Beenaha Hurdada Laga Faafiyay Hurdada Iyo Xaqiiqada Cilmiga Ah

Laba Xeeldheere oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa baadhis ay ku sameeyeen arrimo laga aaminsan yahay hurdada oo caan ka dhex ah inta badan ee bulshooyinka adduunka. Waxa ay ku ogaadeen in aaminsanaantaas shaac baxday ay cilmi ahaan been tahay.

Muuqaal ay faafisay shabakadda Business Insider ayaa David Roberts oo bare ka ah kuliyadda caafimaadka Aiken oo ku taalla dalka Maraykanka iyo Dr. Rebecca Rubens oo ah cilmibaadhe ka tirsan cisbitaalka Brigham oo ay leedahay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda caanka ah ee Harvard, waxa ay ku sheegeen qaar ka mid ah arrimaha laga aaminsan yahay hurdada ee cilmigu uu beeniyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Daawashada talefishanka ee hurdada ka hor

Dad badan ayaa aaminsan in ay fiican tahay marka guriga la tago hurdada ka hor in waqti lagu sii qaato daawashada talefishanka, taas oo ay ku doodaan in uu yahay hab fiican oo aad jidhka ku sii dabcin karto si uu qofku hurdo u helo. Laakiin Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegtay caafimaadku aanu arrintaas ku talinayn.

Waxa ay sheegtay in daawashada talefishanka, gaar ahaan muraayadaha waqtigan ee casriga ahi ay sababto in qofka hurdadu ka tagto, maadaama oo uu ilayskoodu Khalkhal ku rido saacadda abuurka ah oo baraarujin u ah maskaxda iyo jidhka.

Kiniinka hurdada

Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegtay in ay run tahay in kiniinka hurdadu uu keeno hurdo, gaar ahaan marka la joogteeyo, laakiin caafimaad ahaan waxa uu burburiyaa habsami u socodka caadiga ah ee hurdada, oo marka ay dabiiciga tahay si tartiib-tartiib ah ugu timaadda qofku marka uu furaashak tago, laakiin marka uu kiniinka isticmaalo si aan dabiici ahayn mar keliya u soo wada degeysa.

Indho isku qabad in lagu sugo hurdada

Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmigu uu beeninayo aaminsanaanta ah indhaha oo la isku qabtaa ay hurdada soo dhoweynayso. Sidaa awgeed sida aanay hurdada waxba uga tarayn in qofku uu indhaha isku sii hayo marka uu soo tooso, si la mid ah ayaanay waxba uga tarayn in marka uu sii seexanayo uu indhaha isku hayo.

Marka aad toosto haddii aad doonayso in aad hurdada ku noqoto, furaashka iska sii jiif

Dad badan ayaa aaminsan in marka ay baraarugaan, haddii ay doonayaan in ay hurdada ku noqdaan in ay fiican tahay in aanay ka kicin furaashka, laakiin Dr. David Roberts waxa uu arrintaas u arkaa khuraafaad, waxa aanu ku doodayaa in furaashka oo la sii jiifaa ay hurdo soo celisaa ha joogto e, in ay u dhowdahay in huradada ay qofka ka kaxayso. Maadaama oo jiifka badani uu kordhiyo cadaadiska uu dhiiggu ku hayo curuuqda iyo xididdada qofka.

Sidaa awgeed waxa uu ku talinayaan in qofka uu iska kaco oo si dabacsan uu isaga fadhiisto, kaddibna muddo kaddib uu dib ugu noqdo furaashka.

Qofka weyn shan saac oo hurdo ah ama ka yar ayaa ku filan

Dad badan ayaa ku andacooda in haddii la weynaado ay baahida hurdo ee jidhku ku soo ururto shan saac ama ka yar. Laakiin Dr. Rebecca Rubens waxa ay ku doodaysaa in cilmi ahaan ay arrintaasi qalad tahay, cilmibaadhiso badan oo la sameeyeyna ay ka marag kaceen in shan saac aanay qofka weyn hurdo ahaan ugu filnayn. “Waa suurtagal in lix saac aydadka qaar ku filnaato.. laakiin waa khuraafaad in lix saac ka yari ay qof hurdo ahaan ugu filnaan karto” ayaa ay tidhi Dr. Rebecca Rubens. Iyada oo intaas ku dartay in xeeldheereyaashu ay ku talinayaan in qof kasta oo qaangaadh ahi uu helo hurdo toddoba illaa siddeed saacadood ah.

Hurdo yaraanta waa lala qabsadaa

Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegaysaa in aanay run ahayn aaminsanaanta sheegta in qofku hurdo yaraanta la qabsado, oo marka uu muddo saacado yar seexdo ugu dambaynta hurdada uu u baahan yahay ay saacadahaas yar ku soo ururto.

Waxa ay sheegtay in sida uu jidhku caafimaad ahaan ugu baahan yahay nafaqo ku filan, in uu si la mid ahna u baahanyahay hurdo ku filan.

Dr. Rebecca waxa ay caddaysay in cilmibaadhisaha lagu sameeyey dadka dhibaatada hurdo yaraantu haysaa, ay caddaynayaan in iyaga oo aan is dareensanayn ay firfircoonidooda maskaxeed iyo jidheed si joogto ah hoos ugu dhacaan.

Xaaladaha hurdo yaraantu keento ee aanu qofku dareemin sababtooda runta ah waxaa ka mid ah madax xanuun yar, iyo khatar ka weyn oo ah in isaga oo hawlaha muhiimka ah ku jira si aanu is dareemin uu hadba saddex ilbidhiqsi u gama’do, taas oo khatarteeda leh marka uu qofku shaqo feejignaan u baahan ku jiro, tusaale ahaan gaadhi wadista.

Talada ugu fiican ee ay dhakhaatiirtu siinayaan qofka lulo / hurdo dareema isaga oo gaadhiga wadaa in uu sida ugu dhaqsaha badan joojiyo, jidka hareertiisa oo ugu yaraan uu daqiiqado seexdo. Caadi ahaan dadka safarrada badan ee habeenkii galana talada ku habbooni waa in ay hurdo fiican seexdaan, in aanay habeenkii saacadaha dambe socon, in ay ka fogaadaan cuntooyinka dufanku ku badan yihiin iyo in aanay isticmaalin maandooriye iyo wax kasta oo ay is leeyihiin hurdada ayuu kaxeeyaa.

Khubaradu waxa ay darawallada gaadiidka kula talinayaan in ay caadaystaan jimicsiga jidhka, gaar ahaan waqtiyada ka horreeya safarka. Waxa aanay caddeeyeen in cabbitaannada tamarta kordhiya, ama baraarujiye jidhka, daaqadaha gaadhiga oo la furto sida dadka qaar sameeyaan, ama rikoodhka gaadhiga oo cod dheer lagu dhegeystaa in aanay wax muhiim ah ka tarin baraarugsanaanta uu darawalku u baahan yahay.

Darawalku haddii uu isku arko hammaansi badan, ama maskaxda oo baxaysa ama maahaysa waxaa waajib ku ah in uu safarka joojiyo si uu muddo gaaban u seexdo, haddii kale waxaa dhici karta in ilbidhiqsiyo aanu dareensanayn ay maskaxdu gama’do, waana mid ka mid ah sababaha shilalka gaadiidka keena.

Daraasad ay hay’adda nabadgelyada waddooyinka Maraykanku samaysay 2014 kii ayaa lagu ogaaday in darawallada gaadiidka safarrada gala kaxeeyaa ay boqolkiiba 37 seexdaan ilbidhiqsiyo aanay dareemin oo inta ay gaadhiga wadaan ah, iyo in qiyaas ah boqolkiiba 21 shilalka gaadiidaka ee foosha xun, boqolkiiba 13 shilalka dhaawacyada xun geysta iyo boqolkiiba 6 guud ahaan tirada shilalka dhaca in ay sababtoodu tahay darawalka oo isaga oo aan is dareensanayn gam’ay.

Daraasad kale oo sannadkii 2016 ka la sameeyeyna waxa ay daahfurtay in darawallada shilalka galaa ay u badan yihiin kuwa seexda wax ka yar 5 saac maalin kasta, iyo darawallada afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyey seexday wax ka yar 7 saac.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay wax fudud u arkaan hurdada saddexda ilbidhiqsi ah ee darawalku gam’ayo, laakiin waxa aanay dareensanayn in haddii gaadhi uu ku socdo 100/km in saddexda ilbidhiqsi ee la gam’ay uu soconayo masaafad dhan 80 mitir. Waa siddeetan mitir oo aanu waxba kala socon xaaladda gaadhiga iyo jidka uu marayo iyo waxa hareerihiisa ka socda oo dhan. Marka sidaas loo eego waa la dareemi karaa culayska khatarta ka dhalan karta.

Hurdo in aad hesho ayaa muhiim ah laakiin waqtiga aad maalintii ka seexanaysaa muhiim ma’aha

Dr. David Roberts waxa uu beeniyey aragtida dad badani aaminsan yihiin ee ah in jidhku hurdo u baahan yahay, laakiin aanay muhiim ahayn saacadda uu maalintii ka seexanayaa. Waxa uu sheegay in maskaxda aadamuhu ay leedahay saacad abuur ah oo si dabiiciya u jaangoysa waqtiga ku habboon hurdada, iyo guud ahaan waqtiyada kala duwan ee nolol maalmeedka qofka muhiimka u ah.

Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmibaadho lagu sameeyey dad shaqadoodu ay tahay kalkaaliyeyaal caafimaad iyo shaqaalaha gurmadka madaniga ah ee dab-damisku ku mid yahay, in lagu ogaaday in dhibta ugu badani ay ka soo gaadho saacadaha badan ee ay habeenkii soo jeedaan, inta badanna ay ku keento xaalado caafimaad oo ay ka mid tahay waden xanuun, iyo miisaankooda oo kordha.

Jimicsiga ka horreeya hurdada

Dad badan ayaa aaminsan jimicsiga ugu yaraan afar saac hurdada ka hor la sameeyaa in uu Khalkhal ku abuuro hurdada. Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmi ahaan aan arrintaas wax caddayn ah weli loo haynin, laakiin haddana waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in ana la jimicsan ugu yaraan hal saac hurdada ka hor.

Riyadii xalay oo aad xasuusataa waxay calaamad u tahay in aad si fiican u seexatay

Dad badan ayaa ku dooda fikir ah, qofka oo subaxdii xasuusta riyooyin uu habeennimada arkay in ay calaamad u tahay in uu hurdo fiican seexday.

Cilmibaadhisaha hurdada lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu xidhiidh ka dhexeyn xasuusashada riyada habeenkii iyo nooca hurdo ee uu qofku seexday. Waxa aanay sheegayaan, xaaladda qofku marka uu subaxdii tooso ku sugan yahay in ay tahay calaamadda ugu fiican ee uu ku garan karo in uu hurdo fiican seexday.

Khuuradu saamayn kuma laha hurdada

Dr. David Roberts waxa uu sheegay khuuro dhawaq dheer ah oo uu qofku habeenkii sameeyaa in ay calaamad u tahay, in ay dhuuntu xihdantahay, neefsiga dabiiciga ahina aad cidhiidhi ugu yahay, neeftaas cidhiidhiga ku maraysa hawo mareenka ayaana sababaysa in hilibka gudaha sanka iyo dhuuntu uu gariir sameeyo, kaddibna aynu maqalno dhawaqa khuurada loo yaqaanno.

Waxa uu dhakhtarku sheegay in khuurada noocan ahi ay khatar ku tahay nolosha qofka, oo marar badan ay dhici karto in uu neef qabatoobo, ama in ay keento xaalad ah in qofka ay neeftu ka go’do.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *