyihiin khatartooda caafimaad, qaar badan oo ka mid ahna looma ogola dadka caafimaad ahaan jilicsan sida dumarka uurka leh, caruurta iyo nuujisada.

Sanadihii u danbeeyay waxa dunida ku soo badanayay isticmaalka dawooyinka la isku cadeeyo, waxaana lagu qiyaasaa dhaqaalaha ku baxa inuu gaadho sanadkii 19.8 billion oo doolar. Dunida laba qaaradood ayaa ugu badan meelaha laga isticmaalo dawooyinkan la isku cadeeyo, waxaanay kala yihiin afrika iyo eeshiya.

Dawooyinka la isku cadeeyo

Dawooyinka la isku cadeeyo waa qaar lagu iibiyo bilaa warqad (over the counter, OTC), waana qaar loo istcimaalo marka midabka jidhku is bedelo ama la doonayo in la cadeeyo.

Dadka qaarbaa mariya dawoowyinka la isku cadeeyo jidhka oo dhan, taasina waxay khatar gelisaa caafimaadka qofka.

Dawooyinka la isku cadeeyo, sheyga ugu weyn ee ku jiraa ee wax cadeynayaa waa curiyaha sunta ah ee la yidhaa mercury. Curiyahani wuxuu dhaawac u geystaa maskaxda iyo kelyaha.

Haweenayda uurka leh ee isticmaasha dawooyinka la isku cadeeyo ee mercuryga leh, waxay ku sababtaa in curiyaha mercuriga la yidhaa uu ka gudbo mandheerta isagoo u gudbaya uur-jiifka taasoo ku sababi karta khataro caafimaad daro.

Maxaa loo isticmaalaa

Dawooyinkan waxa loo isticmaalaa sidii hoos loogu dhigi lahaa marka uu bato dheecanka midab sameeyaha jidhkeena ee la yidhaah melanin, si midabka jidhku uu isku mid noqdo, xanuunadaas waxa ka mid ah (vitiligo, waa xanuunka midabka jidhku kala badanayo sida in ay meelaha qaar cadaadaan, meelo kalena madoobaadaan).

Sunta Mercuryga

Mercurygu waa curiye bir ah kaasoo ku yimaada noocyo kala duwan sida in uu noqdo adke ama dareere. Curiyahan wuxuu sababi karaa xanuun ama dhimasho qiyaas ka yar hal gram oo mercury ah Haddii ay gasho jidhka biniaadamka, sababtuna waxay tahay in curiyaha mercurygu marka uu dhiiga galo uu xanibo ama gufeeyo xididadii dhiigu marayay taasina waxay keentaa in dhimasho degdeg ahi dhacdo.

Calaamadaha marka lagu sumoobo curiyaha mercuryga waxa ka mid ah:

  • Maskax xanuun: shaqadii maskaxda oo hoos u dhacda sida in araga, maqalka iyo hadalkaba la waayo.
  • Kalyo xanuun: shaqadii kalida ee ahayd sifaynta oo hoos u dhacda
  • Sanbabo xanuun: Naqaska oo qabta qofka

Dawaayanta sunta mercuryga

  • In la joojiyo sheygii birta mercurygu ku jirtay ee lagu sumoobay
  • In biyo iyo saabuun loogu maydho jidhka
  • In biyo milix leh loogu maydho indhaha
  • In la siiyo dawada baabiisa sunta mercuryga ee la yidhaa dimercaprol

Tusaalayaal ah dawooyinka la isku cadeeyo

  1. Dawada Tiritonin (Tretinoin)

Dawadan oo ku timaada dhiiqo (cream) la ismariyo, waxa inta badan loo isticmaalaa marka midabka melanintu yaraado ee la doonayo midabka jidhka in la isku ekeysiiyo. Qofka dawadan isticmaalaa maqaarka jidhkiisu uma adkaysto cadceeda iyo kulaylkaba.

  1. Dawada Haydaro-kuwinoon (hydroquinone)

Dawadan waxay ku timaadaa 2-4% dhiiqo ah (cream), waxaana loo isticmaalaa marka ay tahay 2% dawo la isku cadeeyo, markay tahay 4% waxa loo isticmaalaa dawo lagu daweeyo marka midab sameeyaha melaninku kor u kaco.

Dawadan waxa lagu iibiyaa bilaa warqad marka ay tahay 2% dhiiqo (cream), laakiin Haddii ay gaadho 4% dhiiqo (cream) waxay u baahan tahay warqad dhakhtar soo qoray (prescription).

Dawadan waxay hoos u dhigtaa xadiga dheecanka melaninka la yidhaahdo, waxaanay sababi kartaa xanuunka kansarka (cancer) maqaarka ku dhaca Haddii la isticmaalo mudo dheer.

Dawadan dunida waxa laga mamnuucay 2001, sababta ugu badan ee loo sababeeyay waxay ahayd in ay sababi karto kansarka ku dhaca qaybo ka mida jidhka biniaadamka.

  1. Dawada Fiitamiin C (Vitamin C)

Dawadan waa dawo fiitamin ah Waxaana lagu iibsan karaa warqad la,aan, dawadan waxay yareysaa gubashada jidhka gudihiisa ka dhacda iyada oo hoos u dhigeysa xadiga oksajiinta jidhka biniaadamka ku jirta, waana sababta loogu isticmaalo dawo cadeysa midabka qofka.

  1. Dawada Gulutaatiyoon (glutathione)

Dawadan waa dawo cadeysa midabka iyada oo hoos u dhigeysa xadiga oksajiinta ee jidhka ku jirta, waa dawo ku timaada qiyaasta 500mg oo afka laga qaato ama la ismariyo, maalintii hal mar mudo afar usbuuca ayay socotaa.

Dawooyinka Somaliland laga isticmaalo

  1. Dawada Diana

Dawadan waxay ka mid tahay dawooyinka loogu isticmaalka badan yahay kuwa la isku cadeeyo, waxaanay ka kooban tahay( Prunus Amygdalus Dulcis (Sweet Almond) Oil, Beeswax, Bismuth Subnitrate, Salicylic Acid, Glycyrrhiza Glabra (Licorice) Root Extract, Methylisothiazolinone, Phenylpropanol, Parfum).

Dawadani waxay ku timaadaa dhiiqo (cream), waxay nadiifisaa ama ay cadeysaa jidhka biniaadamka, caafimaad ahaan waxa loo isticmaalaa finanka madmadaw ee wajiga ka soo baxa iyo fin doobka. Dawadani waxay ka dhigtaa dubka biniaadamka mid jilicsan, isku siman, isla markaana naxariis badan.

Dawadani waxa la isticmaalaa habeenkii, waxaana la iska maydhaa subaxii. Ugu badnaan dawadan waxa la isticmaalaa mudo labba ilaa afar usbuuc ah.

  1. Dawada Shirley

Dawadani waxay ka mid tahay dawooyinka aadka loo isticmaalo haday noqoto in la isku daweeyo ama in la isku cadeeyaba.

Dawo ahaan waxa loogu isticmaalaa in lagu daweeyo findoobka, haaraha wejiga, iyo wajiga ama jidhka intiisa kale oo kala midab noqota. Dawadani waxay ka dhigtaa dubka mid jilicsan oo naxariis leh, inuu dhaawaca dhayo ku dhaca dubka qofka biniaadamka ah iyo inuu ka ilaaliyo dhaawacyada  ka soo gaadhaya deegaanka sida waxyeelada cadceeda oo kale.

 

  1. Dawada Betnovate

Dawadan waxay ka mid tahay dawooyinka aadka loo isticmaalo, waa dawo ku jirta dawooyinka la yidhaah (corticosteroids), waxaanay hoos u dhigtaa difaaca jidhka, waxay kor u qaada miisaanka qofka, waxay cadeysaa jidhka biniaadamka.

Caafimaad ahaan, dawadan waxa loo isticmaalaa xasaasiyada (allergic), canbaarta maqaarka ku dhacda, iyo caabuqyada maqaarka ku dhaca (skin inflammatory) oo ay ka mid tahay bararka, casaanka, xanuunka iyo xumada ku dhaca maqaarka.

Dawadan ugu badnaan waxa la isticmaalaa mudo afar usbuuca, waxaanay ku timaadaa dhiiqo (cream) ama saliid (ointment), waxaana laga ilaaliyaa meelaha ay ka midka yihiin sanka, afka iyo indhaha.

Dawadan betnovate, soomalidu waxay u isticmaalaan si qaldan oo ah in gabadhu marka ay is cadeynayso xaddi badan oo betnovate ah habeen iyo maalinba isticmaasho tiiyoo la huurinayo maqaarka sida in baco ama shiraabaado la xidho, tani waxay sababtaa in dheecamada qaar ay hoos u dhacaan sida estrogen, progesterone, androgen, waxay sababtaa xanuunka cushing syndrome oo ah in dhiiga ay ku badato duxda la yidhaa steroidka, waxay raajiyaan bogsashada nabarada maadama oo ay difaaca jidhka hoos u dhigayso iyo in timo badan oo aan loo baahnayni ka soo baxaan gabadha ama qofka isticmaalaya dawadan betnovate.

  1. Dawada Faiza

Dawada faiza waxay ka mid tahay dawooyinka loogu isticmaalka badan yahay dunida ee la isku cadeeyo siiba qaarada eeshiya. Dawadani waxay ka mid tahay dawooyinka ugu badan ee Somaliland laga isticmaalo.

Dawadan waxaa loo isticmaalaa finanka madaw ee maqaarka ka soo baxa, madawga badan ee maqaarka, maalmo yar gudahood waxay ku keentaa cadaan badan iyo qurux wejiga ah.

Dawadan faiza waxa la ismariyaa habeenkii sida dawooyinka kale ee la isku cadeeyaba loo isticmaalo.

Qaabka ugu fiican ee loo isticmaalo waxa weeyi, in wajiga la maydho kadibna la qalajiyo, kadibna dhiiqada (cream) la mariyo, waxaad sugtaa afar ilaa shan saacadood, ku cel celi hal ilaa laba usbuuc. Marka qofku cadaado wuxuu u baahan yahay in usbuucii hal ilaa labba mar isticmaalo si uu ugu ilaaliyo quruxdiisa.

Dawadani waxay sababtaa in maqaarku dhaawacmo, Haddii mudo dheer la isticmalo ama dawooyin kale lala isticmaalo, waxay sababi karaa kansarka (cancer) maqaarka ku dhaca iyo khalkhal ku dhaca dheecamada qaar sida estrogen iyo androgen.

Talooyin caafimaad

Biniaadamku wuu jecel yahay inuu qurux badnaado markasta, diinteena islaamkuna wey dhiirigelisay quruxda xalaasha ah oo ah Inaad ka dheeraato wixii dhibaato naftaada u keenaya. Talooyinkan soo socda waa kuwa ugu muhiimsan ee maqaarkaaga aad ku daryeeli karto, kagana ilaalin karto dhawaacyada.

  • Nadaafada oo kor loo qaado
  • Isticmaal Cuntooyinka fiitamin C (vitamin C) ku badan yahay sida liin macaanta, babaya (papaya) afakaadho (avocado) iyo tamaandhada (tomatoes).
  • Isticmaal Caano fadhiga ama ciirta
  • Cinabka ama yicibta oo la isticmaalo
  • Vitamin B3 oo la isticmaalo
  • Warwarka iyo walbahaarka oo la iska yareeyo
  • Dacarta oo loo isticmaalo sidii dhiiqo (cream) ahaan
  • Malabka oo la isticmaalo ama ha la cuno ama la ismariyo
  • Biyo badan oo la cabo maalintii, qiyaastii 3 ilaa 4 litir oo biyo ah

WQ: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *