Caadooyin Ay Iska Ilaaliyaan Dadka Caqliga Badan

Ma dooneysaa inaad ku guulaysatid noloshaada jawaabtu haday haa tahay ,hadaba waxaa jira dhaqamo  ay iska ilaaliyaan dadka caqliga badan si ay noloshooda ugu khasaarin taasina waxay mudantahay kudayasho run ahaantiina waa qodobo dhowr ah oo aad uxun loona baahanyahay in laga dheeraado qodobadana waa sidan soo socota:

1-kuma xiraan noloshooda dhaqaale ma haysatid , waxay isku dayayaan waxkasta oo ay qabankaraan ay isleeyihiin

2-iskuma xiraan nin hebel si ay ugu guuleystaan hawshooda , looma baahna marwalbaa inaad dad ku tiirsanaato , waa xaqiiq inaad u baahantahay dad ku caawiya laakiin haddana waxaad awoodid waa inaad qabataa

3-uma ekaadaan dad masuuliyad la’aan aha oo waxkasta wa ay u waqtiyeysanyihiin

4-ma dareemaan quus iyo rajo xumo daran marka ay hawlaha qaar ku adkaadan

5-ma duljoogsadaan qaladaadkoodi hore ay u galeen

6- kuma tiirsanaadan nasiib iyo iska gal hawshaas markay culays ka dareemaan

7-ma ahaadan dad fududeysta hawlahooda muhiimka ah , inta badan waxay jecelyihiin mawaadiicda muhiimka ah inay isdul taagaan si ay waxbadan uga bartaan

8-kama gaabinaayan inay qaladaadkoodi wax ka baartaan

9-ugama tagaan fakirkooda wanaagsan kaliya dad asxaabta ah ay cajabin weyday arrigtidayda , oo waa ku jecel markasta arrigtooda wanaagsan inay hirgaliyaan

10-kuma hadlaan hadal badan oo aan wax qabad laheen ,waxayna hadalka badan  ka jecelyihiin wax qabada badan

11- ma dayacaan fursadaha u kordhinaaya qibrado badan hadaba aqristow hadaad intaan tadbiiqiso waad ku guulaysan kartaa hawlahaada oo idil.

W/Q: DR. Usama Cisman

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *