Khalkhalka Hormoonada Dumarka (Hormonal Imbalance), Asbaabaha Keena Iyo…

Ma waxaad dareemeysaa dibiryo, xanaaq badan? Waxaa eeda la saari karaa hormoonada jirka oo aan isku dheeli tirneyn. Hormoonada waxaa kiimikooyin fariin sidayaal ah oo fara gelin ku sameyn kara sida ay u shaqeeyaan unugyadaada iyo jirka xubnahiisa.

Waxaa arin caadaiah, inuu isku dhexyaac ka dhaco dheelitirnaanta hormoonada jirka waqtiyada qaar, sida ka hor caadada ama uurka, xiliga dhalma joojinta. Sidoo kale dawooyinka qaar iyo xanuunada qaar ay isku dhexyaacaan sababi karo.

Caadada oo aan joogta ahayn

Inta badan dumarka waxay helaan caadada 21ki maalmood ilaa 35ki maalmoodba mar. hadii aysan caadadaadu iman waqti cayiman waxay ka macneyn kartaa in xaddiga hormoonada qaar ay kugu yar yihiin ama kugu badan yihiin, hadii aad jirto inta u dhexeysa 40 ilaa 50 sano waxay ka dhigan tahay inaad fooda sii gelineysid xiliga dhalma joojinta.

Hurdo xumo

Hadii ay hurdada kugu yar tahay ama aysan ahayn mid fiican. Waxaa qeyb ka ciyaari kara hormoonada, hormoonada qaar waxay kicin karaa heer kulka jirka, waana arin adkeyn karta hurdo wanaagsan in la helo.

Finan/furuuruc raaga

Finan soo baxa caadada ka hor iyo kadibba waa arin iska caadi ah. Laakin hadii ay raagaan waxay astaan u noqon kartaa  dhibaato ka jirta hormoonada

Xusuus ceryaameysan

Khubarada caafimaadka waxay aamin san yihiin, in is bedel ka dhaca hormoonada estorojin iyo borojestaron ay ceryaamin karto xusuustaada, waana arin adkeyneysa inaad wax si fudud ku soo xusuusatid. Sidoo kale waxaa kadara dhibaatooyinka xusuusta iyo digtoonida marka ay dumarku gaaraan xilliga dhalma deynta.

Daal badan

Ma waxaa tahay qof markasta daalan? Arintaan waa midda ugu badan ee lala xiriiriyo hormoonada jirka oo aan isku dheeli tirneyn, xaddiga hormoonka Progesterone oo bata wuxuu kaa dhigi karaa qof daalan.

Niyad jab iyo dabeecadaha oo isbed bedela

Miisaanka jirka oo kordha

Madax xanuun

Xubinta galmada dumarka oo qaleyl noqota

Arintaa waa caadi in mararka qaar la dareemo, laakin hadii aad marar badan isku aragtid ama aad dareentid xanfaf, waxaa macquul ah in hormoonka estrogen uu kugu yar yahay, hormoonkaan wuxuu caawiyaa sidi xubinta galmada u ahaan lahayd mid qoyan.

Xiisaha galmada oo luma

Dadka inta badan waxay aamin san yihiin hormoon lagu yaqaano ragga ee la yiraahdo testesterone inuu u gaar yahay ragga, hasa yeeshee dumarka laf tarkoodu wey leeyihiin, haddii uu yaraadana waxaa hoos u dhaca hamiga ay dumarku u hayaan galmada.

Is bedel ku yimaada naasaha

Hadii hormoonka estrogen uu hoos udhaco, waxaa yaraada naasaha, sidoo kale hadii uu kor kacana wey adkaadaan. La hadal dhaqtar hadii aad wax is bedel ah ku aragtid naasahaaga.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *