Hormoonka Progesterone: Shaqooyinka U Qabto, Khatarta Hadduu Jirka Ku Yaraado & Cuntooyinka Kordhiya

Progesterone waa hormoon aasaasi ah oo si dabiici ah uu jirku uu soo saaro, kaas oo shaqooyin kala duwan jirka u qabta, si gaar ah wuxuu uga qayb qaataa howlaha la xiriira taranka iyo uurka. Inkastoo loo arko inuu yahay hormoon dumar, haddana raggu way u baahan yihiin si jirkoodu u soo saaro hormoonka testosterone oo ah hormoonka u qaabilsan korriinka xiniinyaha, qanjirka ragga, soo saarka tinta ragga lagu garto iyo qaab u samaynta murqaha iyo lafaha ragga.

Dhanka dumarka, hormoonka progesterone wuxuu u qabtaa howlo kala duwan, wuxuu ilaaliyaa ilmo galeenka xilliga uurka, wuxuu hagaajiya taranka, wuxuu xoojiya awoodda difaaca jirka, wuxuu hoos u dhigaa khatarta dhiciseynta, wuxuuna nidaamiyaa wareegga dhiigga caadada. Progesterone oo jirka yaraada waxay horseedi kartaa kansarka naasaha ku dhaco.

Habab kala gedisan ayaa loo kordhin karaa heerka hormoonka progesterone ee jirka, cunnooyinka laga helo ayaa habka dabiiciga ah ee ugu fiican ee sare loogu qaadi karo hormoonkaan.

Qormadaan waxaan ku dul istaagaynaa cunnooyinka kobciya heerka hormoonka progesterone, Sii akhri.

Mooska:

Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin B6, waxay caawiyaan soo saarista hormoonka progesterone, waxayna ka qayb qaataan isu dheellitirka hormoonnada jirka. Moosku waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin B6 kaas oo kordhiya heerka progesterone, wuxuu kaloo caawiyaa yaraynta astaamaha xaaladda isbedelka niyadda ee caadada ka hor ((Premenstrual Syndrome) sida walwalka iyo iskubuuqa.

Digirta:

Digirta waxaa ka buuxo nafaqooyin badan sida macdanaha zinc, magnesium iyo fitamiin B6 kuwaas oo ilaaliya heerka hormoonka progesterone, islamarkaana yareeya heerka hormoonka estrogen. Hoos u dhigista estrogen waxay si toos u kordhisaa heerka progesterone. Tani waxay caawisaa la dagaallanka stress-ka iyo dejinta qofka.

Qoondarka (flaxseed):

Waxaa jira cunnooyinka qaarkood yareeyaan heerka estrogen si heerka progesterone uu kor ugu kaco. Inkastoo jirka dumarku uu si isku mid ah ugu baahan yahay labadaan hormoon, haddana estrogen oo jirka ku bata waxay keeni kartaa miisaanka oo kordha iyo heerka hormoonka insulin oo kordha. Qondarka waxaa ku jirta maado la yiraahdo “lignan” taas oo caawisa hoos u dhigista estrogen-ka xad dhaafka ah. Tani nwaxay kordhinaysaa heerka hormoonka progesterone. Daraasado dhowr ah oo lagu sameeyay qoondarka waxay sheegeen inuu alle ku abuuray awood ka hortag kansarka naasaha, qanjirka borostaatada iyo kansarka xiidmaha.

Cunnada badda:

Dufannada Omega3 iyo Omega6 waxay muhiim u yihiin soo saarista progesterone iyo isu dheellitirka hormoonnada. Noocyada kalluunka sida mackerel, salmon iyo tuunada waxay qani ku ku yihiin dufannadaan waxayna ka qayb qaataan kordhinta hormoonka progesterone si dabiici ah. Sidoo kale, xayawaan badeedka loo yaqaanno “shrimp”, afsoomaalina lagu dhaho “Haley” wuxuu kordhiyaa heerka hormoonka progesterone ee jirka.

Kaabajka:

Kaabajka waxaa ku jiro walxo dabiici oo loo yaqaanno “phytoestrogens”, noocyada walxahaan waxaa ka mid ah “genistein” oo caawisa soo saarista soo saarista progesterone ee ugxan sidaha, ka hortagga unugyada kansarka iyo hagaajinta shaqada galmada.

Lawska:

Daraasad ayaa lagu arkay in joogtaynta cunista lawka nooca loo yaqaanno “pine nuts” ay yarayso halista kansarka naasaha ku dhaca ee la xiriirta khalkhalka hormoonada estrogen iyo progesterone. Lawska waxaa ku jirto maado la yiraahdo “Polyphenols” taas gacan ka gaysata kobcinta heerka progesterone iyo hoosna u dhigta halista noocyada kansarka lala xiriira.

Digaagga:

Digaagu wuxuu qani ku yahay fitamiin B6 iyo amino asiidhka loo yaqaanno “L-Arginine”. Maadada nitric oxide waxay doir wayn ka ciyaartaa taranka dumarka, samaynta xididada dhiigga qaada iyo guud ahaan shaqada habdhiska taranka dumarka. Arginine waxay caawisaa soo saarista maadasa nitric oxide si ay qabto howlaha muhiimka ah ee taranka oo ay ku jirto kordhinta heerka progesterone ee jirka.

Iniinyaha bocorka:

Iniinyaha bocorku waxay qani ku yihiin fitamiin C, arginine, zinc, magnesium iyo fitamiin E oo ah nafaqooyinka muhiimka u ah soo saarista hormoonka progesterone. Waxaa kaloo iniinyaha bocorka ku jira maadada dabiiciga ah ee”phytoestrogens” taas oo caawisa isku dheellitirka hormoonnada jirka kana hortagto khatarta kansarka naasaha.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *