Xanuunka Isfiilatada Ama Waraabowga Ee Galmada La Iskugu Gudbiyo

Waraabow ama isfiilito (syphilis) waa xanuun ka mid ah kuwa la isu gudbiyo, wuxuuna ku fidaa ama la isu qaadsiiyaa qaabab kala duwan. Galmada ayaa ka mid ah hababka la isugu gudbiyo xanuunkaan, iyo taabashada, ama dhunkashada qaadata waqti dheer. Galmada ayaa ah midda inta badan la isu qaadsiiyo.

Waraabow waa xanuun la daweyn karo lalana tacaali karo. Waxuu caan ku yahay xanuun kani boogo ka soo baxa meela kala duwan oo jirka ah. Haweenka uurka leh waxay ugudbin karaan xanuunka uurjiifkooda, taasoo ilmaha yar ku keeni karta xaalado caafimaad xumo oo uu ku dhasho ama ku keena dhimasho inta uu uurka ku jiro.

Maxaa sababa waraabowga?

Waraabowga waxaa sababa bagteeriyada loo yaqaano bacterium “Treponema pallidum”.

Faafidda waraabowgu waxay marta afar marxaladood oo kala duwan, wuxuuna sideetan boqolkiiba ku fidaa wejiga koowaad oo ah primary stage waa wejiga ay samays maam boogaha kuwaasoo inta badan lagu arko xubnaha galmada ee ragga iyo dumarkaba, waxaa kamid ah calaamadaha la arko wejigaan caabuqa qanjirada difaaca jirka. Wuxuu qaataa saddex todobaad ilaa labo bilood.

Wejiga labaad ayaa ah secondary stagewaxaa la arkaa nabaro yar yar oo kasoo baxa guud ahaan ama inta badan jirka qofka, waxayna tani ku tusinaysaa in xanuunku uu ku fiday guud ahaan jirka qofka, nabarada waxaa laga yaabaa inay si iskood ah u biskoodaan. Waqtiga uu qaadanayo wejigaan waxuu u dhaxeeya labo ilaa laba iyo toban asbuuc. Nabarada ugu badan waxay kasoo baxaan calaacasha ama cagta hoose. Calaamadaha la dareemo wajigaan waxaa kamid ah qandho, tabaryari, cunaha oo xanuuna caatanimo, midabka timaha oo isku badala cawl noqdana khafiif,

Wajiga saddexaad ayaa ah mid la xariiro khataro badan, hadii aan la daweyn waraabowga marka uu ku kooban yahay labada waji ee hore wuxuu u gudbayaa wajiga saddexaad oo yimaada ilaa halsano kadib laga bilaabow xilaga uu xanuunka yimid. Waxaa wejigaan uu keenaa in infekshinka uu u gudbo gudaha jirka, sida wadnaha, xididada, maskaxda, iyo neerfaha, wauxuu keeni karaa aragbeel iyo dhimasho.

Daaweynta:

Inta uu xanuunku ugudbin wajiga saddexaad way sahlan tahay daaweyn tiisu, balse marka uu ugudbo wajiga saddexaad waxaa laga yaabaa inuu qof waligaa la noolaado dhibaatada uu keenay sida wadna xanuunka ama yar yaraanshaha xididada jirka.

Talo:

  • ka fogoow galmada xaaraanta ah,
  • Iskana baar xanuunkaan inta aadan guursan kahor
  • Ha samayn galmo adoo og inaad qabto xanuunkaan,
  • Isku day inaad iska daweyso inta uusan u gudbin wejiga saddexaad.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *