10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah qaybaha ee jirka waxa uu baahan yahay in si wanaagsan loo daryeelo. Waxyaabaha la isku qurxiyo oo aad marsato kuma filna maqaarkaaga waxaa ka sii muhiimsan qaadashada cuntooyinka maqaarka uroon ee hodanka ku ah fitamiinnada si loola dagaallamo cudurrrada maqaarka ku dhaco, quruxda maqaarkana sare loogu qaado.

Haddaba casharkeenna maanta waxaan ku qaadanaynaa 10 cunto oo u wanaagsan caafimaadka iyo quruxda maqaarka, ka hortagna u ah cudurrada maqaarka.

Yaanyada:

Waxa ay hodan ku tahay maado loo yaqaanno “lycopene” taas oo maqaarka ka ilaalisa dhaawaca waxa loo yaqaanno “free radicals”. Suntani waxa ay dhaawacdaa maqaarka waxayna keeni kartaa cudurka kansarka ee maqaarka ku dhaco.

Bocorka:

Bocorka waxaa ku jirta maado la yiraahdo “alpha-hydroxy acids (AHAs)”, oo badanaa laga helo waxyaabaha jirka lagu qurxiyo. Bocorku wuxuu qani ku yahay waxa loo yaqaanno “Antioxidants” oo ah walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah, fitamiin A iyo fitamiin C oo daweeya kor qallaylka. Intaa waxaa dheer, bocorku wuxuu ka qayb qaataa soo saarista barootiinka “collagen” oo maqaarka ka ilaaliya inuu dildilaaco iyo inuu qolofaysto. Bocorka waxaa ku jirta macdanta zinc oo u fiican caafimaadka maqaarka taas oo la dagaallanta findoobka, islamarkaana ka shaqaysiisa qanjirrada soo saara saliida si loo subkiyo maqaarka loogana hortago kor qallaylka.

Baradhada macaan:

Baradhada macaan waxaa ku badan dufanka omega 3, potassium, fitamiin A, fitamiin B, fitamiin C iyo fitamiin E, waxaa kaloo ku badan walxo caafimaadka u roon oo loo yaqaanno “beta-carotene” iyo “anthocyanin”, waxay yareysaa khatarta cilladaha ku dhaca maqaarka, isbeddelka duqnimada ee maqaarka, isbedelka midabka maqaarka iyo caadka indhaha, aan ku dadaalno cunista macaan macaan.

Babaayga:

Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, waxaa ku badan ee fitamin A-ga, wuxuu ka shaqeysiiyo qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo timaha,. Babaayga waxaa ku jira fitamiinno iyo macdano xoojiya maqaarka, kana hortagga calaamadaha dhaqso u duqoobista.

Afakaadhada:

Afakaadhada waxaa ku badan dufannada caafimaadka leh kuwaas oo maqaarka qooya. Waxaa kaloo ku jira fitamiin E iyo Fitamiin C oo muhiim u ah caafimaadka maqaarka kana hortagga calaamadaha gabowga. Sidoo kale waxaa afakaadhada laga helaa walxo maqaarka ka ilaaiya waxyeellada fallaaraha cadceeda.

Fitamiin C iyo maadooyinka liddiga ku ah sunta ee afakaadhadu waxa kale oo ay muhiim u yihiin daryeelka iyo ilaalinta unugyada, waxayna qayb aasaasi ah ka yihiin dhismaha barootiin ee Collagen, dhammaan waxyaabahaas oo la isku darayna waxa ay sabab u yihiin in afakaadhadu ay ilaaliso quruxda iyo caafimaadka maqaarka.

Lawska iyo Yicibta

Lawska iyo yicibtu waxay ka mid yihiin cunnooyinka maqaarka u roon, waxay hoos u dhigaan kor qallaylka, waxaa ka buuxo dufanka omega 3, fitamiin A, fitamiin B iyo fitamiin E,. Macdanta zinc ee laga helo lawska waxay dedejaa bogsashada nabraha waxayna la dagaallanta bakteeriyada iyo hurka.

Sida ay tilmaamaayaan daraasaadku, cunista lawska waxa ay yareysaa laalaabka maqaarka ku samaysmo ee dumarka ku jira da’da dhalmo dayska. Lawsku waxaa ku jira dufannada caafimaadka uroon iyo walxaha sunsaarista kuwaas oo dib u dhiga soo shaac bixidda calaamadaha gabowga ee maqaarka.

Kalluunka duxda leh:

Noocyada kalluunka duxda leh sida salmon iyo mackerel waxaa ku badan dufanka omega 3 oo maqaarka dux siiya islamarkaana yareeya hurka keena finanka iyo maqaarka oo casaada. Sidoo kale kalluunka duxda leh waxaa il qani ku ah barootiin, fitamiin E iyo zinc.

Khudradda cagaaran:

Khudradda cagaaran sida koostada iyo broccoli-da waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista iyo maadada “lutein” kuwaas oo maqaarka iftiimiya islamarkaana ilaaliya caafimaadkiisa.

Shaaha cagaaran:

Shaaha cagaaran wuxuu maqaarka ka ilaaliyaa waxyeellada qorraxda iyo dhaqso u duqoobista. Waxaa ku jira walxo awood badan oo la yiraahdo “catechins” oo sare u qaada caafimaadka maqaarka.

Biyaha:

Biyuhu waxa ay aad ugu roon yihiin maqaarka. Waa ay cusboonaysaa, waxa ay siiyaan qoyaan, waxayna ka dhigaan mid dhalinyaro oo ifaya. Ku dedaal inaad cabto ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *