Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Gudniinka Fircooniga Ah (Female Genital Mutilation)

Waxaan ka mid nahay bulshada caalamka kuwa ku caan baxay gudniinka fircooniga, hadaba casharkaan waxaan kaga hadleynaa dhibaatada caadadaan ay u lee dahay caafimaadka  iyo nolosha dumarka.

Fircooniga waxaa caalamka looga yaqaanaa laba magac oo kala ah naafeynta xubinta galmada dumarka iyo jaridda xubinta galmada dumarka. In kastoo magaca u qoran hay’adda caafimaadka aduunka uu yahay naafeynta xubinta galmada dumarka.

Magacaas waa magac tilmaamaya culeyska ay caadadaan wadato oo ah dhaawicidda nude caafimaad qabta iyo in loo bedelo si joogta ayada oo laga laheyn dan caafimaad. Erayga fircooni waa mid meel ka dhac ku noqon kara dumarka qaar hadii lagu tilmaamo.

Gudniinka fircooniga malee yahay faa’idooyin caafimaad?

Caadadaan waxaa la isku raacay ineysan lahayn wax faa’ido ah, waxaana la aamin san yahay iney lee dahay khataro caafimaad, waana mid dadka caadeysta ay ugu talo geleen iney ku xakameeyaan rabitaanka galmada ee dumarka.

Noocyada fircooniga

Hay’adda WHO waxey u kala qeybisaa gudniinka fircooniga ah saddex nooc oo kala ah.

  • Nooca koowaad oo ah jaridda kintirka
  • Nooca labaad oo ah jaridda kintirka iyo qeybo ka mid ah bishimaha ku hareereysan
  • Nooca saddexaad waa kan ugu daran waana jarida qeybaha kore ee siilka iyo yareynta doloolka siilka

Fircooniga kedib, dib maloo sixi karaa?

Dib u sixidda waxey ku xiran tahay nooca gudniinka, hasa yeeshee dumarka lagu sameeyaya nooca saddexaad waxaa lagula taliyaa in lagu sameeyo qalliin lagu waasiciyo daloolka siilka si hoos loogu dhigo dhibaatooyinka ka dhalan kara sida dhalmada. In kastoo dhaqaatiirta iyo umulisooyinka iyo kalkaaliyaasha ay dib u tolaan dhalmada kedib ayaga oo aan la tashan bukaanka

Muuhimadda kintirka

Kintirka waa dhexyaal muhiimad badan u leh marka laga hadlaayo raaxada galmada, arinta cajiibka ah ayaa ah sababta dhaqamada iyo caadooyinka qaar ay ugu diidaan dumarka raaxada ay heli lahaayeen.

Bulshooyinka qaar ayaa su’aasha kore ku jawaaba, gudniinka fircooniga ah wuxuu xakameynaa dareenka dumarka, wuxuuna ka dhigayaa mid aanan sameyn gogol dhaaf.

Yareynta daloolka siilka ayaa la aamin sanaa iney kor u qaado raaxada ragga, waana dhaqan xita lagu arkay reer galbeedka. Lamaanayaasha qaar ayaa sheegaya iney tahay arin dhib ku keenta galmada caadiga ah, sababtoo dhaqamada qaar ayaa aaminsab in dumarka lagu furo galmada ugu horeysa oo la aamin san yahay iney tahay caalamad tilmaameysa in ninka uu yahay nin ka leh tamar iyo xoog dhanka raganimada

Sidee bey dareemaan dumarka soo maray gudniinka fircooniga ah?

Dadka qaar ayaa dareema in fircooniga uu ka dhigay qof ay u dhameystiran tahay dumarnimada, mana jecla in caadadaan laga guuro. Dumarka qaar ayaa sheega in ay jiraan rag qaar ah oo xirfadda galmada yaqaanaan kuwaas oo u sahla in aysan dareemin dhibaatooyinka uu fircooniga u geysto galmada. Halka ay jiraan dumar qaar oo aamin san inuu gudniinkaan uu dhaawac weyn u geystay uuna sababay xaalada badan oo soo wajaha xubinta galmada sida caadada oo ay ku xanuunsadaan, galmada oo ay dhib ku qabaan iyo dhalmada oo wadata dhibaato iyo xanuun xad dhaaf ah.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *