Qaababka Cabitaanka Basasha Uu U Dheereeyo Timaha, Uguna Ilaaliyo Inay Daataan

Cabitaanka basasha wuxuu daawo ka yahay cillado badan oo soo wajaha timaha. Wuxuu qani ku yahay maadada “Sulphur” taas oo timaha ka ilaalisa go’idda iyo inay khafiifaan.

Cabbitaanka basasha waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista, waxaa lagu daweeyaa cirrada xilligeeda ka soo hormarta. Wuxuu hagaajiyaa qulqulka dhiigga ee basada, taas oo caawinaysa in jiridka timaha ay helaan nafaqo ku filan. Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay caddeeyeen in nafaqada cunnada qaarkeed iyo wareegga dhiigga oo si sax ah oo caafimaad qabta u socdaa ay ka mid yihiin waxyaabaha ilaaliya quruxda iyo bixitaanka timaha.

Cabitaanka basasha waxaa lagu dari  karaa waxyaabo kale oo dabicii ah si loogu adeegsado daawaynta cirrada soo degdegta, sare u qaadista bixitaanka timaha, iyo ilaalinta caafimaadka guud ee basada, timaha iyo jiridka tinta.

Waa kuwaan qaababka cabitaanka basasha loogu isticmaalo bixitaanka timaha.

Cabitaanka basasha iyo bixitaanka timaha:

Cabitaanka basasha oo la mariyo basada wuxuu timaha ka caawiyaa inay baxaan isagoo ka shaqaysiya, nafaqeeyana jiridka timaha.

  • Si fiican u mari cabitaanka basasha madaxa oo dhan, si tartiib ahna ugu daliig
  • U daa muddo 15 daqiiqo ah, kadibna kaga mayr shaambo.

Saliid saytuun iyo cabitaanka basasha:

Saliida saytuunku waa mid ka mid ah waxyaabaha dabiiciga ah ee lagula dagaallami karo agoolka ama toxobta. Isticmaalka saliida saytuunka iyo cabitaanka basasha oo la joogteeyo waxay timaha u kordhisaa dhalaal dabiici ah.

  • Isku qas 3 qaaddo oo casiirka basasha ah iyo 1 qaado iyo bar saliid saytuun ah, mari basada adigoo si tartiib ah ugu daliigaya muddo dhowr daqiiqo ah.
  • Ha kuu marsanaado muddo 2 saacadood kadibka iska mayr adigoo isticmaalaya shaambo.

Malabka iyo casiirka basasha:

Maklabku wuxuu u fiican yahay qoynta timaha, wuxuuna sare quruxdooda iyo caafimaadkooda. Wuxuu aad ugu roon yahay dadka cabanaya timo qalleylka.

  • Isku dar 2 qaado oo casiirka basasha ah iyo qaado barkeed malab ah.
  • Isku-darkaan marso basada, kuna daliig madaxa muddo dhowr daqiiqo ah

Saliid qumbe iyo cabbitaanka basasha:

Saliida qumbuhu waxa ay awood u leedahay in ay dhex gasho lafta madaxa oo ay siiso nafaqada uu u baahan yahay kana daaweyso dhammaan cilladaha caafimaad ee burburka timaha keeni kara. Waxay tinta siisaa dux wayna qoysaa.

  • Si fiican iskugu qas 2 qaado oo saliid qumbe ah iyo 2 qaado oo cabbitaanka basasha ah.
  • Mari isku-darkaan basada si tartiib ahna ugu duug muddo dhowr daqiiqo ah
  • Ha kuu marsanaado ugu yaraan muddo nus saac ah, kadibna iska mayr adigoo isticmaalaya shaambo.

Toon iyo cabbitaanka basasha:

Toontu waa il qani ku ah maadada sulphur oo u fiican bixitaanka timaha. Waxaa kaloo ku jira kalsiyaam iyo zinc oo kordhiya dhumucda iyo tirada timaha.

  • Isku dar 1 qaado oo casiirka toonta, 1 qaado oo casiirka basasha ah iyo 1 qaado oo saliid saytuun ah.
  • Isku-darkaan mari basada oo ku duug muddo dhowr daqiiqo ah.
  • U daa 1 saac, kadibna kaga dhaq shaambo

Ukun iyo cabitaanka basasha:

Ukunta waxaa ku jiraa inta badan nafaqada muhiimka u ah caafimaadka timaha sida barootiinada, dufannada iyo fitamiin D.

1 qaado oo cabbitaanka basasha ah iyo 1 xabbo oo ukun ah isku qas oo garaac illaa uu ka noqdo isku-dar jilicsan.

  • Mari isku-darkaan madaxa, si fiicanna timaha oo dhan.
  • Xiro koofida qubeyska ama bac, una daa nus saac
  • Iska mayr biyo qabow

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *