Infekshanka Galmada Lagu Gudbiyo Ee Kalaamiidiya (Chlamydia)

Kalaamiidiya waa nooc kamid ah infekshanada ka caanka ah ee lagu kala gudbiyo galmada, waxaana sababa bagteeriya, dadka qaba kalamiidiya inta badan kama soo baxdo wax caalamad ah in mudo ah, taasna waxaa laga yaabaa iney ka dhaadhiciso ineysan qaadin wax infekshan ah, hasa ahaatee kalaamiidiya waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad kuwaasoo soo muuqda xili dambe, waxaana ka mid ah in dumarka ay uur qaadi waayaan amaba uurka ay halis ku timaado.

Waxaa muhiimad weyn leh in qofku uu iska baaro infekshan xili kasta uu sameeyo galmo aan amaan aheyn uuna la sameeyo qof uusan ka warqabin xaaladooda caafimaad, hadii la sugo daawada infekshankaan waqti dheer waxaa suurto gal ah in qofku uu haleelo dhibaato caafimaad oo halis ah.

Waxyaabaha sababa kalaamiiyada

Waxa ugu badan ee sababo infekshanka kalaamiidiya waxaa kamid ah, galmo aan amaan aheyn, oo ah inuusan qofku isticmaalin cinjir xiliga uu ugalmoonaya qof uusan ogeyn caafimaadkiisa, waxuu kaluu ku faafaa galmada afka, iyo galmada futada.

Istaabashada xubnaha taranka xitaa hadii aysan dhicin galmo, kalaamiidiya wey sababi karta. Ilmaha hada dhasha way qaadi karaan hadii ay hooyada qabto infekshanka. Waxaa halis ugu jira inuu haleelo infekshanka kalaamiidiya qofka u galmooda dad badan, waxaa kaloo halis uleh qofka lagu qasbay galmo amaba la kufsaday.

Astaamaha kalaamiidiya

Dadka inta badan ma arkaan wax astaan ah ilaa in mudo ah, astaamaha xiliga dambe soo bixi kara waxaa ka mid ah:

  • Dareen gubasho xiliga kaadida.
  • Dhacaan ka yimaad xubnaha taranka ragga iyo dumarka.
  • Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee caloosha.
  • Xiniinyaha oo xanuuna
  • Dumarka waxey dareemaan xanuun xilliga galmada

Dumarka qaar infekshanka wuxuu ku faafaa tubooyinka Fallopian loo yaqaano,  oo ay soo maraan ugxaanta, waxaa halis ah in dumarka uu ku keeno caabuqa ku dhaca miskaha. Xanuunkaan waa mid u baahan daweyn deg deg ah waxaa ka mid ah astaantiisa:

  • Miskaha oo si xun u xanuuna
  • Lalabo
  • Dhiigbax aan caadi ahayn oo yimaada inta udhaxaysa labada caado.

Dhibaatooyinka kalaamiidiya.

Hadii aad aragto dhaqtar marka aad dareentid inuu infekshanka kalaamiidiya kula soo darsay, waxay ubadan tahay in lagaa daweeyo oo uusan dhibaato kuu keenin mustaqbalka, hasa yeeshee hadii aad sugtid xili dheer si lagaaga daweeyo, waxaa surta gal ah, iney ku haleelaan dhibaatooyin ka dhasha infekshanka.

Dhibaatooyinka dumarka

Dumarka qaar waxaa ku dhaca xanuunka caabuqa miskaha, waana infekshan daawici kara ilmo galeenka, ilmo mareenka, iyo ugxaan sidaha, xudurkaan waa mid wata xanuun badan una baahan in lagu daweeyo isbitaal.

Sidoo kale dumarka waxay gabi garaan dhalmada hadii aan laga daween kalaamiidiya, sababtoo ah kalaamiidiyadu waxay nabar uyeeshaa tubooyinka fallopian oo ah halka ay soomarta ugxaanta, haweenka uurka leh ee qaba infekshanka kalaamiidiya waxay usii gudbin karaan ilmaha calooshooda ku jira, taasoo ku rida ilmaha infekshanka indhaha iyo oofwareen.

Dhibaatooyinka ragga.

Ragga waxay dareemaan dhibaatooyin ka dhasha kalaamiidiya hadii aysan iska daween, waxaa ka midka ah dhibaatooyinka caabuq ku dhaca tubooyinka xiniinyaha taasoo dhalisa xanuun, sidoo kale infekshanka wuxuu usii gudbi karaa qanjirka ragga, waxayna ka dhalin kartaa qandho, xanuun daran xiliga galmada iyo xanuun xaga hoose ee dhabarka.

Talo

Sida kaliya ee looga horagi karo infekshankaan waa inaadan u galmoon qof adigoon ka fakarin amaanka galmada, inaad isticmaasho cinjirka, mideeda kale waa muhiim inaad si deg deg ah u aragtid dhaqtar kaa daweeyo infekshan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii uu kugu dhaco.

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *