Astaamaha Kansarka Ugxanta Dumarka Ku Dhaco & Sababa Keeno

Ugxantu waa laba xabo oo ku kala yaala labada dhinac (gees) ee minka dumarka, waxayna soo saaraan ukumaha iyo hormoono muhiimad balaaran u leh taranka iyo caadada haweenka. Ugxamahan waxaa cabirkooda lagu qiyaasaa inay la’egyihiin miraha loo yaqaano yicibka (almond).

Kaankaradu waxay kamid tahay xanuunada saameeya ugxamaha dumarka. Waana halista labaad marka  lagasoo tago kaankarada naasaha. Waxaa macquula in mudo ahi aan  haweeyneydu  dareemin wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkan ayna dareento xili uu qaangaaray ayna adagtahay in wax laga qabto (advanced stage).

Hadii kaankarada noocaan ah aan la ogaan xili hore oo wax laga qaban karo waxay ku faafaysaa xubnaha dhexyaalka u ah miskaha iyo ubucda. Taasoo adag in ladaweeyo ama la ciribtiro, balse hadii la ogaado xili hore oo uu ku koobanyahay ugxaamaha (mid, ama labadoodaba) waxaa inta badan lagu xaliyaa qaab isagu jira qalliin iyo daaweeyn.

Waa maxay astaamaha kansarka ugxanta dumarka?

Bilowga kaankaradan inta badan majirto calaamad muujinaysa, waxaana laga yaabaa in la arko dhiig yar oo ka imaanaya xubinta taranka haweenka, kasoo aan loo qaadan karin ama aan khaas u ahayn kaankarada. Marka uu xanuunkaan noqdo mid qaangaaray waxaa inta badan la arkaa calaamado badan kuwaasoo aan u badnayn kuwo khaas u ah kaankaradan. Waxaana kamid ah, culeys laga dareemo miskaha, qaybta hoose ee ubucda oo xanuunta, dhiig ka yimaadan xubinta taranka, qofka oo dhumiyo miisaan, caado wareer ama caadada oo xiligeedii kasoo hormarta am aka dib marta, dhabar xanuun marba marka ka danbeysa kasii dara, laqanyo, matag iyo appetite-ka uu dhuma.

Maxaa sababa kansarka ugxanta dumarka?

Ilaa hada si cad looma garankaro waxa sababa kaankarada ugxamaha, balse waxaa jira qodobo lala xiriirin karo (risk factors) , waxaana kamid ah da’da, madhalaysnimo, qaadashada hormoonka estrogen qaab daaweyn ah (estrogen replacement therapy), da’da lagu helo caadada iyo da’da lagu joojiyaga (tusaale, hadii ay caadada ku helaan 12 sano kuna joojiyaan 50sano ama kadib waxaa sareeya heerka ay ku heli karaan kaankaradan), sigaarka, intra uterine device(qalabka lagu xakameeyo uurka).

Kaankaradan waxay leedahay qaybo kala duwan iyadoo loo eegaya halka ay seelasha kaankaradu ka bilowdaan. Sidaan kor kusoo xusnay daawada xannuunkaan waxay ku xirantahay qaangaarnimadiisa ama bilowgiisa.

Talo:

Iska ilaali inaad cabto sigaarka, hadaad aragto wax calaamad oo muujinaya dhiig kayimid xubinta taranka kaa aan ahayn kan caadada fadlan la xariir dhakhtar sida ugu dhakhsaha badan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *