Hababka Sare Loogu Qaado Quruxda & Caafimaadka Ilkaha

quruxda ilkaha, caafimaadka ilkaha,

Ilkuhu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah jirka aadanaha kuwaas oo qabta shaqo aan xubnaha kale ee jirku qaban karin, ilkuhu waa xubnaha inoo sahla inaan wax cuno, waxay kaloo noo sahlaan inaan dhoola cadayno ama qosolno, sidoo kale ilkuhu waxay kaqayb qaataan quruxda qofka. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis u maleeyaan in ilkuhu yihiin wax aan noolayn balse waa xubno nool oo dareen leh.

Marka aad fiirisid ilkahaaga waxa kuu muuqda waa wax lafo la moodo oo midab ahaan cadaan ah oo saaran ciridka korkiisa, qaybta ugu koraysa ilkaha ee kuu muuqata waxaa la dhahaa enamel waa qaybta qarinaysa unugyada iyo xididada kale ee kujira gudaha iliga, gudaha marka loosii galo ilig walba waxaa gudaha usii qodon dalool ay maraan xididada dareemayaasha. Ilig walba waxaa ku haya ciridka seedo iyo walax kale oo loo yaqaan cementum.

Ilkuhu waxay qaabtaan shaqo muhiim ah oo ay ugu horayso jarjarida hilibka iyo waxyaalaha adag, burburinta cunada, iyo calaalinta. Calaalinta waa shaqada ugu horeeysa ee dheefshiidka cuntada, taasina waxay kuu cadaynaysaa in dheefshiidka cuntadu uusan ka bilaaban caloosha ee laga soo bilaabo ilkaha. Hadii marka koowaad aan ilkuhu soo calaalin cuntada waxaa dhib kugu noqonaya liqida cuntada.

Kahor intaa cuntada la calaalin waxaa qanjirada ku yaala afka ay soo daayaan dheecaano ka qayb qaata dheefshiidka cuntada ee afka ka bilaabanaya.

Caafimaadka afka iyo caafimaadka guud maxaa ka dhexeeya?

Baaritaano caafimaad oo la sameeyay sanadihii u dambeeyay waxaa lagu ogaaday in afkaaga oo caafimaad qabaa uu kuu horseedi karo jirkaaga oo caafimaad qaba. Taasi oo cadaynaysa in xiriir wayn ka dhexeeyo labadaan shay.

Afka waxaa lagu sheegaa inuu yahay xubinta ugu nadaafada liidata jirka oo dhan, waxaana laga helaa bakteeriyooyin badan oo keeni kara cuduro badan sida, cudurada wadnaha, sonkoroowga ,lafo xanuunka iyo kuwo kaloo badan.

Sababaha sahlaya in bacteeriyada afku ay horseedo xanuuno kale oo jirka ku dhaca waxaa weeye bacteeriyada afku waxay si sahlan ugu dhex socdaali kartaa dhiiga ayadoo markaas tagi karta xubnaha kale ee jirka.

Maxaa keena cudurada ilkaha:

Afku wuxuu hoy u noqon karaa noocyo badan oo bacteriya ah iyo noocyo kaloo badan oo fayrus iyo fungi ah kuwaas oo qaarkood keena cuduro halis ah. Sidoo kale waxaa afka laga helaa nooc bacteriya ah oo aan waxyeelo lahayn oo loo yaqaano Normal flora.

Cuntooyinka sonkortu ku badantahay ee qofku cuno waxay caawiyaan bacteriyada afka, marka labadoodu isla fal galaan waxay sameeyaan aashito khatar ah oo burburin kara qaybta kore ee ilkaha enamel taasoo keenaysa in iligii god yeesho oo hoos u qodmo.

Sidoo kale bacteriyada ilkuhu waxay dhex gashaa ilkaha dhexdooda ayadoo ku samaynaysa walax madaw oo loo yaqaan “plaque” taasoo sahlaysa in bakteriyadu hoos usii gasho ciridka aakhirkiina sababto in ciridku caabuqo. Hadii caabuqan uu sii socdo wuxuu gaarayaa heer iligu kasoo dhex baxo ciridka kadibna waxaa banaanka imaanaya xididada dareemayaasha ah taasoo sababaysa xanuun xad dhaaf ah.

Akhriso: Suuska Ilkaha Ama Bololka Iyo Sida Looga Hortegi Karo

Sidee ilkahaaga iyo afkaagaba uga dhigi kartaa kuwa caafimaad qaba?

Af caafimaad qabaa wuxuu horseedaa jir caafimaad qaba. Hadii aad rabtid inaad caafimaadka afkaaga, iyo jirkaagaba wanaajisid waa inaad qaadataa taladaan;

  • Waa inaad ku dadaashid cadayga ilkaha ugu yaraan labo jeer maalin walba
  • Ka dheerow mukhaadaraadka
  • Ku caday ilkahaaga dawada ilkaha waayo waxaa kujira maadooyin la dagalama bacteriyada
  • Isticmaal shay nadiif ah oo dhuuban hadaad rabtid inaa nadiifisid ilkaha dhexdooda iyo meelaha aan cadaygu gali karin
  • Hadii aad awoodid u tag dhakhtarka ilkaha sannadkii labo jeer si loo hubiyo caafimaadka ilkaha
  • Iska ilaali cuntooyinka sonkorta badan iyo kuwa dufanka badan
  • Ku dadaal cunista cunooyinka dabiiciga ah iyo khudradda
  • Ku dadaal cabida caanaha ay ku yartahay sonkorta iyo dufanku si aad u heshid maadada kalshiyam-ta.

Akhriso: Waxyaalaha Sababa Xanuunka Yiridka (Gingivitis) Iyo Habka Loo Daweeyo

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *