Si Aad U Heshid Hurdo Macaan Habeenkii, RAAC TALLAABOOYINKAN

HURDO MACAAN:

Inaad heshid nasiina kugu filan waxay ubaahan tahay isbedel aaad ku samaysid qaab nololeedkaaga, waxaana loo baahan yahay inaad sameysid wax hormarin kara nolol wanaaga iyo ka takhalusida dabeecadaha xunxun ee kudhfrin kara habeenki.

Samee jadwal joogta ah

Hurdo leh jadwal joogta ah waa qeyb muhiim ah oo ka midah helida nasiino kugu filan  jir ahaan iyo maskax ahaanba, isbed bedelida waqtiga hurdada iyo soo kicida waxay khalkhal gelisaa saacadaha dabiiciga ah ee jirka uu lee yahay.

Si aad ugu dhaganaatid jadwalkaaga udiyaari maskaxda iyo jirka hurdada adigoo sameynaya jadwalka sariirta tasoo bilaabata xili mucayin ah habeen kasta, ku qabayso biyo diiran, dhageyso quraanka ama akhriso buug, ama samee waxyaaba kale oo ku xasilin kara. Waxayaabahaan waxay utilmaami doonaan jirka in la joogo xiligi la seexan lahaa.

Xushmad sii sariirta

Ku dadaal inaan kala saarto sariirta iyo waxyaabaha aad qabatid nolol maalmeelkaaga, dadka ku xeel dheer hurdada waxay sheegeen hurdada iney khalkhal ku imaan karto hadii ay yeelaan Mobile-da, computer-da iyo waxyaabaha kale ee electronic ah goobta hurdada loogu talagalay.

Ka fogoo daawasha TV, ku shaqeynta computerka, cunida, ama dooda kulul ee idin dhaxmari karta adiga iyo lamaanahaaga xiliga lajoogo sariirta, sababtoo ah waxay faragelin ku sameeyn karaan hab dhaqanka jirka ee hurdada iyo soo jeedka.

Hagaaji goobta.

Kormeer ku samee goobta aad seexatid iyo sariirtaba, ma waxaa soo toostaa adigoo qoorta ku xanuuneysa, jilib maku dhufataa lamaanahaaga xilliga aad hurudid, sariirta ma yartahay mise wey weyn tahay, qolka iftiin miyaa soo gala? Intaas oo dhan waa wax saameyn kara tayada hurda, waxa lagaaga baahan yahay waa inaad ubadashaa goobta, goob farxad leh oo raaxa leh, waa muhiim goobta aad seexatid iney noqoto goob qalbiga kuu dajin karta, oo aanan leheen waxyaaba badan oo ka fakar siin kara maskada, waxaa jira waxyaaba badan oo maskaxda kafakar siin kara adigoo miyirkaaga ka warqabin, sida hadii ay meeshu tahay meel wasakh leh, ama meel aad ukulul, marka waa muhiim inaad il gaar ah ku haysid goobta aad madaxa dhigtid marka aad seexaneysid. Ugu dambeyn waa muhiim inaad si joogta ah u ilaalisid jjaw iga qolka jiifka

Ka warqab waxa aad cabtid.

Waxa aad cabtid inta aadan seexan kahor waxay fududeyn karaan inaad seexatid ama iney hurdo kaa imaan weydo, saameynta jirka uu kuleeyahay kaafiin (Caffeine) waxay qaadata ku dhawaad sideed saacadood, sidaa darteen waa inaadan cabin wax kafee/bun ah, ama  cabitaanada aashitada leh galbihii ilaa fiidki.

Talo:

Hadii aysan kaa imaan wax hurdo ah 15 daqiiqo kadib, waxaa fiican inaad sariirta ka kacdo oo aad sameysid wax yaabaha kuu fududeyn kara inaad seexato, sida qubeys qandac ah, iyo dhageysiga quraanka ama akhri buug. Waa muhiim inaadan shidin TV, ama computer ama mobile sababtoo ah iftiinka kasoo bixi kara waxay maskaxda ufahmeysaa inuu la mid yahay iftiinka maalinta, sidaa daraadeed maskaxda masoo deeyso dheecaanka Melatoni oo ah dheecaan sahla hurdada.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *