Ninku Muxuu Dareemaa Marka Ay Gabadhi Madax Ugu Tahay Ugu Tagay Shaqada??

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in raggu aanay inta badan ku niyadsamaadaan in haween ay ka shaqeeyaan xilalka sare, arrintaasna sababteeda koowaad ay tahay cabsi uu ka qabo loollanka badan oo dabeecad u ah gabadha.

Valentin Denisov-Melnikov oo ah caalim ku xeeldheer cilminafsiga oo u dhashay dalka Ruushka ayaa sheegay in maskaxda ninka ayaa u diyaarsan in ay si fudud u aqbasho in nin uu hoggaamiye ama madax u noqon karo, sidaas awgeed kuma adkaato in uu amarradiisa fuliyo iyo in uu ugu dulqaato cadaadiska iyo canaanta. Laakiin haddii gabadh uu yahay qofka shaqada ugu madaxda ahi, ragga badankooda waxa ay ku noqotaa xaalad aad u adag nafsad ahaan.

Waxaa ugu horreeya in ay ku adkaato in uu si fudud aqbalo amarrada gabadha iyo tilmaamaha ay u soo jeediso. Sababtuna waa quudhsi haween oo ku abuuran ninka oo marka horeba iska dhaadhiciya in uu abuur ahaanba gabadha ka maskax sarreeyo jinsiga uu yahay awgeed, taas oo cilmi ahaan aan loo haynin wax caddayn ah. Taas beddelkeeda ninku waxa uu u dulqaadan kara karaa ninka maamulaha u ahi si kasta oo ay dabeecaddiisu u kakantahay. Maadaama oo uu nafsad ahaan ku qanacsanyahay in ninka ay wadaagaan tilmaamo, aragtiyo iyo dano ka baxsan shaqada ama qayb ka ah.

Si kastaba ha ahaato ee Melnikov waxa uu xaqiijiyey in gabadhu ay leedahay awoodo maarayneed iyo dabeecado maamulwanaag oo aanu ninku lahayn. Xeeldheereyaashuna waxa ay sheegaan in haweenka badankoodu ay ka dadaal badan yihiin ragga, gaar ahaan awooddooda dhinaca dhugmada iyo u fiirsiga waajibaadka ay qabanayaan oo aad u sarraysa.

Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *