Sida Shaqo Loo Helo Khibrad la’aan!

Sida shaqo loo helo, shaqada,Qoraalkan kooban haduu ilaah idmo waxaan idiin kuugu soo gudbinayaa sida shaqo lagu helo khibrad la’aan, waxaan mowduucan kala sheekaystay qaar ka mid ah maamulka shirkadaha xawaaladaha dalka Uganda iyo ganacsato. Ra’ yi gooda waxaan kusoo koobay halkan:

RAADI KHIBRAD KU HABOON SHAQADA AAD CODSANAYSID OO DABIICIYAN AAD LEEDAHAY.
Ugu horayntii raadi xirfad dabiiciyan aad uleedahay oo kaa dhigi karto qof udiyaarsan shaqada aad codsanaysid. Tusaale ahaan, Dukaan tafaariiq hadad shaqo ka codsanaysid oo aad tahay dadka maskaxda fiican oo dhakhsida wax xifdiya hala xishoon u sheeg in aad adigoon weligaa dukaan soo gadin hadana aad awoodid mudo yar gudaheed inaad alaabta dukaanka wada taal iyo qiimahoodaa aad wada xifdin kartid.Hadaad shaqo Maamule codsanaysid oo aad ku fiican tahay maamulka,qaban qaabada, isku keenista, iyo wax ka dhaadhicinta bani’aadamka waa hubaal inaad shaqadaa Maamulka aad kasoo bixi kartid hadad aqoonta theory ga maamulka aad leedahay waayo maamulka inta badan shaqaduu qabto intaas ayaa ugu wayn.

Shaqo walbo intaadan codsan mar hore raadi farsamo dabiici ah ama aad soo baratay oo shaqadaa la xariirin kartid si aad milkiilaha ugu qancisid inuu shaqadaa kugu tijaabiyo.

ABUURO KHIBRADAADA

Khibrad la’aan in shaqo lahelaa way adag tahay laakiin shaqo la’aan in khibrad la helo way sahlantahay inta badan khibrada shaqsiga ayaa abuuran karo. Hadaad rabtid inaad ku biirtid shirkad samaysa website yada, intaadan shaqada codsan waxaad abuurtaa website kaaga si aad sample ahaan u tustid. Hadaad codsanaysid shaqo weriyenimo ah, intaadan shaqada codsan waqti yar quur oo dooro cinwaan fiican xogtiisana soo aruuri,kadibna iska duub adigoo tebinaayo una cadee milkiilaha inaad awoodid shaqadaa sidii loogu tala galay inaad uga so baxdid. Hadad codsanaysid shaqo xisaabiyenimo u muuji milkiilaha wuxuu ku qanci karo u sheeg hadad Volunteer NGO ama Shirkad ugu soo shaqaysay.

hadad Bakhaar ka shaqayn jirtay oo xisaabiye ka’ahayd haka ilaabin inaad C.V gaga ku dartid hala xishoon xirfad walbaa oo aad shaqadaa u leedahay. Inta badan khibradaha yar yare e aan liidno yaa waxay nagu guulayn karaan shaqooyin waawayn. sirta meeshan ku jirto yaa ah intaadan caawinaad dad kale karaadin marka ugu horayso caawi nafsadaada adigoo practice garaynayo abuuranayana xirfado aad nafsadaada ku suuq gayn kartid.

Uma baahnid qof inaad kafasax qaadatid ama ushaqaysid si aad khibradaada u abuuratid.

INTERNSHIP (TABABAR) MUSHAAR LA’AAN AH RAADSO

Hadaad awoodid waxaa fiican inaad ugu horaynba aad raadsatid intership (tababar) mushaar la’aan ah. Raadi shirkadaha aad jeclaan lahayd inaad ushaqaysid,kana codso inaad internship la samaysid xataa hadaysan weligood arday ama dhalin yaro hore u ogolaan Kacodso. Lashaqay muddo 3-6 bilood ah,mudadaas si fiican oo caajis la’aan ah ula shaqay markaad aragtid inay shaqadaada ka heleen kacodso shaqo booskii kabanaan, waxaa hubaal ah hadaysan markaas shaqo kabanaanayn inay kuu yeeri doonaan markay shaqo ka banaanaato.

Hadii aadan awoodin inaad mudadaa lacag la’aan ku shaqaysid, intaadan bilaabin lacag kaydso oo ugu talo gal waqtigaa, ama kacodso inaad isbuucii 3 ama 4 maalmood lashaqaysid maalmaha kalena aad noloshaada soo dhacsatid Waa shaqo adag oo qofwalbaa qaban Karin laakiin ogow inay maalmo qura ay tahay,faaiidadeedana ay badan tahay, oo ay kamid yihiiin inaad khibrad helaysid, marka labaadna shaqo aad ku heli kartid marka sedexaadna degaanka shaqada iyo sida shirkadaha looga shaqaysto aaad ku baranaysdi.

DEJISO ISTIRAATIIJIYAD HUFAN OO SHAQO KU RAADSATID

Intaadan bilaabin shaqo raadis deji hab qeexan oo aad ku raadsatid shaqo. Habkan wuxuu kuu sahlayaa inaad lasocotid shirkadaha shaqada ay kabaanyihiin iyo halka loogu hagaago. Shirkadaha qaabab badan oo shaqaalahooda ay ku qortaan yaa jiro, hababkaan ayaa loo qaybiyaa labo a) shaqaalaysiinta gudaha (Internal recruitment) b) shaqaalaysiinta dibada(External Recruitment) marka lasoco habka shirkada aad codsanaysid shaqaalaha ay ku shaqaalaysiiyaan. Lasocona marwalbaa shirkadaha ay shaqooyinka ka banaanyihiin adigoo kala soconayo shabakadaha ay ku baahiyaan sida wargaysyada, website ka shirkada, boorka ogaysiiska (Notice board) shirkada iyo dadka ka shaqeeyo shirkada. Asxaab fiican ka samayso suuqa ganacsiga si ay kuula socodsiyaan had iyo jeer meesha fursadaha fiican ay ka jiraan, ha yaraysan qodobkan wuxuu caawiyay dad badan oo aan ka mid ahay.

QORO ARJI SOO JIIDASHO LEH

Markad ka warheshid shirkada ay shaqada ka banaantahay waxaa diyaarisaa C.V(curriculum Vitae) iyo Warqad codsi shaqo oo soo jiidasho leh, una qor qaab Official ah.

Haka ilaabin inaad ku dartid xirfadaha kala duwan ee aad leedahay, iyo hadaad volunteer hay’ado ugu soo shaqaysay. Arji gaga qaab qurux badan ha udiyaarsanaado hana ka badbadin oo haku qorin xirfado aadan lahayn, shaqooyin aadan soo qaban iyo aqoon aadan lahayn, waayo suaalo ayaa lagaa waydiin doonaa CV gaga, hadad ka jawaabi waysidna intaas ayaa niyadjab kuugu filan.

RAADI QOF DAMIIN KAA NOQDO AADBAY MUHIIM U TAHAY

Waxaa marar badan soo lalaabtay in shaqaalaha ay lacago kala fakadaan ganacsiyada kadibna ku tahriibaan, Ganacsatada soomaaliyeed ayaa waxay ka kalsooni beeleed dhalintii soomaaliyed ee aysan aqoonta ulaheen Laakiin aqoonta iyo farsamada leh. Arintaa awgeed waxaad arkaysaa qof aqoon leh oo shaqo codsaday oo shaqadii la siinayn oo lasiinayo qof aqoon yar laakin la yaqaano. Si fursada aad shaqada ku heli kartid u waynaato, intaadan shaqada codsan raadi qof masuul ah oo damiin kaa noqdo. Tixraaca (refference) ga C.V gaagana ku dar magaciisa oo sedexan iyo numarkiisa ama email kiisa. Wareysiga (Interview ga) marka lagula yeelanayana ha ilaabin inaad soo hadal qaadid qofka damiinka kaa noqonayo. Tan waxay kordhinaysaa fursada aad shaqo uga heli kartid shirkado aadan maamulkeeda aqoon isku laheen. Damiinka ayaa wuxuu ka mid noqday qodobada ugu waawayn ee Ganacsataya ay tixgeliyaan markay shaqaalaysiinayaan shaqsi aysan aqoon ulaheen.

SUMCADAADA ILAASHO

Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin afmaal ama (oral society), waa dad hadalka wax iskugu gudbiyo. Qof walboo soomaali ah waa sirdoon aan loo dirsan, qof walbaa wuxuu ka warbixiyaa qofka kale. Qof sumcad leh hadaad tahay waxaad arkaysaa dadkoo dhan oo sifadaas kugu amaanayo. Hadad qalad kusoo samaysay soomaaliya, wadamada dibada aad nolol cusub ku dhisatay waa hubaal in soomalida wadankaa kugu la nool ay arintaa si fudud ku ogaanayaan. Marka sumcadaada mar walbaa ilaasho qof xumaan lagu sifeeyana hanoqon.

GUNNAANAD

Nolosha waxay leedahay heerar kala duwan,laga soo bilaabo maalinta uurka hooyadeen ku abuurmano ilaa ka qaangaarayno masuuliyadeena waxay saran tahay walidka, laakiin maalintaan qaan gaarno masuuliyadeena anaga ayay dusheena saarantahay in shaqo la raadsado oo lashaqaysto waxay noqonaysaa lagama maarman,qofka si uu mustaqbalkiisa u kifaalo qaado wadada horumarkana ugu toosiyo.

Marka walaalayaal waqtigeena yaynaan malaa yacni ku lumin aan kafaaiidaysano. Diinteena suuban waxay nagu dhiiri gelinaysaa inaan shaqaysano oo kasab keena quudano diinteena shaqada waxay siisay muhiimad wayn ilaa heer loo arkay inay caabudida ilaah ay tahay. Imaamkii weynaa ee Imam Al-Ghazali buugiisii Ihyaa’ `Ulum Ad-Deen wuxuu ku sheegay in maalin Nabi Ciise (CS) uu arkay nin ilaah caabuditaankiisa u go’ay.wuxuu waydiiyay siduu nolol maalmeedkiisa ku kasbado Ninkii wuxuu yiri walaalkay oo shaqeeyo ayaa iikena cuntadaan ku nolahay. Nabi Ciise CS wuxuu yiri “waxaa kaa khayr badan walaalkaa”

Tan waxay na tusaysaa in nolol maalmeedkoo lasoo dhacsado ajar laga helo.

W/Q: CABDIRASHIID SHABEEL

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *