7 Saliidood Oo Dabiici Ah Oo Timaha Ka Ilaaliya Daadashada Qurux Iyo Dheerarna U Kordhiya

Dadka badankiis waxaa ay jecelyihiin inay yeeshaan timo dhaldhalaalaya oo qurux badan ,waxaanay isticmaalaan waxyaabo laga sameeyay maadooyin u badan kiimiko si ay riyadooda ugu rumoowdo.

Hadaba akhristaayasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com waxaan la wadaagaynaa saliido dabiici ah oo timaha nafaqeeya, koritaankoodana caawiya. Ma jiraan wax timaha nafaqayntooda uga fiican saliidaha dabiiciga ah.

Saliid Qumbaha (Coconut oil):saliid qumbaha

waxay bixisaa timaha, waxayna ilaalisaa caafimaadka iyo quruxdooda, waxay daawaysaa timo jajabka (Damaged Hair) waxayna soo celisaa dhalaalkooda dabiiciga ah. Saliid qumbaha, waxay kaloo ay u fiicantahay maqaarka jirka waxay daawaysaa finanka.

Saliid Amla (Amla oil):amla-oil (1)

Saliidaan waxaa laga keena wadanka India, Waxay daawaysaa qalaylka iyo cuncunka madaxa, waxay hodan ku tahay fatty acids, vitamin C, antioxidants. Waxa jira daraasado tilmaamaya inay ka hortagto tima daadashada. Saliid Amla waxay baabi’isaa qolofta ka dhex abuuranta timaha meeshay ka haystaan lafta madaxa (dandruff).

Saliida afakaadhada (avocado oil):saliida afakaadhada

Afakaadhadu waxay nafaqaysaa jirka  iyo timahaba waxa laga sameeya waxyaabo kala gadisan oo dhanka quruxda iyo caafimadka la xiriira Faaidooyinka ku jira awgeed. afakaadhada waxay hodan ku tahay maadada la yiraahdo Lecithin, Vitamins-ka A, D, E, B6, and Amino Acid. Saliida afakaadhadu madaxa ayay nafaqaysaa timahana way bixisaa.

Saliida lowska (Almond Oil):saliida lowska

Saliida lowsku timaha ayay carfisaa, sidoo kale waxay ilaalisaa caafimaadkooda gaar ahaan waxay u roontahay qalayllka timaha iyo jajabka.

Akhriso: 7 Cunto oo timaha nafaqeeya quruxna u yeela

Saliid Saytuun (olive oil):saliid saytuun

Saliida saytuunka waxay leedahay faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka iyo quruxda, waxay u wanaagsantahay timaha sababtoo ah waxaa ku badan fatty acids iyo vitamin E. Timaha ayay nuurisaa waxay dishaa qolofta. Qoraalada soo soocda ee daryeelmagazine.com insha Allah waxaan idin kugu soo gudbin doona faaidooyinka kale ee dhanka caafimaadka ah ee Saliid saytuunka.

Castor oil: castor oil saliido dabiici ah

Saliidaan timaha ayay ka ilaalisaa go’ida wayna bixisaa maadooyinka ku jira waxaa ka mid ah riconleic acid oo u fiican caafimaad timaha iyo maqaarka jirka.

Argan Oil:argan oil

Timaha waxay ka ilaalisaa qalaylka, waxayna ka dhigtaa timo sibiibix ah oo aad moodaysid sidii adoo koferka ka yimid markad marsato. Waxaa ku jira saliidan vitamin E. Waxayna timaha ka ilaalisaa jajabka iwm wayna bixisaa timaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *