Xaqiiqooyin Ku Saabsan Gabadha Bikrada Ah Oo Ay Tahay Raggu Inay Fahmaan

gabadha bikrada ah

Ragga badankoodu waxay aaminsan yihiin in ay tahay inuu gabadha dhiig ka yimaado galmada ugu horreysa haddii ay bikro tahay! Run ahaantii waa fikrad khaldan.

Waa jira fikrado kale oo khaldan oo raggu ay ka rumaysan yihiin gabadha bikrada ah: waxay aaminsan yihiin in haddii aysan dhib badan ka marin xilliga galmada oo aysan xanuujinin haweeneyda inaysan bikro ahayn. Taasi waa arrin aan jirin.

Hagaag, haweenku way kala duwan yihiin, qaababka dadka jirkoodu u falceliyana way kala duwan tahay. Taas macnaheedu waa in dumarka qaar uu dhiig ka imaan karo galmada u horreysa, halka qaarna uusan ka imaanin. Shaqo kuma lahan bikronimada.

Waa kuwaan xaqiiqooyinka ku saabsan xuubka bikrada ee ay tahay inaad ogaato kuwaas oo sawir cad kaa siinaya xuubka bikrada iyo khuraafaadka la xiriira.

Xaqiiqada koobaad:

xuubka bikrada dumarka waa uu kala duwan yahay, qaar baa Alle uusan ku abuurin, qaarne aad ayuu khafiif u yahay oo lama dareemo markaad xaaskaaga u galmoonaysid, qaarna duleello ayuu leeyahay, qaarna sidii bil nuskeed oo kale ayuu u samaysan yahay oo dhinac ayuu ka banaan yahay, qaarna wuuba duleelaa iyadoo aysan gabadha horay nin u soo arkin, mararka qaarna xuubka si kadis ah ayuu ku baab’i karaa sida waxyaabaha qaarkood oo xilliga caadada la isticmaalo.

Xaqiiqada labaad:

Dhiigga yimaada inta lagu guda jiro galmada ugu horreysa waxaa keena xuubka bikrada oo lakab khafiif ah oo ku dahaaran maqaarka gudaha ee cawrada dumarka, marka uu dillaacana dhiig ayaa imaan kara.

Xaqiiqada saddexaad:

Midda aysan rag badani ogayn waa in gabdhaha qaarkood ay ku dhashaan iyagoo aan lahayn xuub bikrada, halka qaarna ay leeyihiin qayb yar uu xuubka bkrada, taas ah sababta uusaan dhiig uga imaan marka koobaad oo ay galmo sameeyaan.

Xaqiiqada afaraad:

Dumarka qarkood waxay xuubka bikrada ku lumiyaan ciyaaraha sida kubadda miiska (tenis), halka qaarkood waxyaabaha la isticmaalo xilliga dhiigga caadada sida qalabka loo yaqaanno “tampon” ka.

Xaqiiqada shanaad:

Haweenka aan luminin xuubka bikrada, way dhiigi karaan galmada koobaad, xoogaa xanuun ahna way dareemi karaan.

Xaqiiqada shanaad:

Dumarka qaarkood, dhiig wuu ka imaan karaa iyagoo aan dareemin wax xanuun ah inta lagu guda jiro howsha galmada. Sidaas darteed haddii aysan dareemin xanuun macnaheedu ma ahan inaysan bikro ahayn.

Xaqiiqada lixaad:

Waxaa jira waxyaabo kale oo haweeneydu ay ku lumin karto xuubka bikrada oo galmadu aysan ku jirin, waxaa ka mid ah baaskiil kaxaynta, fardo fuulka, bood-boodidda.

Kuwaan waa sababaha ay nacasnimo u tahay in bikronimada lagu xiro dhiig ama xanuun. Haweeney kasta laguma arko dhiiggaas ama xanuunkaas. Tan kale sababta ugu badan ee ragga u dhibaatoodaan habeenka aqal-galka waa tolmada gudniinka oo mararka qaar u baahata in isbitaalka la aado si qalliin loo sameeyo ee ma ahan in dhibka ay tahay xuubka bikrada.

By Daryeel Magazine

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *