10 Suaalood oo aad La Kulmi Doontid Markasta oo aad Gelayso Wareysiga Shaqada Iyo Sida aad ugu Guuleysan Lahayd

Qoraha maqaalkaan oo soo sameeyay cilmi baaris ku aadan in ka badan 5000 oo xaruumo oo iskugu jira Hay’ado, Company-yo iyo qolyaha shaqaleysiista dadka ay u arkaan in ay leyihiin aqoon iyo qibrad shaqo oo ku aadan shaqada ay soo xayeysiiyeen waxayna intooda badan ku weydiiyaan xiliga ay wareysiga ka qaadayanaan su’aalo guud nuuc kasta oo shaqo ah oo la soo xayeysiiyo waqtiga ay qaadayaan wareysiga loo galo shaqooyinada.

Hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Su’aalo 10 gaaraya iyo sida aad uga jawaabi laheyd oo ah mid qoraha maqalkaan uu ku soo ogaaday in ay tahay tan ugu macquulsan hadii uu qofka ku jawaabo in lagu qaadan karo:

1. Waxaad inoo shegtaa wax ku saabsan nafsadaada?

Hadaba markii Su’aashaan lagu weydiiyo qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay waa mid ay dadka intooda badan ay ku sheegaan wixii gabi ahaanba nolashiisa soo martay balse sidaas ma ahan in aad uga jawaabto su’shaan hadii laguweydiiyo ee waxa aad ku soo koobtaa hadal gaaban oo macno u leh qolada ku wareysanayso ama hay’adda aad shaqada ka dooneyso faa’iido u ah oo adiga kugu saabsan.

2. Waxaad inoo sheegtaa waxa ay tahay rajada aad shaqadaan ka leedahay?

Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay waxaa aad u wanaagsan in aad uga jawaabto waxa aan ka leeyahay rajo aad u wanaagsan tusaale waxa aan jacelahay aniga oo aan ku xadgudbeenin sharciga iyo mabaadiida u degsan hay’adda ama company-ga waxaan rajeynayaa in aan shaqadaan ka dhigo mid sida aad ka rabtaan aan u qabto.

3. Maxey tahay sababta aad uga soo tagtay shaqadaadii hore?

Waa su’aal aad u muhiim ah oo ay kaa doonayaan qolada wareysiga kula yeelaneyso oo ay kaa dhowrayaan sida aad uga jawabeyso, balse qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay waxaa aad u wanaagsan in aad bixiso jawaabo gaaban oo macno leh sida waxa aan uga soo tagay waxaa iga dhamaaday heshiiskii, waxa aan jeclaystay in aan raadiyo meel ka challenge badan, waxa aan goystay in aan waxbarashada sii saa’idsado IWM.

4. Waa maxay waxa aad ku daciifsantaay?

Hadaba su’aashaan waxa ay tahay mid Qatar ah oo waxa lagaa doonayaa in aadan tixin waxa aadan qaban karin ama ku dhibaayo oo dhan ee waxa aad ku soo koobtaa uguyaraan qeyb yar oo macno u sameen karta qolada ku wareysanaysa tusaale waxa aad ku gaabsan kartaa adiga oo adeegsanaayo meesha aad dareemayso in aad ku daciifsanahay oo aad dhaheysid waxa ay tahay inkastoo aan idinku cusubahay hadana waxa aan dareemayaa in aan waxbadan aanan ka aqoonin siyaasaddaha iyo mabaadiida idiin degsan.

5. Waa maxay waxa aad ku fiicantahay?

Su’ashaan jawaabteeda waa mid aad adiga kugu haboon in aad u tixdo waxa aad ku ficaantahay ama aad qaban karto oo ay kaa dhigo karto in ay qolada ku wareysanayso ay adiga kaaga doortaan dadka kale ee shaqada kugula tartamaayo tusaale waxa aad dhihi kartaa waxa aan jacelahay in aan ku shaqeeyo sida aan ku gaarsiin karo hadafka idiin degsan, in aan ku shaqeeyo dulqaad, firfircoon, karti iyo howlkarnaan dheeri ah ugu dambeyn ha isku dayin in aad isku barbar dhigto qofkale oo ka mid ah dadka shaqada kula doonaya.

6. Maxaad ka taqaanaa nuuca shaqada aan dooneyno in la noo qabto?

Waa su’aal aad u muhiim ah oo ay tahay in ay ku weydiiyaan dadka ku wareysanaayo xiliga aad galeyso wareysiga shaqooyinada loo galo hase ahaatee waxa uu leeyahay qoraha maqaalkaan ka hor inta aadan soo galin wareysiga waxa aad marka hore soo baartaa macluumaadka ku saabsan shaqada aad Company-gaan ka soo codsatay adiga oo ka helikara isla website-ka Company-ga ama dad aad macrifo tihiin oo aad ogtahay in ay isla shaqadaan oo kale ku shaqeeyaan oo aad ka wareysankarto nuuca shaqadaas ay tahay iyo waxa laga rabo in uu qofka ka qabto.

7. Maxey tahay sababta aan adiga kugu shaqaaley siisanayno?

Markii su’aal nuucaan ah lagu weydiiyo waxa aad muujisaa taxdar aad u weyn oo ku aadan jawaabta aad ka bixineyso su’aashaan si aad uga sooc naato dadka kale ee kugula jira wareysiga shaqadaas aad u galeyso tusaale waxa aad dhihi kartaa waxa aan ahay qof aqoon u leh shaqadaan misana ka soo bixi kara ujeedada aad ka rabtaan waxaan kale oo aan ahay qof aqoon u leh goobta laga shaqeeynaayo IWM.

8. Ma tixgalisaa in aad nafsadaada ka dhigto mid guuleysata?

Marka hore waxaad dhahdaa haa, ka dibna muuji waxa aad tixgaliso in aad nafsadaada ka dhigi karto mid guuleysata si ay adiga kugu xushaan dadka wareysiga kula yeelanaayo.

9. Maxey tahay sababta aad waqti aad u badan u tahay shaqo la’aan?

Waxa aad ku soo gaabsan kartaa jawaabta ugu haboon oo aad siin karto qolyaha ku wareysanaayo waxeyna tahay tusaale waxa aan waqtibadan galiyay in aan waxbadan kororsado oo dhanka aqoonta ah, waxaan ahaay qof si mutadawacnimo doorbiday in aan ku shaqeeyo si aan cilmi badan oo aan hadda heysto aan u kas bado iyo in aadan ka qeyb noqon adiga oo aan cilmi badan u laheyn shaqada in aad gasho tartan xoogan oo dhanka shaqada ah oo ayna dhici karto in aadan wax badan ku soo kordhin weydo qolyaha ku shaqaaleysiistay IWM.

10. Ma u maleynaysaa in aad tahay qof heysta shahaado ka sareysa shaqada aan soo bandhignay?

Waxaad qirataa in aad waxkasta oo aad heysato aad diyaar u tahay in aad shaqadaan qolyahay ku wareysanaayo aad u qaban karto adiga oo aan ka eegeyn in aad heysato darajo ka sareysa tan ay ku soo xayeysiiyeen.

Ugu dambeyn 10-kaan qodob iyo kuwo kale oo badan ayaa ah su’aalo marwalba ay weydiiyaan qolyaha qaada wareysiga shaqooyinada shaqo kasta oo ay doonayaan in ay u qabtaan dadka xiligaas soo codsaday waana mid aad kugu haboon in aad ka dhigato mid joogteeya in aad isweydiiya su’aalaahan ka dibna raadi jawaabo haboonn ama sida qoraha maqaalkaan uu leeyahay in aad u raacdo hadii aad dooneyso in aad waxbadan oo guul ah ka hesho shaqada aad codsatay.

WD: C/Wali Cali Maxamuud (Carafaat)

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *