Xanuunnada Lagula Tacaalo Sisinta Iyo Malabka La Isku Daray

sisinta iyo malabka

Caafimaadku waa aas-aaska nolosha sidaas darteed waxaa waajib ah in aan ahmiyad weyn siinno sidii aan u ilaashan lahayn caafimaadkeenna. 

Waxaa jira waxyaabo aan cunnooyinka ku darsanno oo inta badan yaalla jikada guryaheenna kuwaas oo caawin kara daaweynta iyo ka hortagga cudurro badan. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah sisinta iyo malabka oo ay khubaradu sheegeen in isku-darkoodu u daawo u noqon karo cudurro kala duwan. 

Malabku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaanno “super-food” maalinba maalinta ka danbaysana waxay cilmibaarayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogeyn.’ 

Sisintu waxay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, waxaana laga helaa nafaqo kala duwan. Sisintu waxay hoos u dhigtaa dufanka kolestaroolka oo khatar ku ah xididada wadnaha, waxayna dejisaa dhiig karka.

Sisinta iyo malabka la isku daray waxay caafimaadka u leeyihiin faa’idooyin aan la soo koobi karin. Waxay laga helaa nafaqo jirka ku filan iyo tamar badan oo qofku ku guto howl-maalmeedkiisa waxayna caawiyaan daaweynta iyo ka hortagga cillado badan oo caafimaad. 

Haddaba sii akhri oo wax badan ka ogoow faaidooyinka isku-darka sisinta iyo malabka: 

Xoojinta difaaca jirka: 

Malabku waxa uu si aad u heersarraysa u daaweeyaa caabuqa iyo nabarowga dhuunta. Waxa ku jira iskudhisyo liddi ku ah bakteeriyada. Sidaas awgeed waa daawo caabuqa u fiican iyo ka hortag awood badan. Sisintu waxay ka hortagtaa koriimada bakteeriyada iyo fayrasyada halista badan ee jirka. 

Hoos u dhigista xanuunka caadada: 

Sisinta waxay ka mid tahay waxyaabaha qiimaha badan oo jirka ku caawiya soo saaridda iyo habaynta hormoonnada la xiriiro caadada. Isku-darka malabka iyo sisintu waxay yareeyaan xanuunka xilliga caadada. 

Daaweynta xanuunnada caloosha: 

Isku-darkani waxuu daawo u noqon karaa xanuunnada caloosha. Malabka waxaa ku jira sun-saareyaal ilaaliya dahaarka caloosha, sisintuna waxay caawisaa daaweynta boogaha caloosha. 

Kor u qaadista caafimaadka lafaha: 

Labadan shay waxaa ku jira xaddi isle’eg oo macdanta kalsiyaam ah taas oo sare u qaadaa caafimaadka lafaha. Waxaa kaloo sisinta ku jira maadooyinka copper, zinc iyo magnesium oo aysan lafuhu ka maarmi karin. Sisintu waxay ka hortagtaa lafo-burburka. 

Dareenka galmada: 

Malabka waxaa ku jira macdano iyo nafaqooyin muhiim u ah awoodda jinsiga, wuxuu kordhiyaa dareenka, wuxuuna xoojiyaa kacsiga, wuxuuna qofka siiyaa awood jireed. Sisintu waxay jirka siisaa nafaqo ku filan waxayna xoojisaa dareenka galmada. 

Kobcinta Awoodda maskaxda: 

Malabku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka uroon maskaxda. Isku-darkani waxa uu maskaxda siiyaa tamar. Sisinta iyo malabka waxaa ku badan walxaha sunsaarista, waxay hagaajiyaan qulqulka dhiigga ee gaaraya maskaxda waxayna kobciyaan shaqada maskaxda sida xasuusta iyo fahamka. 

Hoos u dhigista kolestaroolka. 

Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee sisinta waxaa ka mid ah inay hoos u dhigto dufanka kolestaroolka oo halis ku ah xidadada wadnaha.

Xilliga ugu habboon ee la cuno isku-darka sisinta iyo malabka, waa subax walba caloosha oo maran, xaddiga laga isticmaalayana waa midkiiba 1 qaado.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *