Xadiga Hurdada Loo Baahan Yahay Habeenkii, Iyo Sida Loo Helo Hurdo Caafimaad Leh

Inaad seexatid hurdo caadi ah iyo inaad seexatid hurdo caafimaad leh waa wax aad ukala duwan, sababtuna waa aduunka aan maanta joogno waa aduun qof walba ay sugayaan hawlo iyo shaqooyin looga baahanyahay inuu wajaho subax walba oo dhalata. Sidaa daraadeed hadii aad tahay qof shaqeeya ama qof mustaqbal wanaagsan raadinaya, ama qof wax barta waxaa lagama maarmaan kuu ah inaad habeenkii seexatid hurdo caafimaad leh si aad hawlahaaga si wanaagsan ugu qabsatid maalinkii.

Lakin ogoow hurdadu ma ahan sida dadka qaarkiis ay u maleeyaan oo ah inay tahay shay lagu raaxaysto oo kaliya ee waa shay daruuri u ah caafimaadkaadka jirka sida biyaha iyo cuntadabu ay daruuri uyihiin, waana taas sababta aan uleenahay waa muhiim in la seexdo hurdo caafimaad leh.

Culimada caafimaadka ayaa wali wada baaritaan lagu ogaanayo waxa daruuriga ka dhigay hurdada iyo waxa ku dhaca jirka qofka marka uu seexdo.

Balse waxa la ogyahay in hurdadu muhiim u tahay sababahaan awgood;

  • In ay joogtayso shaqooyinka caadigaa ee jirku qaban lahaa maalinkii
  • In ay noo siyaadiso tamar dheeri ah, taasoo noo sahahsha inaan maalinkii shaqooyinkeena qabsano, ma isleedahay qof aan habeenkii seexan ayaa maalinkii si caadiya u shaqayn Kara?
  • Inay u ogolaato maskaxda awood dheeri ah oo ay ku qabato akhbaar cusub iyo shaqooyin cusub
  • Inay kabto ama sidoodii kusoo celiso dhamaam murqihii kudaalay shaqooyinka maalinkii.
  • Iney isku dheelitirto kiimikooyinka jirka uu isticmaalay oo ay dib usaxdo kiimiko kasta cabirkeeda
  • Iney raseyso waxyaabihi dhacay oo ay u badasho xusuus aad soo xusuusan kartid mustaqbalka, sababta aanan u ilaawin waxyaaba badan oo nagu dhaco ayaa waxaa ka mid ah in xiliga aan hurudno maskaxda waxay xusuusteena ku raseysaa qeyb ka mid ah masxada.

Shaki kuma jira qofka aan seexan inuu dareemayyo caajis badan maalinkii.

Qofka aan habeenkii seexan hurdo kufilan amaba aanan seexan ma awoodo inuu xakameeyo dareenkiisa, si fudud ayuu ku xanaaqi karaa, mana awoodo inuu sifiican qalbigiisu ula socdo waxa uu qabanayyo waxay rabaan ha ahaadeene, sidoo kale ma awoodo inuu si waadixa u fikiro

Hurdada oo laga maqnaado xili badan waxay sababtaa cuduro khatar ku ah nolosha qofka sida cudurka sonkorowga, cudurada wadnaha, cayilka iyo niyad jabka.

Tusaale ahaan hadii aadan hurdo badan ama kugu filan aadan seexan waxaad naftaada kasoo qaadaa sida gaari taayirrada ka banjaray oo wali soconayya.

Shaki kuma jiro inuu gaarigaas socon karo haduu rabo si tartiiba ha u socdee balse wuxuu dhaawacayaa birihiisa, adiguna hadaad hurdada isku yaraysid ama kaba tagtid waxaad la mid tahay gaarigaas birihiisa dib u raamsanaya oo kale.

Sida caadigaa waxaa caafimaad ahaan fiican in qofka wayn uu habeen walba seexdo 7-8 saacadood, halka caruurta iskuulka dhigatana laga rabo inay seexdaan ugu yaraan 10 saacadood, dhalinyarada yar yar ayagana waxaa laga rabaa inay seexdaan 9-10 saacadood habeen walba.

Balse waxaa muhiim ah inaad ogaatid in saacadaha badan ee aad seexatay aysan ahayn muhiimadu, balse waxa muhiimka ahi uu yahay waqtigaas badan ee aad huruday ma ahayd hurdadaadu mid qiimo leh oo aad ku nasatay,.

Waxaa jira labo nooc oo hurdada kamid ah; hurdo culus oo qofku sifiican ugu nastay iyo mid khafiif ah oo xataa haduu xili badan hurday uu wali dareemayo daal.

Dadka qaarkood waxay hurdaan saacado badan balse mahelaan hurdo ku filan waayo maysan gaarin xadkii hurdo ee looga baahnaa ama hadaan sikale u niraahno wax tarka hurdadaas ayaa aad u yaraa.

Waligaa ma is waydiisay sababta ay muhiim u tahay inaad seexatid 7-8 saacadood habeen walba?

Saan horay usoo sheegnayba hurdada looma seexdo in lagu raaxaysto balse waxaa loo seexdaa in caafimaadkaagu hagaagsanaado. Sidaa daraadeed hadii aadan helin hurdo kugu filan waxaad la kulmaysaa dhibaatooyin aadan masuuliyadooda qaadi karin.

Maskaxda oo ah xubnta aadka ugu baahan hurdada ayaa isku dhex yaacda waxayna isku qaldi kartaa amarada ay bixnayso, tusaale ahaan waxaan horay usoo sheegnay in dadka aan seexan ay cayilaan, sababtuna waxay tahay waxaa jira dheecaano jirku soo daayo marka uu qofku gaajaysan yahay iyo markuu dharagsanyahyba, maadaama maskaxdii hurdo la’aani ku dhacday waxay noqonaysaa mid daalan oo isku dhex yaacsan sidaa daraadeed waxay isku qaldaysaa amarada lagu soo daayo dheecaanadaas aan soo sheegnay ayadoo markii aad dharagtid halkii laga rabay inay amarto soo daynta dheecaanka kuu sheegayya in calooshaado buuxdo oo loo yaqaan leptin ay soo daynayso ghrelin oo ah dheecaanka sheegaya inaad wali gaajaysan tahay, taasoo sababaysa inaad cunto badan cuntid kadibna aad cayishid.

Talo:

Isku day inaad saxdid hurdadaada hadii ay kaa khaldantahay, qorsheeso waqti gaara oo aad habeen walba seexatid, kana saar maskaxdaada wal walka iyo wareerka, ha cabin kafee ama sigaar hurdada kahor, diyaarso gogol ku haboon hurdada samee jimicsi maalinkii waayo jimicsigu wuxuu jirkaaga ka dhigayaa mid u diyaar ah hurdada adoon isku qasbin.

Akhriso: Si Aad U Heshid Hurdo Macaan Habeenkii, FULI ARRIMAHAAN!

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *