Timaha Ka Soo Baxa Wajiga Iyo Xabadka Dumarka (Hirsutism)

Image source: Dermnetnz.org

Timaha wajiga iyo xabadka ka soo baxa ee dumarka:

Waxaa dhacda in dumarka qaarkood ay yeeshaan shaaribo ama gadh sida ragga oo kale taasoo ah xaalad aan dabiici ahayn, gabi ahaana waa wax aysan dumarku jeclayn inay sida ragga oo kale timo ku yeeshaan wajiga.

Dumarku waaku kala duwan yihiin xaaladan, qaarkood waxay timuhu kasoo baxaan wajiga iyo xabadka halka qaarna ay wajiga kaliya kaga soo baxaan. Sidoo kale cadadka timaha ayaa lagu kala duwanyahay.

Maxaa sabbaba in Dumarku sida ragga timo kasoo baxaan wajiga ama xabadka?

Xiliga qaan gaarnimada, gabadhaha jirkoodu wuxuu soo saaraa hormoono isku qasan oo ragga iyo dumarkuba ka simanyihiin, kuwaasoo sababa in timo kasoo baxaan kilkilaha ama gumaarka taasoo ah mid dabiiciya oo ragga iyo dumarkuba leeyihiin.

Hadaba hadii hormoonada jirka gabadhu soo daynayo ay noqon waayaan kuwo isku dheeli tiran waxaa dhacaya xaalada isku dheeli tirnaan la aan ah, ayadoo gabadha jirkeedu uu ku badanayo hormoonada raggu soo daayaan sida androgens.

Waxyaalaha kale ee sababi Kara xaaladan waxaa kamid ah:

  • Polycystic ovary syndrome: tani waa xaalad ay sabbato isku dheeli tirnaan la aanta hormoonada galmada ee dumarka taasoo sababi karta, khal khal caadada kuyimaada, cayil, iyo ugxan sidaha dumarka oo nabro yar yar kasoo baxaan.
  • Burooyin: kansarka ku dhaca ugxan sidaha dumarka ayaa sidoo kale sababi kara timaha kasoo baxa dumarka.
  • Dawooyin: dawooyinka qaarkood ayaa sidoo kale sabbabi kara xaaladan, sida dawada loo yaqaano danazol oo ah dawo loo qoro dadka qaba dhiigga caadada oo saaid ah, naasa xanuun, iyo xaalada kale .

Waa maxay astaamaha lagu garto timaha wajiga iyo xabadka:    

Sida aan horay usoo sheegnayba xaaladan maahan cudur balse waa marxalad si lama filaan ah ugu dhacda dumarka qaarkood taasoo ay sababeen isku dheeli tirnaan la’aanta hormoonada jirku soo daayo, taasoo keenta in dumarku timo ku yeeshaan meelo aysan caadiyan guud ahaan dumarku timo ku yeelan, sida wajiga iyo xabadka.

Calaamadaha kale ee lagu garan karo dumarka xaaladan kujira waxaa kamid ah:

  • Codka oo waynaada
  • Bidaar
  • Maqaarka wajiga oo yara adkaada
  • Maashaa oo yaraada

Waa maxay dhibaatooyinka ay keeni karto xaaladan:

Sida iska cad majirto gabar doonaysa inay yeelato qaabka ragga oo kale, gabar walbaana waxay ku qanacsantahay inay yeelato gabarnimo buuxda. Hadaba hadii xaaladan ay soo wajahdo dumarka qaarkood dhibaatooyinka ay u keeni karto waxaa kamid ah, walwal badan, niyad jab, kalsooni daro, iyo  takoorid ay kala kuumaan bulshada.

Marka laga soo tago dhibaatooyinka maskax ahaaneed ee soo wajaha dumarka qaba xaaladan, waxaa kaloo jiri kara in dumarka qaarkood isku arkaan xaalado kale oo caafimaad sida, polycystic ovary syndrome taasoo hor istaagi karta in gabadhu uur qaado waxna dhasho.

Sidoo kale dumarka qaata dawooyinka loo isticmaalo in lagu daweeyo xaaladan, waxay dawooyinku u keeni karaan ilmaha  jirkooda kujira dhibaatooyin badan. Sidaa daraadeed waxaa fiican mar hadii aad dawooyinkaas qaadanayso inaad uurka iska ilaalisid.

Sidee looga hortagi karaa xaalada timaha wajiga iyo xabadka ka soo baxa:

Majirto wax kahor tag ah oo ay leedahay xaaladan, balse dumarka qaba cudurka polycystic ovary syndrome hadii ay yareeyaan culayskooda waxay ka caawin kartaa inay yaraato in timo kasoo baxaan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *