Calaamadaha Lagu Fahmo Haddii Jidhkaaga Ay Gashay Milix Badan Iyo Khataraha Ka Dhalan Kara

Milixdu waa isku dhis Soodhiyaam Kalaraydh oo astaantiisa cilmi ay tahay ‘NaCI’. Sida ay hay’adda caafimaadka adduunku sheegtayna haddii ay jidhka ku badato waxa ay keeni kartaa dhiigkarka, ama ay caawin kartaa in uu dhiiggu kor u sii kaco, waxa kale oo uu kordhin karaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan ama ku sii bataan xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxda. Sidaa awgeed hay’addan ka tirsan Qaramada Midoobey waxa ay ku talisay in la yaraysto cunista milixda oo inta qofku uu maalintii ka isticmaalayaa ay ka yaraato 5 garaam.

Sida aan ka soo xiganay shabakadda wararka ee Aljasiira, xafiis gobaleedka Bariga dhexe u qaabilsan hay’adda WHO ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay biyo kama dhibcaan yihiin caddaymaha iyo maragga cilmiga ah ee isku xidhaya dhiigkarka iyo milixda jidhka gelaysaa. Baadhitaannada la sameeyeyna ay muujinayaan in dalalka ay dadkoodu qiyaas 1 garaam oo keliya ah ku soo koobeen milixda ay maalinti cunayaan, in qiyaas ka badan boqolkiiba 7 ay hoos u dhacday tirada dhimasho ee sababteedu tahay dhiigga maskaxda ku furma ama ka xidhma iyo wadne wareenka.

Milixda maalintii jidhka gelaysa oo laga yareeyo 5 garaam waxa ay ka hortag fiican u tahay xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku wada dhaca, kuwaas oo lagu tiriyo in ay yihiin sababta koowaad ee ay u dhintaan dadka dunidu.

Warbixintu waxa ay xustay in xanuunnadani ay sannad kasta sababaan 17.3 Milyan oo dhimashooyin kedisa ah, waxa aana la saadaalinayaa in haddii sida hadda xaal yahay uu ku sii socdo, ay sannadka 2023 ka noqon doonto in sannad kasta ay 23 milyan oo ruux u dhintaan cudurradan wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Dalal badan ayaa boqolkiiba 80 milixda jidhka qofka gashaa waxa ay ka timaaddaa cuntooyinka hore u sii diyaarsan, sida roodhida, ceeshka iyo kimista, caano fadhiga, kajabta diyaarsan, hilibka la sanceeyo iyo cuntooyinka degdegga ah. (Beergarrada, Saanwiijka, biitsada, iwm). Waxa aanay hay’adda qaramada midoobey ee caafimaadku ku dardaarantay in isku darka milixda jihdka maalintii gelaysa, ee qofku uu ka helayo dhammaan noocyada cunto ee uu maalintii cunayo guriga iyo bannaankiisa labadaba in ay ka yaraato 5 garaam oo qiyaas ahaan u dhiganta maqlacadda yar. Waxa ay hay’adda WHO ku talisay in xaddiga milixda gelaysa jidhka ilmaha da’diisu u dhexeyso 2 sano illaa 15 sano ay ka sii yaraato inta aynu sheegnay in qofka weyni aanu dhaafin am aka hoos maro oo ah 5 garaam.

Calaamadaha Lagu garto haddii aad milix badan cuntay:

  • Dibiro: Milixdu biyaha ay jidhka ku keydisaa sidaas darteed waxay keentaa dibiro
  • Cadaadiska dhiigga oo kor u kaca
  • Jidhka oo barara sida wajiga, gacmaha iyo cagaha
  • Harraad badan
  • Miisaanka jidhka oo kordha
  • Hurdo xumo
  • Calool xanuun

Talooyin qofka ka caawinaaya in uu yareeyo milixda jidhkiisa gelaysa

– Akhri warqadda ku dhejisan cunto kasta oo aad iibsanayso si aad u ogaato xaddiga milix ee ku jirta.

– Marka aad cunto diyaarsan iibsanayso ku dadaal cuntooyinka ay milixdu marka horeba ku yar tahay.

– Miiskaaga cuntada ha soo dhigin milix, kajab, sooska diyaarsan iyo shay kasta oo leh milix ku samaysan.

– In xaddiga milix ee cuntada marka la karinayo lagu darayaa aanu ka baddan shan meelood meel malqacadda yare e shaaha, maalintii oo dhan.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *