Infekshanka Kaadi Mareenka Urinary tract infections (UTIs)

Infekshanka kaadi mareenka (Urinary tract infections)

Kaadi mareenku waa hab kamid ah 9ka hab ee jirka ku kooban yahay, waxuuna ka kooban yahay xubnaha kala ah kelyaha, ureters, kaadi-haysta iyo urethra. Infekshan ku dhaca mid kamid ah xubnahan waxuu si sahlan ugu gudbin karaa dhamaan saddexda kale. Waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kale ah, kaadi mareenka sare oo ka kooban kelyahay iyo ureters-ka iyo kaadi mareenka hoose oo ka kooban kaadi-haysta iyo urethra.

Kelyahu waxaa ay jirka u qaabil san yihiin shaqooyin badan oo aad u muhiim ah taasoo ay ugu weyn tahay saarida wasaqda sida kaadida. Waxaa kale oo ay isku miisaamaan biyaha ku jira jirka iyo macaadiinta, waxay ka shaqee yaan caadi ahaanshaha cabirka dhiiga iyo sonkorta iyo shaqooyin kale oo badan uu muhiim ahba.

Xubin kasta oo kamid ah kaadi mareenku waxaa saamayn kara infekshan balse kaadi mareenka sare ayaa ah mid hadii uu infekshan ku dhaco leh khatar badan sida infectionka loo yaqaano pyelonephritis oo ah infekshan ku dhaca kelyaha.

Maxaa sabaa Infectionka ku dhaca kaadi mareenka

Habka kaadi mareenka waa mid balaaran oo ka kooban xubno kala duwan, marwalba maa sababaan calaamdo la dareemi karo balse markii ay sababaan waxaa kamid ah,

  • Qofka oo marwalba suuliga galo si uu ukaajo taaso sabab u ah inuusan hayn karin xadi badan oo kaadi ah
  • Kaadida oo marka ay imaanayso wadato dareen kulul oo qofka ka dareemo xubinta kaadi mareenka hoose (urethra),
  • Dhabar xanuun
  • Qandho
  • Matag
  • Laqanyo
  • Midabka kaadida oo isbadala
  • Dhiig soo raaca kaadida
  • Kaadida oo urta
  • Iyo xanuun laga dareemo miskaha iyo gumaarka.

Dadka ugu badan oo uu saameeyo infekshanka ku dhaca kaadi mareenka ayaa ah haweenka, taasoo loo sababeeyo gaabnaanshaha tuubada kasoo qaado kaadi haysta ee loo yaqaano urethra marka loo eego ragga.

Ifectionkaan ayaan yimaada markii bakteeriya ay gasho kaadi mareenka taaso ku taranta kuna faafto dhamaan ama inta badan habka kaadi mareenka. Waxaana lagula tacaali karaa qaab daaweyn ah. Dadka aan kaaji karin in lagaliyo kateetar si uu kaadida usoo qaado ayaa leh jaanis ay ku heli karaan infectionkaan.

Talo:

hadii aad dareento calaamadaha xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar waayo waxuu sababi karaa xanuuno kale oo ka waxyeela badan, waxaana wanaagsan in horey wax looga qabto intuusan saamayn balaaran yeelan.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *