7 Xaqiiqo Oo Cajiib Ah Oo Hurdada Ku Saabsan

hurdadaCelcelis ahaan marka la xisaabiyo cimriga uu dadku u badan yahay in uu noolaado iyo tirada sannadaha ka soo baxaya isu geynta saacadaha uu qofku dabiici ahaan seexdo, waxaa soo baxaysa in qofku marka cimrigiisa saddex meelood loo qaybiyo uu qayb ahaan ku qaato hurdo. Waxaana yaab leh in marka riyada uu arko laga tago in aanu qofku wax badan ka aqoonin shaqooyinka tirada badan ee jidhkiisu uu maro inta uu hurdo.

Marka uu qofku habeenkii furaashka dhinaca dhigo illaa inta uu hurdadaas ka soo toosayo, waxaa jidhkiisa ku dhaca shaqooyin fara badan. Habeenka uu qofku si dabiici ah u seexdo iyada oo ay xaaladdiisa jidheed iyo tan nafsiga ahiba fiican yihiin, waxa ay hurdadiisu u qaybsamaysaa shan qaybood oo kala duwan, mid kastana waqtigeedu uu 90 daqiiqo yahay. Qormadan uu qurbo magazine ka soo xigtay shabakadda MBC waxa aynu ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah shaqooyinkaas jidhka ka dhex dhaca inta la hurdo habeenkii:

– In kasta oo qofka hurda marka jidhkiisa la eego ay xubnihiisa iyo muruqyadiisa oo dhan ka muuqdaan dabacsanaan iyo kala daadsanaan badani, haddana waxaa cilmi ahaan la xaqiijiyey in qofku inta uu hurdo habeenkii uu ugu yaraan 35 jeer dhaq-qaaq sameeyo, taas oo ka ilaalisa in muruqyadu ay daalaan oo ay ku keento in ay si fiican u shaqayn waayaan.

– Marxaladaha kala duwan ee hurdada midiba ta ay ka dambayso ayaa ay ka sii qoto dheertay. Mar kasta oo uu qofku galo marxalad ka sii qoto dheer tii horena waxa ay indhuhu sameeyaa xarakaad degdeg ah, waxaana ay inta badan tilmaam u tahay in uu qofku galay marxaladdii riyada.

– Inta uu qofku hurdo afku si aad ah ayaa uu u firfircoon yahay, dhareerka afka ku samaysmaa hoos ayaa uu u dhacaa, taasina waxa ay sababtaa in qofku uu subaxda hore dareemo waxoogaa ingag / qallayl ah.

– Inta uu qofku hurdu garaaca wadnuhu waxa uu hoos u dhacaa 15 daqiiqaddiiba, taas oo suurtogelinaysa in uu qofku raaxo iyo nasasho dareemo.

– Waxaa hoos u dhaca heer kulka jidhka, sidoo kale waxaa yaraada heerka hormoonnada sida caadiga ah sababa daalka iyo hurdo la’aanta sida hormoonka loo yaqaanno Adrenalin, taas oo sababta in uu qofku xilliga hurdada isku arko waxoogaa dhidid ah, jidhka ayaa u dagaalamaya in uu hoos u dhigo heer-kulkiisa waana taas sababta dhididku. Habeenkii oo dhan sidaas ayaa uu si tallaabo tallaabo ah hoos ugu socdaa heer kulka jidhku, shanta subaxnimo marka ay saacaddu tahay waxa ay u badan tahay in heer kulka jidhka qofka hurda ee caafimaadka qabaa uu boqolkiiba 1 keliya ka yahay heer kulkii uu ahaa markii u uqofku seexanayey bilowgii.

– Inta uu qofku hurdo waxaa bata unugyada jidhka ee ka shaqeeya wanaajinta iyo qurxinta maqaarka, waxa aanay ka daweeyaan dhibtii soo gaadhay maalinnimada oo ay ka mid tahay dhibta caafimaad ee maqaarka ka soo gaadha fallaadhaha qorraxda.

– Hurdo ku filan oo uu qofku seexdo waxa uu ka dheefaa in suntu ay jidhka ka baxdo, in caafimaadkiisa jidheed iyo kan nafsiga ahiba wanaagsanaadaan iyo in maskaxdu ah hesho nasasho ay hawl-maalmeedkeeda dambe si karti iyo daal la’aan ah u qaban karto.

Hawlahan aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan oo dhammaantood faa’ido caafimaad oo aan la soo koobi karayn jidhka u leh ayaa hurada aynu ka dheefnaa, khubarada caafimaadkuna waxa ay sheegaan in saacadaha ugu fiican ee qofku haddii uu seexdo uu ku heli karo faa’idadaasi ay tahay ugu yaraan lix saac oo habeenkii ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *