Cuntooyinka Timaha Ka Ilaaliyo Cirrada

In qofka marka uu weynaado ay timihiisu cadaadaan waa arrin dabicii ah, balse in qof dhalinyaro ahi uu cirro yeesho waxay ku abuurtaa walaac. Waxyaabo badan ayaa ka qeyb qaato cirrada soo degdegta.

Waxaa jira cillado keeni kara cirrada waxaana ka mid ah xanuunka tayroodhka, dhiig yarida iyo fitamiin B12 oo qofka ku yaraada.

Haddaba sidee loo joojin karaa cirrada? Ma se jirtaa habab looga hortegi karo?

Hagaag, waxaa jira cunnooyin caawiya ka hortagga cirrada. Halkii ay aad ka welweli lahayd, joogtee cunnooyinkaan soo socda. Welwelka iyo stress-ku waxay soo dedejiyaan cirrada.

Nafaqo darradu waxay ka mid tahay waxyaabaha sababaha cirrada, nafaqooyin kugu filan oo jirkaagu uu helaa waxay lagama maarmaan u tahay ilaalinta midabka tinta iyo caafimaadkeeda kale. Sidaas awgeed waa muhiim inaad doorato cunnooyinka caafimaadka u wanaagsan ee cirrada ka hortaga, koritaaanka timahana caawiya.

Waxaa jira cunnooyinka sare u qaado unugyada jirka u sameeyo midabka ee loo yaqaano “Melanin”, kana hortagga cirrada. Si akhri oo wax badan ka ogoow cunnooyinka dabiiciga ah ee ka hortagga iyo daawadaba u noqon kara cirrada.

Digirta:

Digirta waxay qani ku tahay barootiin, sidaas darteed waxay ka qeyb qaadataa ka hortagga cirrada waqtigeeda ka soo hormarta.

Khudradda cagaaran:

Khudradda cagaarani waa il dabiici ah oo laga helo fitamiin B6 iyo Fitamiin B12 kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka tinta. Khudradda caleemaha cagaaran sida koostada waxaa ku badan fitamiinnada B, sidaas darteed waxay la dagaallantaa cirrada.

Shukulaatada madow:

Shukulaatada dabiici ahaan waxay qani ku tahay copper taas oo soo saarta maadada u qaabilsan midabaynta jirka iyo tinta oo loo yaqaano “melanin“, sidaas darteed cunista shukulaatadu waxay ka hortagtaa cirrada.

Kalluunka Salmoon:

Waa cunno badeed dad badani ay jecel yihiin aadna loo cuno, waxaana uu la dagaallamaa cirrada. Kalluunka salmon waxa uu nidaamiyaa soo saarista hormoonnada qaabilsan ilaalinta midabka madow ee timaha. Kalluunkani waxaa kaloo uu la dagaallama waxaa loo yaqaanno “free radicals” oo keena cudurro badan.

Lawska almonds:

Ma ahan lawskani inuu maqaarka keliya u fiican yahay balse sidoo kale timahana wuxuu u wanaagsan yahay. Waxaa ku badan fitamiin E iyo maadada copper. Ku darso cunnada lawskaan si aad uga takhalusto cirrada, islamarkaana aad sare ugu qaado quruxda iyo caafimaadka timahaaga.

Miraha beeriska (berries):

Miraha berries-ka sida strawberries, raspberries iyo cramberries waxaa ku badan fitamiin C oo kor u qaada caafimaadka timaha kana caabbiyo cirrada soo degdegta.

Caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo

Caanaha iyo cunnooyinka laga soo dheegto waxay hodan ku yihiin fiitamiinnada B, fitamiin B6 iyo fitamiin B12 oo muhiim u ah samayska unugyada dhiigga ee cascas. Tani waxay kordhisaa in oxygen-ta iyo nafaqooyinku ay gaaraan basada. Balse haddii ay jirka ku yaraadaan folic acid (fitamiin B9) iyo fitamiin B7 waxay keeni karaan in timuhu cirraysataan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *