Cabitaanno Dalkeenna Laga Helo Oo U Fiican Caafimaadka Dheefshiidka, Suntana Ka Nadiifiya

Hab-dhiska dheefshiidka ee jidhku shaqooyinkiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in uu cuntada u burburiyo cuntada kana dhigo qaybo yaryar oo jidhku uu ka nuugi karo.

Haddaba isbeddelka hab ololeedka dunida oo dad badan ku kallifa in ay cunaan cuntooyinka dhaqsaha loo diyaariyo oo aalaaba ay ku badan yihiin dufanka aan fiicnayn iyo xawaashyadu, iyo dhibta kale oo ah xilliyada cuntooyinka muhiimka ah (Qado, Casho iyo Quraac) la cunayo oo aan waqti go’aan ku nidaamsanayn, cunto badan oo la cuno, cuntada kadib oo toos loo seexdo iyo cuntada oo si degdeg ah loo cuno, dhammaan arrimahani waxa ay dhibaatooyin caafimaad ku keenaan hab-dhiska dheefshiidka.

Sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu aad ugu dardaarmaan in qofku uu maro nidaam cunto qaadasho oo khudraddu ku badan tahay si ay hab-dhiska dheefshiidka uga nadiifiso sunta kana caawiso in uu shaqadiisa si habsami ah u guto.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa noocyo ka mid ah sharaabbada dalkeenna laga helo oo ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in ay hab-dhiska deefshiidka ka nadiifiyaan suntan, taas oo tayeynysa shaqadiisa.

Liin macaan, koosto iyo dacar:

 Asiidhka Sitric (Citric Acid) ee ku jira liin macaantu waxa uu yareeyaa calool xanuunka, sidoo kale ganka badan ee ay liintu leedahay oo ah mid si dhaqso ah u milmi kara ayaa caawiya gaska caloosha, una sahla in ay si dhaqso ah u nuugto maaddooyinka nafaqo ee ku jira cuntada. Dacarta waxaa ku jira dheecaanno barootiin, faytamiinno, macdanno, iyo noocyo ka mid ah asiidhada oo jidhka ka saara suntan, aadna u nadiifiya hab-dhiska dheefshiidka. Halka caleentada koostaduna ay ay jidhka siiso gebi ahaanba nafaqada cunto ee uu u baahan yahay.

Cinabka iyo kaabashka:

Ganka/gask sida sahlan u milma ee midhaha cinabka, ayaa caawiya shaqo wanaagga hab-dhiska dheefshiidk, sidaa awgeedna qofka ka ilaaliya calool istaagga, halka kaabashkuna uu derbiyada midhicirada kala dagaallamo caabuqa iyo kaarkam sababtuna ay tahay sida ay dhakhaatiirtu sheegayaan maaddooyin ku jira oo la dagaallama caabuqa iyo kaarka / nabarrada.

Dabacasaha (kaarootada):

Dabacasuhu waxa uu ka mid yahay cuntooyinka sida aadka ah looga helo ganka / gaska dhaqsaha u milma, taas oo xoojisa shaqada hab-dhiska dheefshiidka.

Cambe Babaay:

Cambe babaayga waxaa ku jira maddooyin iyo faytamiinno caafimaadka guud ee caloosha u fiican.

Tufaax iyo Khayar:

Tufaaxa gaar ahaan nooca cagaaran waxa uu ka hortag aad u fiican u yahay kansarka midhicirada ku dhaca, waxa aanu nidaamiya dhaqaaqa midhicirada, halka uu khayaarkuna uu dejiyo hab-dhiska dheefshiidka.

Cananaaska iyo Khayaarka (qajaarka):

Cananaaska waxaa ku jira bartootiinno iyo maaddooyin awood badan u leh burburinta cuntada, isla markaana wanaajiya habsami u shaqaynta hab-dhiska dheefshiidka. Dhinaca kalana khayaarku waxa uu dejiyaa hab-dhiska dheefshiidka.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *