Sida Looga Helo Jawaab Sax ah Dhakhtarka Baritaanka Kadib

Waxaad gashaa xafiiska dhakhtarka adigoo rajeynayaa inaad kala soo tagtid jawaabo waafi ah oo ku qanciya, laakin mararka qaar ma ahan mid dhacda.

Daraasado badan ayaa sheegaya in dad badan aysan helin jawaab sax ah oo ku aadan baaritaankoodu waana arin walaac badan dhalineysa.

Nasiib wanaag waxaa jira waxyaaba badan oo bukaanada ay sameyn karaan kuwaas oo kor uqaadi kara in jawaab sax ah ay kasoo baxdo barintaanadooda, cilmi baaris soo socotay tobonaan sano ayaa qeexaysa isfaham wanaagsan oo dhex mara dhakhtarka iyo bukaanka waxay wadada u xaareysaa in ay hoos u dhacdo inta jeer ee uu bukaanku ku soo laalaabto xaruumaha caafimaadka.

Waxaa hoos ku qoran tilaabooyin aad qaadi kartid si adiga iyo dhaqtarka aad u heshaan arimaha aad raadineysaa oo kuu sahli kara daryeel caafimaad kiisa ugu wanaagsan.

Qof hakula socdo

Tani waxay noqon kartaa midda ugu muhiimsan ee xaqiijin karta in isfaham wanaagsan uu idin dhexmaro adiga iyo dhakhtarka. Qof aad aaminsan tahay ama qof kamid ah qoyskaaga waxay kugu dhiira gelin karaan inaad u sheegto dhakhtarka waxyaabaha aad ka cabaneysid iyo inaad weydiisid su’aalahaaga, sidoo kale waxay kaa caawin karaan inaad soo xusuusatid jawaabaha uu dhaqtarka ku siiyay, hadii aad ka laba labeynesid sida dad badan, isku day inaad usharaxdid qof aad isugu fiican tihiin.

Diyaarso warbixinadaadi caafimaad          

Dhaqtarka wuxuu si fiican kugu shaqeyn karaa marka aad haysatid macluumaadkaaga caafimaad oo idil, waxaa hoos ku qoran waxyaabaha lala tago dhakhtarka

  • Liiska su’aalaha aad rabtid inaad weydiisid dhakhtarka
  • Liiska astaamaha aad dareemeysid
  • Nuqul ama kobiga sheybaarka iyo jawaabihi ay bixiyeen dhatarada kale
  • Warqad yar oo ay ku qoran yihiin taarkhdaada caafimaad iyo xaalada caafimaad ee hadda
  • Liiska dawooyin iyo kaalmaatiyaasha aad isticmaashid (waa hadii ay jiran)

La tag ajande

Qorshee mowduucyada iyo su’aalaha khaaska ah ee aad rabtid inaad weydiisid sida

  • Maxay jawaabteyda ku noqotay sidaan?
  • Malaga yaabaa ineysan jawaabteyda sidaan ahayn?
  • Waxyaaba kale oo sharixi kara astaamahayga miyaa jira?
  • Waa maxay khatarada lala xiriiriyo dawooyinka aad ii qortay?
  • Wadooyinka kale ee ii baanaan faaidooyinkooda iyo khasaarahooda
  • Mala hadli karaa dad kale oo soo maray xaaladeyda oo kale oo hadda ka boggsooday

Xusuusnoow: Go’aanada waa weyn, waxaa had iyo jeer fiican inaad heshid wax ka badan hal talo.

Meel ku qoro

Tirakoobyo badan ayaa tilmaamaya inaan ilowno boqolkiiba 80 waxa aan ku maqalno wada hadalka, hadii ay tahay arin muhiim ah, meel ku qoro, ama qofka kula socdo hakuu qoro inta aad diirada saareysid fahamdka dhakhtarka iyo su’aal weydiinta, hadii uusan kula socon qof, xaqiiji inaad qortid qodobada muhiimka ah.

Xaqiiji tilaabooyinkaaga xiga

Inta aysan dhamaan booqashada dhakhtarka, cadeey waxa adiga iyo dhaqtarka aad isku ogtihiin

Tusaale ahaan waxaad dhihi kartaa “Hada waxaan sii aadaa sheybaarka si aan dhiig isaga cabiro kadib farmasiga, kadib waxaan kugu soo laaban doonaa hal todobaad kadib”

Dabagal

Islamarka ay dhamaato booqashadaada dib u eeg wada hadalka, kadibna samee liiska inta shey ee lagaa rabo inaad sameysid, kadib raadraac ku samee xaaladaha lagaa sheegay, waxaad isticmaali karta barocaafimaad si aad u heshid macluumaadka ku saabsan xaaladaada

Talo  

Waxay dantaada ku jirtaa inaad isku duwato macluumaadkaaga oo dhan, sababtoo ah dhaqtarka waa in uu ogaadaa dawooyinka aad isticmaashid, astaamahaaga, iyo natiijooyinka sheybaarka, waana arin kaa caawin karta inaad heshid jawaab sax ah oo aah heshid baaritaankaaga ka dib

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *