Cabitaan Jidhka Ka Sifeeya Sunta, Difaaca Jidhka Xoojiya, Caafimaadka Guudna Kobciya

Casharkeenna maanta waxaan kuu soo qaadanaynaa cabitaan dabiici ah oo jidhka ka nadiifiya sunta islamarkaana xambaarsan nafaqooyin tiro badan iyo maadooyin kale oo caafimaadka faaido ugu jirto.

Cabitaankan ayaa ka kooban tufaax, baytaraaf iyo karooto, waana saddex shay oo dhulka Soomaalida laga heli karo.

Nafaqada Cabitaankan:

Tufaaxa:

Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinnada A, B, C, E, K, Folate, niacin, Zinc, copper, potassium iyo phosphorus. Tufaaxa waxaa ku badan fitamiin C iyo walxaha sunsaarista kuwaas oo dhaawaca ka ilaaliya unugyada jirka, difaacana jirkana xoojiya.

Baytaraafka:

Baytaraafka waxaa ku jira fitamiinnada A, C, B-complex, xadiid, magnesium, potassium iyo copper. Baytaraafku waxa uu leeyahay awood lid-huriye, wuxuu ilaaliyaa beerka, waxaana uu caawiyaa xakamaynta kolestaroolka dhibaatada leh. Waxaa intaas dheer, inay ku jiraan maadooyin la dagaallama gabowga kuwaas oo maqaarka siiya muuqaal dhalinyaronimo iyo dhalaal.

Karootada:

Karootadu waxay leedahay fitamiinno tiro badan sida fitamiin A, B1, B2, B3, B6, C, E iyo macdano ay ka mid yihiin potassium, calcium, niacin iyo folate.
Fitamiin A-ga ka buuxa karootada waxa uu xoojiyaa awoodda aragga, waxaana uu jirka ka saaraa sunta.

Faaidooyinka cabitaankan:

Findoobka:

Cabitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo karootada waxaa laguu yaqaannaa inuu finanka iyo nabraha maqaarka. Maadaama uu jirka ka saaro sunta, waxa uu kaxeeyaa findoobka, waxaana maqaarka uu ka dhigaa mid dhalinyaro oo ifaya.

Caafimaadka wadnaha:

Cabitaankani waxa uu ilaaliyaa in caadiska dhiigga iyo kolestaroolku aysan dhaafin heerkii dabiiciga ahaa. Tani waxay kobcinaysaa caafimaadka wadnaha.

Shaqada maskaxda:

Cabitaankan waxa uu siyaadiya xasuusta, waxaana uu wanaajiyaa u fiirsiga sidaas darteed wuxuu uroon yahay maskaxda.

Sidee loo diyaariyaa cabitaanka tufaaxa, baytaraafka iyo karootada?

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 xabbo oo baytaraaf ah
  • 1 xabbo oo tufaax ah
  • 1 xabbo oo karooto ah
  • Nus koob biyo ah

Habka diyaarinta:

  • Soo qaado baytataafka si fiican u mayr kadibna diirka ka fiiq
  • Jarjar tufaaxa, baytaraafka iyo karootada kadibna ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
    Ku dar biyaha oo si fiican u shiid illaa uu ka noqonayo cabitaan jilicsan.
  • Miir kadibna galaas ku shubo

Goormee la cabbaa?

Waxaa lagu dardaarmaa in cabitaankan sunsaarista la cabbo maalin kasta, waxaa ugu habboon in la cabbo subaxdii caloosha oo maran quraacda ka hor.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *