Faaidooyinka Waa Wayn Ee Ay Dumarku Ka Helaan Biyo Baxa

biyo baxa dumarka,

Biyo baxa wuxuu dumarka u leeyahay waxtar badan oo dhanka caafimaadka ah, waxaa ka mid ah inuu baabi’iyo xubno xanuunka, wanaajiyo tayada hurdada, stress-ka yareeyo iyo inuu ka hortago cudurrada wadne qabadka iyo faaligga (stroke).

Mid ka mid ah sababaha ugu waa wayn ee biyo baxu u leeyahay dareenka fiican, waa inay maskaxdu soo deyso hormoonka farxxadda ee “oxitocine” oo xiriir la leh jacaylka, kalsoonida, galmada iyo xiriirka wanaagsan. Maadaama uu aad u siyaado xilliga hab la isa siinayo ama xilliga galmada, sidaas ayaa loogu magac daray “hormoonka jacaylka”. Hormoonkaan waxaa soo daayo qanjir ku yaallo maskaxda, ragguna way leeyihiin, laakiin haweenka ayuu aad ugu badan yahay. Biyo baxa wuxuu muhiim u yahay caafimaadka haweeneyda, sababtuna waa marka ay biyo baxayso waxaa la soo daayaa hormoon kale oo la yiraahdo “vasopressin” kaas oo qofka dejiya.

Si akhri si aad wax badan uga ogaatid faa’idooyinka ay dumarku ka helaan biyo baxa.

Hurdo wanaagsan:

Biyo baxu wuxuu haweeneyda ka caawiyaa inay hurdo wanaagsan seexato. Biyo baxu wuxuu kugu abuurayaa xasilooni maadaama jirku uu soo daayo hormoonka “Endorphins” kaas oo dejiya jirka iyo maskaxda. Hurdada wanaagsan mid ka mid ah faa’idoyinka caafimaad ee ugu muhiimsan ee galmada laga helo. Galmada kadib jirku wuxuu soo daayaa hormoonka “prolactin” kaas oo kuu sahlaya inaad dhaqso u gam’ado, hormoonnada “oxytocin” iyo “vasopressin” na waxay kaa caawiyaan inaad hurdo fiican seexatid.

Difaaca jirka:

Biyo baxa wuxuu awood siiyaa difaaca jirka. Mid ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee laga helo biyo baxa waa  soo daynta maadada kiimikada ah ee “DHEA”, taas oo dheellitirta habdhiska difaaca jirka, caafimaadka lafaha xoojisa.

Xanuun baabi’inta:

Haddii aad dareemayso xanuun, biyo baxa waa xanuun baabi’iye dabiici ah oo aad tijaabin karto. Biyo baxu wuxuu kaxeeyaa madax xanuunka. Galmada dareenka xooggan leh ee lammaanaha, waxay baabi’isaa xanuunka. Waxay daraasaduhu muujiyeen in xittaa biyo baxu uu baabi’iyo noocyo kala duwan oo xanuun ah, sida xubno xanuunka loo yaqaanno “arthritis” iyo xanuunka qalliinka kadib. Sababta arrintaan ka dambeysaa waa maadada kiimikada ah ee “oxytocin” ee uu jirku soo daayo xilliga biyo baxa taas oo caawisaa xanuun baabi’inta.

Caafimaadka wadnaha:

Waxay daraasaadku muujiyeen, in biyo baxa 3 goor ama ka badan toddobaadkii ay hoos u dhigto 50% khatarta wadne qabadka iyo faaliga ee dumarka.

Isku buuqa iyo kacsanaanta:

Mid ka mid ah hababka ugu fiican ee loola dagaallami karo xanaaqa, welwelka iyo diiqada, waa biyo bax joogto ah. Biyo baxa wuxuu dejiyaa jirka dumarka iyo maskaxdaba.

Wuxuu joojiya jamashada aan loo baahnayn:

Biyo baxu wuxuu caawiyaa soo saaridda maadada “phenetylamine” oo xakamaysa cirweynida. Haddii aad galmo la samayso saygaaga oo aad gaarto heerka biyo baxa waxay ku illowsiinaysaa cunnooyinkii aad jamanaysay sida macmacaanka.

Caafimaadka timaha:

Biyo baxu wuxuu wanaajiya qulqul wareegga, wuxuuna caawiyaa in gaaro basada, taas oo ka kor u qaadaa dhalaalkooda kana ilaalisa inay fudud u go’aan.

Miisaan dhimista:

Sida lagu ogaaday cilmi baaris la sameeyay, marka aad labo jeer biyo baxdo toddobaadkii waxaad gubaysaa 1000 kalooris taas oo u dhiganta inaad ku oroday mashiinka orodka.

Farxadda:

Hormoonka farxadda ee oxytocin ee la soo daayo xilliga biyo baxa wuxuu ka dhigayaa qof faraxsan waana sababta loogu magac daray hormoonka farxadda “happy hormone”.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *