Sababta Dumarka Loogu Booriyo Isticmaalka Huruuda Iyo Cudurrada Ay Daawada U Tahay

Huruuda waa geed daweed xambaarsan faa’idooyin aan la soo koobi Karin, waa mid ka mid ah geedaha ugu caansan ee loo adeegsado dawaynta iyo ka hortagga cudurro faro ba’an ku haya aduunka.

Huruudu waxaa dhir cunnada lagu darsado oo aad looga isticmaalo wadanka Hindiya iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Asia, iyadoo lagu carfiyo laguna midabeeyo cunnada.

Waxaa huruuda ku jirta maaddo lagu magacaabo “curcumin” oo ah dawo waxtar badan. Waxaa kaloo ku jira nafaqooyin aasaasi u ah caafimaadka sida barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin E, fitamiin K, potassium, calcium, copper, iron, magnesium iyo zinc.

Faa’idooyinka guud ee huruuda:

  • Waxay daawo u tahay niyad jabka
  • Waa hur-bi’iye (anti-inflamatory),
  • Waxa ay ka mid tahay dhirta u fiican caafimaadka maskaxda isla markaana xusuusta kordhiya
  • Xanuunnada wadnaha ayay ka hortagtaa
  • Maadada “curcumin” ee huruuda ku jirta waxay ay dishaa kansarka sidaas darteed huruudu waxay ka hortag u tahay kansarka.
  • Waxay maqaarka ka ilaalisaa dhaawacyada, waxayna ka dhigtaa mid dhalinyaro oo ifaya
  • Waxay caawisaa qashin saarka beerka
  • Waxaa ku badan walxaha lidka bakteeriyada waxay shaqo ka qabataa bakteeriyada sida; E. coli, Staphylococcus aureus iwm.
  • Waxay hoos u dhigtaa macaanka

Aan eegno sababaha ay qasabka u tahay inay dumarku isticmaalaan huruuda.

Waxay yareysaa cilladaha caadada:

Dumarka leh xaalada isbedelka niyadda ee caadada ka hor ee caafimaad ahaan loo yaqaanno “premenstrual syndrome” (PMS), waxay isku arkaan kacsanaan niyadda ah, xanuun, xanaaq dhow, hadalka si kale loo fasirto iyo qaar kale. Daraasaadku waxa ay tilmaamayaan in maadada huruuda ku jirta ee curcumin ay yareyso astaamaha cilladaan sababtoo ah waa lur-biye (anti-inflamatory). Sidoo kale huruudu waxay hoos u u dhigtaa cilladaha la xiriira howl-gabka dhalmada (menopause) sida niyad jabka, kororka miisaanka iyo lafaha oo caafimaadka lafaha daciifa. Waxay kaloo yareysaa khalkhalka hormoonada ee xilliga howlgabka dhalmada.

Waxay caawisaa dumarka qabo Endometriosis:

Endometriosis waa cillad caafimaad oo sababta inuu caabuq ku dhaco xuubka ku dahaaran ilmo galeenka oo ah meesha uu ku koro ilmaha uur-jiifka ah. Cilmi baaris ayaa lagu arkay in maadada curcumin ay nidaamiso hormoonnada iyo dheecannada wax burburiya (enzymes) iyo joojinta koriitaanka endometriosis.

Waxay caawisaa daaweynta ugxan sidaha fiixda leh:

Cillada ugxan sidaha fiixda leh (PCOS) waa arrin caan ah oo ka dhalata isku dhexyaaca habka dheecaanada jirka dumarka, waa xaalad ay dareemaan dumarka ku jira da’da dhalmada.

Caado aan joogta ahayn ama waqti dheer joogta, tima siyaada ah oo ka soo baxa, finan iyo buurnaan ayaa ah astaamo inta badan lagu arko haweenka qabo cillada PCOS.

Maadaama huruudu ay tahay sunsaare iyo lur-bi’iye waxay caawisaa daaweynta ugxan sidaha fiixda leh iyagoo hoos u dhiga heerka sonkorta dhiigga. Huruudu waxay caawisaa hanaanka qashin saarka iyo miisaan dhimista.

Waxay caawisaa infekshanka kaadi haysta:

Infekshanka kaadi mareenka “Urinary tract infection” (UTI) waa cillad kale oo caan ah oo haweenka ku badan waxaana lagu gartaa astaamo ay ka mid yihiin Kaadida oo marka ay imaanayso wadato dareen kulul, midabka kaadida oo isbadala iyo kaadida oo urta. Maadada curcumin ee huruuda ku jirta waxay yareysaa xanuunka iyo hurka kaadi mareenka.

Daaweynta cudurrada lagu gudbiyo galmada (STDs):

Astaamaha cudurrada STDs ee dumarka waxaa ka mid ah dheecaan aan caadi oo ka yimaada ferjiga iyo hur xubnaha taranka ah.  Huruudu waxay dishaa jeermisyada sababa infekshannada xubnaha taranka. Waxay kaloo huruudu caawisaa la dagaallanka cudurrada STDs.

Waxay yareysaa xanuunka mindhicirrada kacsan:

Huruudu waxay hoos u dhigtaa astaamaha xanuunka mindhicirrada kacsan (Inflammatory Bowel Syndrome) sida xanuun casiraad leh, calool istaagga iyo shubanka. Waxay kaloo wanaajisaa cunno shiidista.

Waxay ka hortagtaa wadne xanuunka:

Maadada curcumin ee ku jirta huruuda waxay ka hortagga xanuunno badan oo wadnaha ku dhaco, waxayna ilaalisaa caafimaadka wadnaha.

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *