Galmada Badan Waxaa Laga Helaa Faa’idooyinkaan!

galmada badan,

Galmada badan iyo caafimaadka

Galmada ninka iyo xaaskiisa dhex marta kuma koobna keliya iney si wadajir ah u raaxeystaan ubadna kala dhalaan, balse Waxyaabo badan oo isu-tagga lamaanaha is qaba ay faa’idooyin caafimaad ka heli karaan oo halkaan lagu soo koobi karin ayaa jira, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan. 

Waxaan qormadaan ku soo qaadanayna 7 faaido oo cilmi ahaan la xaqiijiyay in laga helo galmada xalaasha ah ee  joogtada ah.

  • Xoojinta difaaca jirka: Isu-tagga lammaanaha is qaba waxay isbadal ku sameeyaa nafsiyaatka lamaanaha, waxayna sare u qaadaa difaaca jirka, sidaa darteed waxaa la arkay inay badanaa dadka isqaba aysan ku badnayn xanuunada ka dhasho difaac yarida sida hargabka iyo ifilada.
  • Hoos U Dhigidda Miisaanka: Galmada oo si joogto loo sameeyaa waxaa lagu tiriyaa inay tahay nooc jimicsiga ka mid ah iyo hab uu qofka miisaanka isaga dhimi karo, waayo xilliga galmada qofka dhididka ka imaanaya waa sabab u noqonayaa inuu dhalaaliyo xeyrta buurnaanta taas oo sabab u noqonaysa in qofka miisaankiisa hoos u dhaco, waxaana intaas sii dheer in uu xoojiyo qaar kamid ah murqaha jirka.
  • Xoojinta Murqaha Kaadi Heysta: Dad badan waxay ka sheegtaan xukun la’aanta kaadida iyo inay dhibto xejinteeda. Galmadu waxay jimicsi u tahay murqaha miskaha iyadoo xoojisa murqahaas taasoo qofka ka caawinaysa inuu awooddo u yeesho xukumidda kaadida.
  • Ka Hortegidda Cudurrada Wadnaha: Daraasado la sameeyay ayaa la ogaaday in joogteyna galmada ay sare u qaado caafimaadka wadnaha islamarkaana ay ka hortagto wadne istaagga, caadiska dhiiggana ay hoos u dhigto.. Isu-tagga lammaanaha waxay caawisa dheelitirka heerka hormoonnada estrogen iyo testosterone. Hormoonadaan oo jirka ku yaraada waxay keeni kartaa dhibaatooyin badan oo caafimaad sida lafa-beel iyo wadne xanuun.
  • Yareynta khatarta kansarka qanjirka ragga: Khubaradu caafiimaadku waxay sheegeen in galmada badan ay hoos u dhigto khatarta kansarka qanjirka manida ee ragga.
  • Wanaajinta Hurdada: Markii aad galmo samayso islamarkaana aad  biyo baxdo wuxuu jirka soo daayaa hormoonka loo yaqaano prolactin kaas oo masuul ka ah inaad dareento degenaan iyo raaxo kadibna wuxuu kaa caawiyaa inaad hurdo fiican seexato.

AKHRISO: Sida loo helo hurdo macaan Habeenkii

  • Yaraynta isku buuqa maskaxda: Dadka galmada joogtada ah sameeya waxay dareemaan xasilooni  waxaana ku yar isku buuqa iyo welwelka waxaana sii dheer in galmada joogtada ah ay kordhiso jaceylka ay isku qabaan lamaanaha iyo is xiisayntooda.

Akhriso: Cuntooyinka kordhiya rabitaanka galmada

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *