Beenaha Laga Faafiyay Dhabar Xanuunka Iyo Xaqiiqooyin Cilmi Ah

Dhabar xanuunku wuxuu noqon karaa sida xanuun ku mudaya ama mid fog, 8 ka mid ah 10ki qofba waxaa inta badan la soo darsa dhabar xanuun. Sidaa darteed waxaa caan ah khuraafaadyada ku saabsan dhabar xanuunka. Qormadaan waxaan ku kala saareynaa xaqiiqooyinka iyo khuraafaad yada ku saabsan dhabar xanuun,

Khuraafaad: Markasta u fariiso si toosan

Qalooc sanaanta ma ahan mid fiican. Lakin inaad si toosan u fadhiisatid waqti dheer waxay dhaawici kartaa dhabarka. Fursado yar qaado maalintii oo ku teecso kursi ama derbi. Sidoo kale is ku day inaad istaagtid xiliyada qaar sida marka aad teleefan ku hadleyso.

Khuraafaad: Wax culus ha qaadin

Muhiimadda ma ahan inta culeys ee aad qaadid, ee wa sida aad u qaadid, sida loo qaada waxa culus:

Khuraafaad: Nasashada sariirta waa dawada ugu fiican

Waa run nasashada sariirta waxay u fiican tahay dhaawac dhawaan soo gaaray dhabarka, laakin hadii ay ka badato maalin ama labo, way kaga sii dartaa dhabar xanuunka

Khuraafaad: dhabar xanuunka waxaa sababo dhaawac oo kaliya

Carjawda u dhexeysa lafaha dhabarka oo baaba’a, xanuunada qaar, infekshano, iyo xaalada laga dhaxlo waalidka ayaa sidoo kale sababi karo dhabar xanuunka

Xaqiiqo: Misaan badan waxay ka dhigan tahay xanuun badan. Inaad tahay qof isku dheelitiran jir ahaan waxay ka hortagtaa dhabar xanuunka, cayilka wuxuu cadaadis saari karaa dhabar. Dhabar xanuunku wuxuu ku badan yahay dadka aan shape-kooda hagaag saneyn.

Khuraafaad: Caata nimada waxay ka dhigan tahay xanuun la’aan

Khuraafaad: jimicsiga wuu u xun yahay dhabar xanuunka

Jimicsiga joogtada ah wuxuu ka hortagaa dhabar xanuunka, dhaqaatiirtu waxay kula taliyaan jimicsi dadka uu dhawaan dhaawac soo gaaray qeybta hoose ee dhabarka. Waxaa inta badan lagu bilaabaa dhaq dhaqaaq fudud.

Xaqiiqo: daliigidda waxay caawin kartaa dhabar xanuunka

Khuraafaad: joodar/firaash adag wuxuu u fiican yahay dhabar xanuunka

Xaqiiqo: cirbidaha la isugu mudo ee shineeska laga soo gaaray wey u fiican yihiin dhabar xanuunka .

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *