10 Cunno Oo Daweeya Naqaska Caloosha Iyo Dibirada, Caafimaadka Dheefshiidkana Wanaajiya

Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka.

Sinjibiisha:

Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, islamarkaana daweeya naqaska caloosha iyo dibirada. Ku darso sinjibiisha cunnada ama shaah ahaan u cab.

Nacnaaca:

Caleenta nacnaaca (mint), waxaa lagu yaqaannaa awoodeeda dejinta murqaha caloosha iyo yareynta naqaska caloosha isku xira iyo dibirada. Cab shaaha nacnaaca, ama caleenta nacnaaca ee qoyan ku darso ansalaada iyo cabitaannada aad shiidanayso.

Midhaha fennel:

Xawaashka loo yaqaanno “fennel” waxa uu awood u leeyahay inuu nuugo naqaska mindhicirrada ku jira, islamarkaana uu dejiyo murqaha caloosha sidaasna uu khafiifiyo dibirada iyo naqaska. Calaali 1 qaado (qaadada yar ee shaaha) oo midhaha fennel-ka ah rashinka kadib ama shaah ahaan u cab.

Babaayga:

Babaayga waxaa ku jira dheecaan burburiye loo yaqaanno “papain” kaas oo caawiya cunno shiidista isagoo burburiya barootinnada caloosha. Snack ahaan u cun babaayga bisil ama ansalaatada ku darso si aad u dheefsato faaidooyinka uu u leeyahay dheefshiidka.

Cananaaska:

Cananaaska waxaa ku jirta maado loo yaqaanno bromelain oo ah dheecaan burburiye dheefshiidka uroon, hurka calooshana yareeya. Ku darso cunadaada cananaaska fresh ah ama cabitaan ka dhigo si aad u yareyso naqaska caloosha isku xira iyo dibirada.

Caanaha la fadhiisiyay:

Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt” waxa ay hodan ku yihiin “probiotics” kuwaas oo caawiya dheelitirka bakteeriyada caloosha iyo wanaajinta cunno shiidista. Cun yoghurt ka aan waxba lagu darin si aad uga dheefsato faaidada ugu badan ee dawaynta naqaska iyo dibirada.

Qajaarka:

Qajaarku waxaa ku badan biyaha, wuxuu badiyaa kaadida taas oo yareynaynsa in jirku uu biyaha hayo iyo dibirada. Qajaarka ku darso ansalaatada, ama cabitaan ka samayso.

Shaaha chamomile:

Shaaha chamomile wuxuu leeyahay awood lid-huriye, waxa uu dejiyaa cunno mareenka, waxaana uu yareeyaa naqaska iyo dibirada caloosha. Cab shaaha chamomile raashinka kadib.

Huruuda:

Huruuda waxaa ku jira maadada “curcumin” taas oo la arkay inay yareyso hurka caloosha. Huruuda oo cunnada lagu karsado ama lagu darsado caano kulul waxay la dagaallantaa naqaska caloosha isku xira iyo dibirada

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *