6 Qaab Oo Looga Takhaluso Dibirada Badan, Caafimaadka Dheefshiikana Sare Loogu Qaado

dibiro, dibirada caloosha, dibirada badan,

Dibiradu qofka waxa ay keenta raaxo darro. Dareenka dharagta ama ciriiri aagga caloosha ah inta badan waxaa weheliya calool xanuun, casiraad iyo naqas kuwaas qofka ka qaada xasiloonida. .

Sababaha ugu caansan ee keena dibirada badan waxaa ka mid ah, cunnada oo la iska badiyo, cunnada oo si dhakhso ah loo cuno iyo cunista noocyada cunnooyinka lala xiriiriyo dibirada.

Qormadan, Daryeel Magazine, waxa uu ku soo gudbinayaa 6 talo oo caawin kara in si dhakhso ah looga takhaluso dibirada, caafimaadka dheefshiidkana wanaajinaya.

Cab biyo badan:

Cabista biyo kugu filan maalintii oo dhan waxa ay sifaysaa sunta waxayna ka hortagaa in jirka uu keydiyo biyaha taas oo ka qaybta qaadata dibirada caloosha. Ku dedaal inaad cabto ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta si jirkaagu u ahaado mid qoyan islamarkaana aad u kobciso caafimaadka dheefshiidkaaga. 

Cunnada si tartiib ah u calaali:

Cunnada oo si boobsiis ah loo cuno, sida oo kalena aan si fiican loo calaalin waxay keentaa dibbiro. Waqtigaaga qaado si aad cunnada u calaaliso.Tani waxay dheecaan burburiyeyaasha dheefshiidhiidkaaga u fududaynaysaa inay si fiican u burburiyaa  cunnada, taas oo yaraynaysa fursadda dibirada. 

Ka fogoow cunnooyinka dibirada:

Waxaa jira noocyo cunnooyinka ka mid ah oo dadka qaar ku keena dibiro. Cunnooyinkaas waxaa ka mid ah, digirta, misirta, khudradda broccoli-da, kaabajka, cabbitaannada aashitada leh iyo macaanka samayska ah. Fiiro gaar u yeelo sida jirkaagu uga falceliyo cunnooyinka kala duwan, aqoonso, kana fogoow kuwa aad aragto inay kugu kiciyaan dibirada.

Samee jimicsi joogto ah:

Xarakaadka jirka waxa uu ka shaqaysiiyaa murqaha caloosha, isaga oo kobciya caafimaadka dheefshiidka, dibiradana yareeya. Jimicsi ka dhigo caado joogto ah sida ruclaynta iyo socodka lugta si aad u xoojiso caafimaadka habdhiska dheefshiidkaaga.

Xadid milixda ama cusbada:

Milixda oo jirka ku badata waxa ay keentaa in jirku uu keydiyo biyaha taas oo keenta dibiro. Iska yaree milixda kuna beddelo waxyaabaha kale ee dhadhanka cunnada lagu wanaajiyo sida dhirta dabiiciga ah. Ka fogoow cunnooyinka warshadaysan waxaa ku badan milixda.

Tusaale ahaan waxaad isticmaali kartaa biyaha liin dhanaanta ama dhirta sida reexaanta si aad u wanaajiso dhadhanka raashinkaaga halkii aad kaga dari lahayd milix badan.

Maree stress-kaaga:

Stress ku waxa uu dhibaato u geystaa dheefshiidka, waxa uu keenaa dibiro, gaas iyo cillado kale. Samee xeeladaha lagu maareeyo stress-ka sida dikriga iyo xuska Alle iyo jimicsiyada neefsiga.

Talooyinkani waxa ay kaa caawinayaan inaad ka takhalusto dibirada iyo inaad sare u qaado caafimaadka dheefshiidkaaga. Ku darso caadooyinkaaga maalinlaha si aad u maclaamayso dibirada badan. 

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *