Xikmad Dhiirra-Gelin Ah

1. Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya

2. Ka faa’iideyso oo si fiican u isticmaal waqtigaaga. Dib waad u aqrisan kartaa qoraal, fariin ama Buug, Waad ku soo ceshan kartaa video muuqaal ah ama mid dhageysi ah laakiin ma jiro Aduunka nidaam “System” dib kuugu soo celin kara Waqtigi ku dhaafay ee aadan isticmaalin ama ka faa’ideysan

3. Haddii qof si dhab ah u rabo in uu qeyb ka noqdo Noloshaada, waxay si dhab ah u sameynayaan dadaal si ay ugu soo biiraan. Nolol la wadaagayo ma aha wax la jili karo ama afka keliya laga sheegi karo

4. Wanaag ku bedel xumaan kasta, dhoola cadee goortii aad murugeysan tahay, ku qanacsanow halka aad joogto iyo waxa aad heysato. Had iyo jeer cafi cid kasta. Ogow dadku way is bedelaan, qaladaad waa dhacaan, laakiin xusuusnow noloshu waa soconaysaa

5. Dadka qaarkii waa sidi daruurta oo kale, goortii ay kaa tagaan waxay kuu noqotaa maalin qurxoon

6. Mar kasta aad ka shakido ilaa heerka aad gaari karto, xusuuso ilaa inta aad soo socotay, waxa aad ka soo gudubtay, dagaalada qarsoon naftaada ee aad ku soo guuleysatay iyo dhamaan cabsidi aad ka soo adkaatay

7. Xiriirku kuma xirna Da’da, masaafo fog, isu dhowaansho, kala maqnaansho iyo in la is waco daqiiqad kasta maalinti. Waxaa muhiimka ah waa in la helaa Aaminaad iyo daacadnimo. Aaminaada gabadhaha ee ninkeeda iyo Daacad ahaanshaha ninka ee gabadhiisa

8. Dadku ma oga oohintaada, Dadku ma oga murugadaada, Dadku ma oga xanuunkaaga, balse waxay dhamaan ogaadaan goortii aad hal qalad sameyso. Laakiin Alle SWT ayaa og Ilin kasta oo indhahaaga ka timaada, wuxuuna kaa cafiyaa qalad kasta oo aad sameysay. Ha rajo dhigin

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *